Ukunta Iyo Quraacda

Ukuntu waxa ay  ka mid tahay cuntooyinka ugu faaidada badan caalamka aynu ku noolnahay maanta, iyada oo intaasi ay u raacdo qiimaheeda lacageed oo aad u raqiis ah.

Maxaa faaido ah oo ay leedahay in ukunta lagu quraacdo?

 1. Protien wanaagsan: unkun,ta waxaa ku jira amino acid, kaasoo jirkaagu uga baahan yahay heer aad u sareeya oo awood ah,waxaa kale oo ku jira vitamins B12, kaasoo in badan ka caawiya murqaha iney isku soo ururaan. Sidoo kale Ukuntu waxay kobcisaa energy-ga iyo firfircoonida.

2. Waxay ka caawisaa koritaanka maskaxda: waxaa ku badan maadada choline oo ah nafaqo laga helo ukunta, nafaqadaan waxay si joogta ah u caawisaa maskaxda, murqaha iyo hab-dhiska wadnaha. Sidoo kale waxaa jira daraasado muujiyay in maadada choline ay kobciso xusuusta.

3. Waxay gacan ka gaysataa dhimista miisaanka: Daraasad lagu dabaacay wargeyska cayilka ka faalooda ee loo yaqaan  “International Journal of Obesity”  ayaa lagu ogaaday in dadka ku quraacda ukunta ay ka miisaan lumin  badan yihiin kuwa aan ku quraacan.

4. Waxay kaa caawisaa ka hortaga cudurka kansarka ah: daraasad cusub ayaa soo jeedisay in joogtaynta cunista ukunta ay ka hortagto cudurka Kansarka(Cancer). Tijaabo la xajiiyay ayaa muujisay in haweenka cuna ukunta todobaadkii lix jeer inay hoos u dhigto qatarta cudurka kansarka 44%.

5. waxay difaacdaa awoodda araga indhaha: Ukunta waxaa ku jira maadooyin  antioxidants ah oo lagu kala magacaabo leutin iyo zeaxanthin kuwaasoo la xiriiyay inay ka hortagaan cudurrada araga indhaha daciifiya.

Check Also

ilowga badan, hilmaanka,

Sida Looga Hortegi Karo Illowga Badan

Illowgu waxa uu ka mid yahay xaaladaha caanka ah ee lagu arko qofku marka uu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *