Talooyin Noloshaada Wax Ka Badalaya

Waa talooyin goosgoos ah oo nolosha ku saabsan oo uu Qurbo magazine akhristayaashiisa la wadaagayo.

– Xanuun kastaa dawo ayaa uu leeyahay, ka hortagga ayaana ka fiican daawaynta. Isku day hab kasta oo aad kaga hortagi karto xanuun, Allaah kuuma qadaro ee haddii ay dhacdo in aad bukootana ogow in ay waajib tahay in aad is dawaysaa.

– Haddii aad leedahay Dhabar ama Qoor  Xanuun  ama aad jeceshahay in aad ka hortagto in ay kugu dhacaan, Ku seexo furaash adag (Furash Dibbi ah) kana dheeroow sariirta isbiriinka ah. Haddii da’daadu ay gaadhay Afartan Jir waaba kugu waajib in aad sidan yeeshaa.

– Habeenkii goor hore seexo si aad subaxii goor hore u toosto. Salaadda subax kac, qadada ka dibna yara seexo laakiin ka dheeroow Hurdada dheer ee galabnimo.

– Haddii ay dhacdo in aad habeenkii aragto riyooyin xun xun, inta aanad u tagin dhaqtarka, Isku dawee Qur’aanka Kariimka ah. Waxa aad u muhiim ah in aad aaminto in qur’aanku wax daweeyo.

– Ha isku mashquulin ka fakarka riyooyinka, hana u sheegin cid aan kuu ahayn saaxiib dhow. Ogow riyadu waxa ay ku rumawdaa waxa u horeeya ee lagu fasiro, sidaa awgeed iska jir in aad dhaqso u turjumato riyada xun ama cid dhaqso u fasiraysa aad u sheegto.

– Marka aad toosto cadayo oo waysayso. Waxa hubaal ah in waysada salaadda subax ay kaxayso burburka hurdada habeennimo.

– Ha bilaabin shaqada ama howlahaaga kale ee aroornimo adiga oo aan quraacan.

– Ku dadaal jimicsiga iyo ciyaaraha jidhka dhisa oo ah kuwa marka aad samayso ay suurto galayso in ay howl galaan dhammaan xubnaha jidhkaagu. Dhididka ka yimaada jidhku waxa uu soo nadiifiyaa wixii sun  ah ee ku jiray jidhkaaga.

– Soco ugu yaraan Soddon Daqiiqo Maalin kasta adiga oo waliba xoog u tallaabsanaya.

– Marka aad socoto dhabarkaaga toosi, si toosanna u soco. Marka aad u baahato in aad dhinacyada daymooto, ha duwin indhaha oo kali ah.

– Haddii ay noqoto in aad safarto waa in aad cidkasta oo ku danaynaysa sida qoyska u sababaysaa safarkaaga. Inta aad maqantahay cid ku ogow cidda aad ka masuulka tahay, dardaaran safarka hortii waa muhiim ee ha illaawin.

– Isku day in aanad kaligaa safrin. Qofna ha noqdo ee cid raac. Haddii aad safarka ku tihiin koox wada socda waa in mid idinka mid ah aad ka dhigataan hogaamiye inta safarku socdo.

– Marka aad safarka ka soo noqoto qorshee in aad maalinnimo ku soo beeganto guriga, xaaskaagana ku sii wargali imaanshiyahaaga.

– Isbar marka aad safar ka soo noqonayso in aad xaaskaaga u soo qaaddo hadyad. Inta ay hadyaddu le’egtahay ama qiimaheedu maaha muhiim, laakiin waxa muhiim ah jacaylka iyo xasuusta.

– U adkaysiga Imtixaanka adduunku waa furaha nolol Farxad leh.

– Dhibka iyo bukaanku waa tijaabada nolosha. Haddii aad la kulanto sababta raadi oo xalli, wixii ku soo marana wax ku qaado.

– Ogow oo noloshu waa tijaabo iyo tartan. Dhib kasta oo kugu timaaddaa waxa ay ka mid tahay tijaabadaa iyo imtixaankaa. Haddii imtixaanku (Dhibta iyo bukaanku) uu aad u adag yahay, Ogow calaacal waxba ma taro ee. Isku day in aad xaliso adiga oo la kaashanaya dad aad ku kalsoontahay oo dhibta kula wadaaga waxaase intaas oo dhan ka mudan in aad ula noqoto xagga Rabbi, si uu kaaga furdaamiyo dhibta uu kuu qaddaray.

– War-warku xal ma’ keeno. Waxa la ogaaday in dadka warwarku dilaa ay ka badan yihiin kuwa ay shaqadu disho. Ha niyad jabin ee ogow in dhib kastaa ay xal leedahay.

– Haddii aad bukooto ha u calaacalin caafimaad ee Ilaahay waydiiso sida kuu khayr badan. Ogow oo imtixaanku waxa uu ku badan yahay dadka wanaagsan.

– Dhibta maanta ku heshay kuma tusayso in Beriyi ay tahay maalin madoow. Ha rajo beeline ee u halgan in aad berri ka dhigto maalin rajo badan..

– Ma u malaynaysaa Saaxiib aad marar badan illowday ama aad ka jawaabi wayday dalabkiisa, in uu isagu kaa aqbali doono dalab. Waxa ay ila tahay in aad ku jawaabtay Maya. Haddaba adigu noqo mid mar warlba saaxiibkii kaga horreeya wanaaga.

– Haddii cid aad ballan la leedahay u diyaar garow, ilaali labiskaaga iyo nadaafadda, inta aad la joogtana anshaxa dhowr.

– Si kasta oo noloshu ay kuugu adkaato ama aad ula kulanto wax aad qoomamayso, ha ku ducaysan dhimasho. Ogow in noloshu ay tahay hadyadda ugu wayn ee Alle bixiyo.

– Ma jiro qof aan khaldamin. Noqo mid markaba ka toobad keena gefkiisa. Ilaahay mar walba dambi dhaaf waydiiso oo ka dheeroow niyad jabka.

– Ka dheerow Isku-buuqa, Niyad-jabka, Murugada iyo Caajiska, waayo waxba ma kordhiyaan ee wax-qabadka iyo karitda qofka ayuun baa ay dabraan.

– Calool-xumada, darxumada, sharaf dhaca, Caajiska, Cabsida, Tamar-darrada, Hunguri waynida, Bakhaylnimda, Cadawnimada iyo Dulmiga intuba waa Shar ee Ilaahay ka magan gal, mar walbana ka bari in uu kaa badbaadiyo.

– Xasuusnoow in Ilaahay uu kaa jecel yahay Hooyadii ku dihatay, haddii aad dareento cidlo, in lagu nacay, war-war ama in noloshu aanay macne togan kuu lahayn ogow in aad dambaabtay oo Rabbigaa u noqo.

– Dambiga aad gasho ha ka warwarin inta uu le’eg yahay waayo marnaba kama wayna naxariista Rabbi sidaa awgeed Isaga u toobadkeen go’aansana in aanad ku noqon.

– iibso wax in aad u baahantahay, oo u iibsan cid inaad ugu faanto ama aad u muujiso in aad ka sarayso. Ogow su’aalaha u horeeya ee maalinta Qiyaamaha qofka la waydiinayo, waxa ka mid ah; halka aad ka keentay maalka iyo halka aadku bixisay.

– Ka dheeroow gacan adayga ogow, waxa aad sadaqaysato ayuunbaa kuu ah Raasamaal Dhab ah. Xasuusnoow in sadaqaddu ay ka bilaabanto guriga. (Qoyska iyo Ehelka).

– Qorshahaiyo nidaamka fiicani waa Furaha guusha, ku dadaal in aad mar walba gurigaaga u samayso qorshe Miisaaniyadeed.

– Waxa waajib kugu ah in aad caruurtaada iyo Carruurta aad ka masuulka tahay wax-barto khaladkana ka saxdo. Laakiin ma hubtaa in aad taqaanno oo aad hubto waxa aad u sheegayso, goorta ugu habboon ee ay tahay in aad u sheegto iyo sida aad ugu sheegaysaba. Intaas oo dhan waxa ka horeeya in aad adigu isa saxdo inta aanad iyaga saxin.

– Haddii aad rabto in Ehelkaaga iyo Ubadkaagu ay daacad kuu noqdaan adigu marka hore daacad u ahoow.

– Marka aad hadyad siinayso Ubadkaaga, ha u kala horreysiin ama mudnaysiin Dhedig iyo Lab. Balse u kala horraysii sida ay u kala wayn yihiin.

– Korinta iyo barbaarinta hablaha ha dhayalsan. Sida Nabigeeni Muxammed laga soo weriyo, Qofka koriya, Edbiya, Jeclaadana laba hablood waxa uu galayaa Jannada. Haddii ay ka bataanna ajar ayaa ay la badanayaan.

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *