Talooyin Muhiim U Ah Gabadh Kasta Oo U Dhow Da’da 40 Jirka!

Wendy Ryden oo ah qoraa xidhiidhka bulshada aad wax uga qorto ayaa maqaal ay ku faafisay degelka Internet ka ee Life hack waxa ay ku sheegtay in ay bilo yar oo keliyi ka xigaan da’da 40 jirka oo ay aaminsan tahay in ay wadato waayo iyo hawlo u gaar ah oo ugu yaraan ka duwan sidii ay Afartanka ka hor nolosheedu ahaan jirtay.

Wendy waxa ay maqaalkeedan ku xustay talooyin ku aaddan dumarka oo ay aaminsan tahay in ay ka caawin doonto ka gudbista duruufaha da’dan ku lammaan iyo la qabsiga waayaha cusub ee qofka da’dan gaadhay u bilaabanaya. Talooyinkaas oo aynu ka soo xiganay shabakadda Al-Carabiya waxaa ka mid ah:

Naftaada jecloow:

In aad ogaato qofka aad dhab ahaan tahay, waxa ay kugu hoggaaminaysaa in aad aqbasho naftaada iyo mustawaheeda, iyo in aad nolosha si guud ugu raalli ahaato, taas oo kaa caawinaysa in aad jelcaato oo aad aqbasho dadka kale, xidhiidhadoodana aad guulo ka gaadho.

Quudinta Ruuxda:

Si kasta oo aad hawl fiican iyo shaqo wanaagsan u qabanayso, waxa aad ogaataa in aanay jirin wax u dhigma in aad qabato hawl naftaadu hibo u leedahay oo aad jeceshay. Taasina ay qayb libaax ka qaadanayso in aad nolosha ku raalli ahaato, sidaa awgeed waa in aad naftaada fursad u siisaa in ay qabato waxa ay hibada u leedahay ee ay midho dhal ka keeni karto, haddii hawsha haysa jacaylkeeda aanad isku hubin tijaab wax kale oo aad qabashadiisa jeceshay, waxa aad dareemi doontaa niyadwanaag, xasilooni iyo xorriyad badan.

Taageerada saaxiibbada:

In ay kugu xeernaadaan saaxiibbo awood badan oo aad kalsooni ku qabto si ay noloshaada kaagala qayb qaataan waa arrin aanay jirin wax loo dhigaa. Sida oo kale in aad samayso saaxiibbo cusub oo kalgacal iyo taageero niyadeed kula garab istaagaa waa arrin aad u muhiim ah.

Ruux dabiici ah:

U dhaqan sida ruux caadiya oo si dabiici ah u cabbir shucuurtaada farxadeed iyo murugo.

Naftaada u nooloow:

Suurtogal ma’aha in aad dadka kugu xeeran oo dhan farxad gelisaa. In go’aanka aad naftaada u qaadanayso aad ka eegto in uu yahay kii saxda ahaa ee ku anfacayey ayaa ka fiican in aad eegto in dadka kale uu raalli gelinayo, sidaas ayaana ah sida keliya ee aad noloshaada kaga dhigi karto mid si sahal ah kuugu socota.

Sahal u tanaasulin:

Mar kasta in aad xal dhexdhexaad ah raadisaa waa arrin aad u fiican, gaar ahaan marka ay tahay hab aad ku raalli gelin karto dhinacyada xidhiidhadu idinka dhexeeyaan, laakiin iska jir in aad xidhiidh dhowristii darteed uga tanaasusho wax ay naftaadu ku raalli ahayd ama u arkaysay in uu yahay waxa u fiican noloshaada.

Afartan waa waqtigii ay ahayd in aad dib u qiimayn ku samayso xidhiidhadaada oo dhan, go’aanada aad qaadanaysaana noqon lahaayeen kuwo sax in ay yihiin uun muhiim tahay, balse aan u dabranayn in xidhiidh saaxiib sii jiro.

Safar sannadkiiba mar:

Qorshee in aad ugu yaraan sannadkii hal mar meel kugu cusub u safarto, waayo safarku waxa uu abuuraa dareeen xorriyadeed, waxa aad duruus cusub oo nololeed ka qaadanaysaa habka ay u nool yihiin dadka ku dhaqan deegaannada kala duwan ee aad tegeysaa.

Iska ilaali warwarka badan:

Marka aad xaqiiqsato in warwarka iyo caloolyowga ku galaa aanu waxba ka beddelayn natiijada dhibta aad tebeyso, waxaa nafta qasab ku noqonaysa in ay aqbasho waxa dhacaya. Waana markaas oo keliya marka aad noloshaada caadi u wadan karto iyada oo aanay saamayn kugu lahayn caqabadaha iyo hagardaamooyinka laga yaabo in ay ka hor yimaaddaan.

Weligaa dadka kale ha isku dhererin:

In aad noloshaada dadka kale ku dhereriisaa wax faa’ido ah keeni mayso, maadaama oo aanad waxba ku taransanayn, taas beddelkeeda waxaaba laga yaabaa in ay kugu kordhiso niyadjab badan iyo in aad ku qancin weydo noloshaada.

Waxa aad ogaataa in mar kasta uu hareerahaaga joogo ruux kaa maskax iyo fariidnimo badan, ruux kaa qurux badan, ruux kaa shakhsiyad fiican iyo ruux kaa barwaaqo iyo badhaadhe badan sida uu u jiro mid intaas ba kaa hooseeyaa. Waxa aad ogaataa in maalinta aad bilowdo is barbar dhigga ay tahay maalinta aad lumiso raalli-ahaanshiyihii iyo qanacsanaantii noloshaada aad ku qabtay, waxa aanay u dhowdahay in ay caqabad ku noqoto horusocodkaagii.

Filashadaada xakamee:

Mar kasta waa in aad lahaataa riyooyin aad doonayso in aad mustaqbalka dhow iyo ka fogba gaadho, waxa se muhiim ah in riyadaada iyo himilada aad leedahay aanay noqon mid ku xidhan horumar iyo hawl uu qof kale qabsaday, in aad ku gaadho ama in aad filato in cid kale kaa caawiso gaadhista himiladaa oo weliba aad ku xisaabtanto in aad gaadhayso. Wax aanad gacantaada ku haysan filashadiisa iska xakamee, si aad noloshaada runta ah u noolaato.

Shaqada ha ka hadhin:

Waa arrin la iska fahmi karo in qofku inta uu nool yahay uu u baahan yahay hawl adduun oo uu ku mashquulo, waxaa fiican in qofku bilowga hore ee shaqadiisaba ku dadaalo in uu ka shaqeeyo wax uu raalli ka yahay ama xiisaynayo. Waa sida keliya ee u suurtogelin karta in muddo dheer uu sii wado shaqada oo aanu gabowga ku soo kordhayaa niyadjebin, wax-soo-saarkiisana u dhimin.

Dhitayso:

Nolosha dabeecadaheeda ayaa ay ka mid tahay in ay si joogto ah isu bed-beddesho, waxaa suurtogal ah in waayahaagu ay meel keliya ku negaan waayaan inta aad nooshahay, sidaa awgeed si aad uga badbaado wax dhib ah ama dib u dhac nololeed ah oo kugu yimaadda waxaa habboon in marka waqtigu kula jiro aad dhaqaale kaydsato si aad uga dhigato dheef aad kaga gudubto dharaaraah adag.

Samofalka ogow, dantaadana ha dayicin:

In aad waqtigaaga qayb ka mid ah u hibayso qabashada hawl gaar ahi waxa ay leedahay faa’ido fiican oo kuu horseeda in aad noloshaada ku raalli noqoto. Waa ay fiican tahay in aad dadka caawiso, waxa se aad ogaataa in aanay fiicnayn in aad indhaha ka laliso xallinta dhibaatooyinka kula yaalla oo aad u hanqal taagto xallinta dhibta cid kale nolosheeda haysata.

Waxa iyaduna muhiim ah in aad samofalka iyo caawinta dadka samayso adiga oo aan ku doonayn abaal marin iyo adduun kale, waayo in aad hawl wanaagsan qabato adiga oo aan ku doonayn abaalkaasi waa sida keliya ee aad ku heli karto shucuur raalli-ahaanshiyo iyo in aadk u faraxdo waqtiga ama adduunka aad hawshaas gelisa, si kasta oo ay duruuftaadu tahayna ku dadaal in aanad ka tegin samofalka, oo mar kasta oo aad in samayso ku dadaal in aad sii kordhiso.

Naftaada iyo Dadka kalaba Cafi:

In qofku uu cafiyi waayo naftiisa qaladaadkeeda iyo dadka kalaba waxa ay mustaqbalka ku marka uu weynaado ku keentaa shucuur noqota teed kala xidhaya qofka iyo farxadda.

Waa run in naftu aanay jeclayn cafiska oo aargoosigu aad ugu badan yahay dabeecadda aadamaha, laakiin ku tababar naftaada in ay cafiska barato, gaar ahaan marka aad gaadho 40 jirka. Mar kasta oo aad naftaada ka saamaxdo qaladaadka nolosha ee ay soo martay, dhinaca fiicanna arrimaha ka istaagi weydo waxaa kugu kordhaya murugada iyo nolosha oo macaan kuu noqon weyda.

Iska jir Balaayo-aragga:

Marmar waxaa dhib ah in aad ka fogaan karto dadka balaayo sheegga badan ee arrimaha oo dhan dhinaca madow ka istaaga, haddii ay tahay dadka aad wada shaqaysaan iyo haddii ay xubno qoyskaaga ka mid ah tahayba. Haddii aad ku guulaysato in aad naftaada iyo dadka u dhexeysiiso xuduud ku habboon, adiga oo aan xidhiidhkii bulshada iyo la macaamilkii dadka ka tegeyn, laakiin dadka inta samo-aragga ah ka dooranaya waxa aad dareemi doontaa in noloshaadii kuu macaanaatay.

‘Maya’ Waa hadal cad:

Mar kasta oo ay da’ ii sii korodho waxa aan garwaaqsadaaa in kelmadda “Maya” ay tahay hadal wax kala gooya, oo ay muhiim tahay in waxa aan diidanahay aan ku cabbiro aniga oo aan nafta ku daalin cudur daarasho iyo sababayn. Waayo waxa aanad doonayn oo aad diiddaa waxa ay wanaajisaa in aad noloshaada ku raalli ahaato.

Ogolaanshiyaha hortii ka fikir:

Inta badan dhibta haweenka ku dhacda waxaa ka mid ah in marka ay guur noqoto ay si fudud u aqbalaan, xitaa mararka qaarkood iyaga oo aan ka fikirin mustaqbalka qoyskeeda ay ninkan la wadaagaysaa sida uu u ekaan karo. Guurka uun kuma koobna ee arrimaha nolosha oo dhan ayaa u baahan in aynu ka fikirno inta aynaan aqbalin iyo dabcan inta aynaan diidinba.

W/D: Kamaal Marjaan

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *