Sirta Jaceylka Lamaanaha

Xaaskiisi ayaa aad u xanuunsatay. Waxaa la darsay jahwareer iyo nervous ay ka qaaday ninkeeda, shaqadi, nolosha iyo caruurti. Waxaa ka dhacay ilaa 20 kilo miisaan ah, waxay noqotay caato aad u dhuuban, mar kasta way iska ilmeyn jirtay. Ma ahayn haweenay faraxsan. Waxay ka caban jirtay madax xanuun joogta ah & daal fara badan. Ma heli jirin hurdo fiican habeenki.

Xiriirkoodu wuxuu ahaa mid qarka u saaran inuu burburo. Quruxdeedi way ka suushay. Waxay joojisay inay daryeesho nafteeda. Niyadi ayaa ka dhimatay. Sidoo kale isaguna wuxu ahaa mid aad u niyad-jabsan. Wuu ka rajo dhigay wuxuuna ku fakaray in ay dhaqso u kala tagaan… Hadana wuxuu go’aansaday inuu wax ka qabto arrinta.

Wuxuu bedelay fikirka gudihiisa. Wuxuu niyadiisa u sheegay inuu heysto haweenayda ugu quruxda badan dunida, uu nasiib u helay inay marwadiisa iyo wehelkiisa ahaato. Wuxuu bilaabay inuu Ubaxyo u keeno, dhunkado, una amaano si kalgacal leh. Wuu ka yaabin jiray kana farxin jiray daqiiqad kasta. Wuxuu siiyay hadiyo badan, wuxuu bedelay dabeecadiisi, wuxuu joojiyay hiwaayado hore uu lahaa.

Waxaa ku dhacay xaaski is-bedel weyn oo deg-deg ah. Waxaa u kordhay miisaan, way ka bogsatay nervous-ki iyo madax xanuunki joogtada ahaa. Waxay noqotay mid sidi hore ka sii wanaagsan, ka qurxoon, ka karti iyo hawl qabad badan. Waxay jeclaatay in ka badan inti hore. Waxay bilowday in ay toban jibaarto daryeelka caruurta, odaygeeda iyo qurxinta guriga.

Wuxuu garowsaday oo bartay Cashar weyn: Haweenaydu waa sida ninkeeda u arko ulana dhaqmo. Waxa keliya ay u baahan yihiin ay tahay Jaceyl, Naxariis iyo daryeel. Wuxuu ogaaday in fakirkiisa siduu wax u arkay uu bedelay keliya ay saameyn weyn ku yeelatay oo bedeshay nolosha labadoodiba.

Ula dhaqan haweenaydaada sidi Boqorad, waxay kuula dhaqmeysaa sidi Boqor.

W/Q: Farah Cawaash Beeldaaje

Check Also

farxada guurka, qoyska wanaagsan

4 Arrimood Oo Ay Tahay In Ninka Uu Fuliyo Si Uu Qoysku U Waaro

Rag badan ayaa aaminsan in gabadha oo la hantiyaa ay bilow iyo dhammaadba u tahay …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *