Sideen U Noqon Karaa Qoraa Tayo Leh?

Qoraha maqaalkaan ayaa waxa uu leeyahay isagoo adeegsanaya xikmad uga soo baxday dhanka qoraalka “in aad wax dhageysato waa faa’iido, in aad wax aqrisaana waa hormar balse  in aad wax qortaana waa heybad”, Sidaas darteed waxaan jacelnahay in aan wax idin kaga soo gudbiyo lix qodob oo uu qoraha maqaalkaan u cuskaday in aad ku noqon karto qoraa tayo leh waxaana ka mid ah:

 

1.    Ma’ahan mid adiga ku quseysa, balse waa mid dadka oo dhan quseysa

Ka hor inta aadan bilaabin wax qoridda waa in aad isweydiisaa su’aalahaan?
. Kuma ayaan wax u qoraa? Maxeysa tahay waxa ay ka faa’iidayaan?
. Sidee baan u doonayaa in aan ku caawiyo iyaga halgan kooda?
. Sababteese aan u doonayaa in aan iyaga ku caawiyo?
Qoraha maqaalkaan wuxuu leeyahay waxaad raadisaa wajiga koowaad inta aadan wax qorin su’aalahaan jawaabahooda.

2.    Wax ha u qorin si shaqsi ah

Qoraha maqaalkaan waxa uu leeyahay waxaa aad u wanaagsan in aad ku fakirtid sidii ay u noqon lahaayeen waxa aad qorto kuwo si guud wax uga turjuma mowduuca aad wax ka qortay balse shaqsi in aad u xagliso mowduuc dadka oo dhan saameynaya waxa ay kuu keenaysaa in aad noqoto mid aanan la qiimeyn waxa uu qoray sidaasna aad ku weydo in aad noqoto qoraa tayo leh.

3.    Ku noqo? ku noqo? ku noqo?

Ma jiraa qof waxa uu qoray ku noqday sadex jeer oo kala duwan taasi oo ah mid aad ku heli kartid in aad iskaga yareyso qalad aadan arkin markii aad wax qoreysay, hasa yeeshee qoraa kasta waxa uu isku arkaa in waqtiga uu aad ugu yar yahay sidaas darteedna waxa uu qoray isla markiiba ayuu dadweynaha u soo bandhigaa, balse qoraha maqaalkaan waxa uu leeyahay waa in aad sadex jeer aad ku noq noqotaa wixii aad wax ka qortay si ay dadka wax uga faa’iidaan.

4.    Ma tahay qof si nidaam ah wax u qora

Qoraha maqaalkaan ayaa waxa uu leeyahay waxaa jira dad badan oo maalin kasta wax qora balse intooda badan ma yihiin kuwa u fikira hab waafaqsan nidaamka wax loo qoro? Jawaabta ayaa ah in aysan badneyn dadka sifadaasi leh, balse maxey tahay qofka inuu la yimaado waxa uu ku noqon karo qoraa tayo leh? Kaliya waa in aad noqotaa qof wax badan ka fikira ka hor inta aadan wax qorin iyo faa’iidada ay bulshada u keeni karto.

5.    Noqo qoraa la socda isbedellada dhaca

Qofka qoraaga ah waxa uu markasta la socdaa waqtiga maadaama waxa uu wax ka qoraayo ay ku saleysan yihiin waqtiga, qoraha maqaalkaan ayaa waxa uu leeyahay qofka qoraaga ah waxa uu yahay arday aan cilmi ka dhargeynin.

6.    Falsafadda qoraalka

Falsafadda qoraalka waxa ay tahay mid inta badan aysan wax aad u weyn aysan kala soconin dadka badankii, maadaama aysan falsafadda dadka wada aqoonin, qoraha maqaalkaan ayaa waxa uu ku macneeyay falsafadda waxa laga dheehan karo waxyaabaha qarsoon oo aysan dadka badankii arkin balse lagu sheego falsafad.

Gaban gabadii qoraha maqaalkaan waxa uu leeyahay haddii aad si dhab ah u fiirsato qodobadaan waxa ay wax weyn ka badalayaan nidaamka uu qofka wax ku qori jiray uuna ku noqon karo qoraa tayo leh.

WD: C/Wali Cali Maxamuud (Carafaat)

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *