Sidee U Noqon Kartaa Qof La Jecelyahay?

Qof kasta oo bani-adan ah oo ku nool dhulka korkiisa waxa uu xiiseeyaa inuu noqdo qof la jeclyahay , in la qadariyo oo la tixgaliyo goorta uu xiriir la sameeynaayo dadyoowga kale.

Hadaba waxaa jirta qaab dadka aad kusoo jiidan karto oo ay kugu jeclaan karaan si aad u heshid tixgalin iyo jaceyl intaba :-

  • Dhoola cadeey :

Udhoola cadeey asxaabtaada aad ugu jeceshahay maxaa yeelay dhoolacaddeynta waxa ay kuu soo jiidaysaa wadnayaasha dadka ku jeclaan doona si sahlan oo dhib la’aan ah sida xadiiska nabiga naxariis iyo nabad galiyo korkiisa ha ahaatee ( dhoolacaddeyntu waa sadaqo )

  • Ku bilow salaam qiimo leh :

Wax ka wanaagsan majiro inaad salaan ku bilowdid qofkasta oo aad la kulmaysid maxaa yeelay salaanta qiimaha leh waxay badineysaa jaceelka ay dadku kuu qaadayaan

  • Bixi hadiyado qaali ah:

Hadiyadda waa dhaqanka ugu fiican eek a dhaxeeyn kara labo qof oo isjecel , sidoo kale waa dhaqan uu noogu dardaarmay nabaigeena naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee inaan isu hadiyeeyno waxyaabo qaali ah iyo waxaan qaali aheyn intaba si aan isu jeclaano ( isu hadiyeeya waad is jeclanaysaan)

  • Hadal yari iyo aamusnaan:

Iska jir inaad hadalkaada badiso oo aad kor u qayliso markaad sheekaynaysid asxaabtada dhexdooda, waayo taasi waxay dhimaysaa jaceylka laguu qabo adiga ,somalidana waxay ka maahmaahday hadalka badan oo ay ka tiri ( hadal badani haan ma buuxsho)

  • Dhagaysiga fiican iyo aadaabtada oo aad wanaajiso:

Ha isku dayin inaad warka ka dhexgashid qof kula hadlaaya , nabigeena ma sameyn jirin hadal gooynta qof isago hadlaaya somalidana waxay dhahdaa ( hadal lama wadagee caana la wadaaga )

  • Ha hilmaamin is qurxinta iyo nadaafada:

Nabigeena  naxariis korkiisa ha ahaatee sooma dhihin ( ilaahay waa qurxoonyahay , waxa uu jecelyahay quruxda iyo waxa qurxoon oo idil )

  • Usheeg qofka aad jeceshahay inaad jaceyl u qabtid:

Hadaad qof uqabtid jaceyl waxa haboon inaad ku wargelisid jaceylkaad u qabtid maxaa yeelay nabigeena waxa uu yiri ( hadaad qof jeclaatid ugu tag gurigiisa una sheeg inaad jeclaatay )

W/Q: Dr Usama Cusmaan

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *