Sidee Qofku Horumar Ku Gaari Karaa?

Qof walibaa oo dunidan ku nool waxa uu jecel yahay in uu gaadho guul ama uu hadafkiisa ka dhiidhiyo, balse si aan hadafkeena u gaadhno waxa ay inooga baahan tahay in aan la imano wadadii aan u mari laheyn ka dhabeynta himiladaas.

Badanka dadka way ku adagtahay in ay waddadaas u sabraan, waayo marka aad doonaysid in aad horumar gaadho dhinaca ay doontaba ha khusaysee kolay dhibaato iyo carqalad way kaa hor imanaysa.

hadaba waxa jira dhawr arimood oo aan is idhi waa wadada horumarka lagu gaari karo, qofka sameeyaana uu ka midho dhalin karo horumarka uu hiigsanayo ayaan hoosta ku xusi doona:

1- Talo saarasho: Dad muslim ah ayaynu nahay,Qofku waa in uu laba ragcadood oo la idhaahdo salaatul istikhaarah Tukada, salaadaas waxa uu ilaahay Qofku kaga codsanaya in hadii hawshan uu doonayo khayr u leedahay ilaahay waafajiyo hadii aanay khayr u lahayna ilaahay ka joojiyo.

2- Dareen: Qofka oo leh karti uu ku arko meesha ay ku jirto fursad uu horumar ku gaadhayo, kadibna isku daya inuu raadiyo waxii u suurta galin lahaa si uu arintaa uga midho dhaliyo.

3- Dhiiranaan: In uu qofku ku dhiiranaado hawshaas uu qabanayo.

4- Horumar: Qofku in uu yahay mid jecel in uu mar walba horumar iyo wax cusub sameeyo.

5- Xiiso: Qofku in aanu xiiso 4 daqiiqo ah lahayn, waa in uu qofku danaynayo waxan oo uu karti badna leeyahay, waa in uu noqdo qof fiiro dheer leh.

6- Kalsoonida: In uu qofku naftiisa si fiican u yaqaan, iskuna kalsoon yahay.

7- Edeb: In uu yahay qofku qof edab badan oo  degan, dareen wanaagsana u leh la dhaqanka dadka, si uu cidkasta oo hawl kaga xidhanto si fudud uga dhamaysan karo.

8- Jidka: In qofku uu kala dooran karo jidka uu u marayo horumarka uu hiigsanayo, isaga oo dooranaya wadada ugu fudud ee uu horumarka ku gaadhayo.

9- Soo jiidasho: In qofku uu soo jiidan karo indhaha dadka taas oo looga jeedo in uu noqdo qof firfircoon oo dadka la saaxibi kara(friendly Person)

10- Tartan: Qofka In uu tartami karo waayo Wadada horumarkiisa isag oo ku jira ayuu tartan kala kulmi kara dadkale marka waa in aad tartami kartid ood ka guulaysan kartid dadka kula tartamaya.

11- Meel wanaagsan: In uu qofku badanka joogo meel wanaagsan oo ay joogaan dad horumar gaadhay, dad uu kala tashado wixii carqalad ka hor timaada, dad badanka ka sheekeeya horumarka iyo sida loo gaadho.

12- Dareen: In uu qofku leeyahay dareen xoogan iyo jacayl uu u qabo hawsha uu doonayo inuu horumarka ka gaadho.

13- Haka hadhin: Waxa aad inbadan soo waday hadii aad ku guulaysan waydo ood ku guul daraysato haka hadhin oo ha niyad jabin, ma ogtahay  ninkii laydhka sameeyay in uu laydhku shaqayn waayay 999 oo markii 1000 uu shaqeeyay intaas oo dhan carqadal iyo dhibaato ayaa ka hor imanaysay

14-Cadaadinta nafta: Naftaada ku cadaadi sidey hore ugu socon laheyd mar kasta iyo si kastaba , haka shakiyin hana ka xishoon hadafkaaga ,naftaadana ha mahdinin , hubsana  inaanad wali gaadhin  meeshii u sareysay, mar kasta higso meesha aad joogto meel ka sareysa inaad gaadhid.

Hadaba imika waad ka jawaabi karta Su’aasha aan hadalkeena ku bilaabanay, Si wanaagsan ayaanad uga jawaabi karta

Tilmaamahani waa kuwo guul lagu gaadhayo, waxaana haboon in qofkastaaba uu miisaamo meesha uu ka joogo tilmaamahaas, oo uu ogaado meelaha uu  ku liito oo kadibna iska dhiso.

Guud ahaan marka la eego umadeena Somaliland Degdeg ,Fudayd iyo markaba afka buuxsoo oo lacag hel ayaa inagu wada abuuran, dabeetana dagdagaasi in aan guuldaraysano ayuu sababa.

Qofkastaaba in himilo sare uu hiigsado ayaa wanaagsan.

ILAAHAY KHAYRKA HA INA WAAFAJIYO

W/Q: KHAALID C/QAADIR SAHAL

kaledsahal14@gmail.com

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *