10 Xeeladood Oo Aad Dareenka Qofka Ku Kasban Kartid Kulanka Koobaad

In la fahmo tilmaamaha jidheed, caqli, dareen-celineed iyo bulsho ee qofku waa arrin u baahan daraasayn iyo in la joogteeyo la dhaqankiisa, waana waxa ay khubarada cilminafsigu ugu yeedhaan shakhsiyadda ama qofnimada qofka. Waana waxa marka xidhiidhka bulshada ay timaaddo lagu kala sooci karo laba shakhsi, laguna kala fadili karo.

Aragtida koowaad waxa ay ka mid tahay furayaasha fahamka shakhsiyadda qofka. Sida ay Soomaaliduba hore uga maahmaahday “Nin aanad saacad ku baran, sannad kuma baratid” cilminafsiguna waxa uu aaminsan yahay in aragtida koowaad ee qofkaba aad faham aad u ballaadhan ka qaadanayso shakhsiyadda iyo qofnimada qofka.

Si kastaba ka ahaato ee haddana waa ay dhacdaa marar badan in fahamka aad qofka ka qaadatay aanu ahayn kii saxda ahaa sababo la xidhiidha qaabka qiimayntaada ama hab-macaamil aan ku talogal ahayn oo qofka kale ka dhacaa ay keento in qofka kugu cusub aad qalad ka fahamto shakhsiyaddiisa oo aad u qaadato wax aanu ahayn wanaag ama xumaan ba.

Qormadan  waxa ay qiraysaa in qofku uu saamayn ku yeelan karo fahamka iyo aragtida shakhsiyaddiisa uu ka qaadanayo qofka ay hadda is barteen, taas oo macnaheedu yahay in aad marar badan sabab u noqon karto in qofkan aad isbarateen faham fiican kaa qaato iyo in uu faham xun ka qaato shakhsiyaddaada.

Xeeldheerayaasha cilminafsigu waxa ay sheegaan in fahamka dabeecadda, aragtida, aaminsanaanta, dookha, fikirka iyo guud ahaanba shakhsiyadda qofka boqolkiiba 90 lagu fahmi 20 ilbidhisi ee ugu horreeya la kulankiisa.

Xogtaas cilmiga ahi waxa ay ina baraysaa sida ay waajib u tahay in aynu taxaddarno kulanka koowaad ee aynu qofka la yeelanayno si aan shakhsiyaddeena looga qaadan aragti iyo faham aanay run ahaan ahayn ama aynaan innaguba jeclayn in qofka kale innagaqaato, waana habka ugu fiican ee xidhiidhka aynu dadka kale la leenahay aynu uga dhigi karno mid xooggan oo waara isfahamna ku dhisan. Waxa aanay arrintani muhiimad gaar ah leedahay marka isbarashada iyo xidhiidhka qofkan kugu cusub idin dhex marayaa uu yahay mid ganacsi, shaqo ama wax wada qabsi oo muddo dheer in uu socdo aad doonayso.

Qaar ka mid ah furayaasha kuu sahlaya in aad qofka dareenkiisa hanato:

1. Ku dadaal dhoolla caddaynta yar ee aan qosolkana u muuqan, haddana la dagaalamaysa weji xidhnaanta.

2. Ereyada wanaagga iyo ammaanta leh, laakiin runta ah ee aanay buun buuninta iyo beentu ku jirin oo aad adeegsato.

3. Haddiiba doodi timaaddo ama si arrin loogu kala aragti duwanaado, weligaa ha ku adkaysan in kaagu uu kii saxda ahaa yahay, kan kalana qaldan yahay, balse ku dadaal isu soo dhoweyn iyo in aad dhinacyo badan qofka wax ka tusto

4. Shay kasta oo aad ka hadlayso afkaaga inta aanad u kala furin hubi in aad xaqiiqadiisa si cilmi ah oo run iyo waaqac ah u hayso, haddii kale dib u dhigo si marka aad soo hubiso aad uga hadasho.

5. Muranka iska jir, waayo muranku shakhsiga kale waxa uu ku beeraa canaadnimo iyo in uu dagaal iyo ficiltan galo.

6. Haddii aad jeceshay in aad galcalka dadka kasbato, magacyadooda xasuuso.

7. Waqtigaaga oo dhan ha ku qaadan talo iyo in aad waanooyin uun bixiso, ogowna oo taladu waqti ku habboon iyo qaab ku habboon oo loo dhig ayaa ay leedahay, si ay midho dhal u noqoto.

8. Haddii aad doonayso in aad adigu dadka hoggaamiso oo aad u horreyso, tusu in aad daba socoto oo aad diyaar u tahay ama ficil ku muujiso in aad daba socoto.

9. Noqo ruux go’aankiisa iyo taladiisa fulin ku ladhan, wixii aanu fulin karinna marka hore aan dusha u ridan.

10. Qofka aad la hadlayso u muuji muhiimad in uu leeyahay, laakiin haddana ay tahay muhiimad is-weydaar ah oo la mid ah muhiimadda aad adiguna isaga agtiisa ku leedahay, si sinnaani u muuqato.

W/Q: Kamaal Marjaan

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *