Sababta Keenta In Teleefankaaga Casriga Ah Kululaado Xilaga Xagaaga & Talooyin Muhiim Ah

teleefoonada casriga ahDadka oo keliyi ma nacaan kulaylka daran, talefannada gacanta ee casriga ah iyo aaladaha kale ee Tiknoolajiyadda ayaa iyaguna sideenna oo kale kulaylka neceb.

Khubarada ku xeerdheer cilmiga Tiknoolajiyaddu waxa ay xaqiijiyeen in xilliga xagaagii marka uu kulaylka darani jiro uu talefanka gacantu kululaado, shaqadiisu cuslaato, baytariguna si dhaqso ah u dab beelo, tan oo ah hab loogu talogalay oo uu isku qaboojinayo sida aadamuhuba dhididka ugu qaboobo, haddii kulaylku aad uga sii daro sida dhulalka qaar ka dhacdana waxaaba suurtogal ah in muraayaddu ay dil-dillaacdo. Qormadan oo aynu ka soo xiganay Shabakadda Aljazeera waxa ay sheegaysaa in talefanka casriga ahi uu markiisa horeba leeyahay kulay shaqada awgeed uga soo baxa, marka jawiga ku xeerani noqon waayo mid qabowna waxaa dhacda in kulaylkaasi sii bato dhibaatada aynu ku soo xusnayna talefanka ku timaaddo.

Talooyin:

1. Mar kasta jeebka ha ku qaadan: Talefankaaga gacanta oo aad inta badan jeebka ku riddaa waxa ay keentaa in kulaylkii talefanka uu ku soo biiro kulaylka iyo uumiga dabiiciga ah ee jidhku soo deynayo, meel kale oo uu ka neefsadana uu waayo, taasina ay ku keento cillado iyo baytariga oo dhaqso u dhammaada. Talefanka gacanta oo aad ku riddo shandad ayaa iyaduna keenta in uu awoodi kari waayo meel uu ka saaro kulaylkii ka imanayey gudihiisa, taasina ay ku keento culays iyo dabka oo uu dhaqso u cuno. Haddii aad ka fursan weydo in talefanka aad ku riddo shandad daboolan ku dadaal in aad dhowr jeer ka neefiso.

2. Baytariga oo kululaada: Baytariga talefankaaga oo kululaada marka uu dabka ku jiraa waxa ay keentaa in aanu si dhaqso ah u buuxsamin, haddii kulaylku aad ugu sii batana in uu qarxaa waa suurtogal, sidoo kale talefanka oo dabka la geliyo isaga oo ku dhex jira gal aan lahayn meel hawadu ka gaadho ama heer kulka oo aad u sarreeyaa waxa ay keentaa in uu khalkhal ku yimaaddo iskudhisyada kiimikaad ee baytarigu ka samaysan yahay, taasina waxa ay yaraysaa cimrigiisa.

3. Gaadhiga gudihiisa ha kaga tegin: Sababaha dil-dillaaca ku keena muraayadda talefanka waxaa ka mid ah in xilliga qorraxdu kulushay muddo lagu dhex daayo ama lagu illaawo gudaha gaadhiga oo aanu qaboojiyuhu u shidnayn, daaqaduhuna ku xidhan yihiin. Dareere ili-maqabatay ah oo muraayaddu ka samaysan tahay ayaa barar iyo balqidi ku timaaddaa taas oo keeni karta in muraayaddu qarraxdu. Ogow talefanka gacanta oo aad ku dhex illowdo gaadhiga oo qorrax yaallaa waxa ay keeni kartaa khatar ka badan talefanka oo keliyi in uu wax noqdo.

4. Ilayska muraayadda: Ilayska ay muraayaddu bixiso marka la isticmaalayo waxa uu talefanka ku keenaa kulayl, khatartiisuna waa ay sii badataa haddii heer kululku aad u sarreeyo ama talefanku qorrax yaalo, sidaa awgeed waxaa fiican in lagu buuxiyo in dhaqso ay u bakhtido shaashaddu.

Check Also

adeegyada google

Haddii Aad Isticmaasho Adeegyada Google Sida Playstore, Gmail, Google Photos….

Ma isticmaashaa adeegyada kala duwan ee Google; Sida Baadhista, Email ka (Gmail), khariiradaha, kaydinta sawirrada, …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *