Haddii Aad Isticmaasho Adeegyada Google Sida Playstore, Gmail, Google Photos….

Ma isticmaashaa adeegyada kala duwan ee Google; Sida Baadhista, Email ka (Gmail), khariiradaha, kaydinta sawirrada, iyo xitaa adeegga cusub ee garaadka samayska ah (AI). Haddii ay jawaabtaadu ‘Haa’ tahay, waxa aad ogaataa in Google aanay waxba ku seeganayn xogtaada nololeed, ama mararka qaarkood uu kaaga warrami karo xog naftaada ku saabsan oo xitaa adigu aanad ku baraarugsanayn jiritaankeeda.

Google waa shabakadda loogu isticmaalka badan yahay dunida oo dhan; tusaale ahaan tiro ka baadan boqolkiiba 86, dadka internet ka adeegsadaa waxa ay maraan ama isticmaalaan mid uun ka mid ah shabakadaha Google, inta soo hadhayna waxa ay u badan tahay in Google uu ku jiro qalabka ay isticmaalaan sida talefanka gacanta iyo kombiyuutarka.

Google xogta dhex marta oo dhan waa uu barta, ama xitaa uu kaydiyaa; sidaas awgeed waxa uu hayaa magacyadeenna, heerka waxbarashadeenna, goorta iyo goobta dhalashadeenna, jinsigeenna, dalka aynnu u dhalannay, shaqadeenna, xidhiidhadeenna, waxa innaga ama saaxiibbadeen ay xiiseeyaan. Halka aynnu joogno ama booqanno, waxyaabaha aynnu internet ka baadhno, barnaamijyada aynnu talefanka ama kombiyuutarka kula soo degno, tirada qalabka elektarooniga ah ee aynnu isticmaalno iyo shirkadaha sameeyey iyo Barnaamijyada (App-ka) aynnu ku soo dejisanno, xitaa haddii aynnu isticmaalayno ‘Google Play’ iyo‘Play Store’.

Waxa uu yaqaannaa dadka aynnu talefanka kala xidhiidhno, dadka lambarradoodu inoogu kaydsan yihiin talefanka, dadka aynnu talefanka ama shabakadaha kale joogtada ugala xidhiidhno ama aynnaan muddada dheer la hadal, farriimaha Email ka ku soo dhaca ama aynnu ku dirno. Sheekooyinkeenna la xidhiidha dadka ama dalalka caanka ah ama sabab uun loo raadinayo. Tusaale ahaan ma ka sheekaysay, ‘Urur ama shakhsi la raadinayo xogtiisa.

Waxa uu bartaa muuqaallada aynnu daawanno, sawirradeenna ama sawirrada kale ee aynnu kaydsanno, sawirrada dadka inoo muuqaalka ama magaca eeg ee internet ka isticmaala. Bangiga aynnu macmiilka u nahay, iyo lambarka akoonkeenna ama kaadhkaaga lacagta iyo lacagta dhex marta.

Mawduucyada aynnu xiisayno akhriskooda ama qoraalkooda, cuntooyinka aynnu xiisayno, waxyaabaha aynnu ka iibsanno suuqyada internet ka. Furayaasheenna sirta ah (Passwords), waqtiyada iyo muddooyinka aynnu isticmaalno talefanka, kombiyuutarka, tablet ka ama aaladaha la midka ah.

Waxa uu si fudud u ogaan karaa, isla markaana kaydin karaa meel kasta oo aynnu joogno, marka uu talefankeennu ku xidhiidhsanyahay Internet. Waa haddii aynnaan marka hore iska xidhin adeegga raadinta (Location Tracking).

Xitaa Google iyo shabakado kale oo badaniba waxa ay awood u leeyihiin in innaga oo aan ogeyn ay shidaan ama isticmaalaan kamaradda iyo makarafoonka talefankeenna, kombiyuutarkeenna, iwm.

Xogtan oo dhan Google waa uu kaydiyaa, Facebook isna sidana oo kale ayaa uu si fiican inoogu yaqaannaa xogteennana ma tuuro ee meel buu ku kaydiyaa, baraha kale ee bulshaduna waa la mid.

Anigu ma aqaan, Cidda xogteennaas kaydsan heli karta, xadi karta ama gaadhi karta halka ay ku kaydsantahay, haddii aanu google qudhiisuba siinin.

W/D: Kamaal Marjaan

Check Also

Waa Maxay Jiilka Alpha?

Da’da aadamaha waxaa la isugu xidhaa fac-fac, iyada oo intii isku hanaqaad ahiba ay wadaagto …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *