Sababaha Keena Hurdo Xumada Caruurta

Sideedaba hurdo xumada ku dhacda ilmaha yar waxa ay ka kobaana tahay noocyo badan, laakiin waxa ay ka simanyihiin kuligood inay waalidka walaac ku abuuraan iyo hurdo la’aan, lakin caafimad ahaan hadii loo hadlo waa laba qeyb:

1– hurdo xumaanta dhibaatadu keento. Hurdo xumadan  ayaa waxa keena qodobadan

– caruurta oo isku kaadshidiisu badato  taas oo kiscisa wakhitiyo inta uu hurdo

– In ilmahu ku  noolyahay guri buuq badan

– In ilmahu marka uu seexdo naqaska ku xidhmo ama khuuro ay keenaan

– in ilmaha ay hurdadu  ku dhex ooyaan iyaga oo qaylo la soo kacaya

– in ilmahu uu jadwalka hurdadu uu ka qaldanyahay oo kolba xiliga uu doono iska seexdo.

– in ilmahu gaajo hayso xiliga uu seexanayo, oo hurdada u diido.

– in ilmahu si lama filaan ah hurdo ula dhaco ama dhib ay tahay in laga soo toosiyo

– in ilmuhu  ilkaha  isku xoqo marka uu seexdo.

2- hurda xumada ayna dhibaatadu keenin, oo badanaa iska baaba’da markuu ilmuhu dhamayso sanadka 1-aad taasoo u baahan in waalidku uu fahmo lana qabsado.

Sida loo xaliyo hurdo xumaanta caruurta.

Isku day inaad samayso wakhti mucayan ah oo seexasho marka ilmuhu gaadho ugu horayn ilaa lix Todobaad.

  • Isku kalsoonow  si aad u ogaato in ilmahaagu is-rog rogayo oo kaliya ama inuu dhibanyahay
  • Hadii hurdadu kaaga qasanto is-rog rogga iyo xasilooni la’aanta ilmahaaga, isku day inaad qof aamin ah oo qaraabo ama saaxiib ah uu kuu hayo ilmaha si aad u seexato

Caruur badan iyo dhalaan badan ayaa la kulma dhibaato hurdo la’aan ah mararka qaarkood. Waxa muhiim ah inaad isku daydo inaad caruurtaada u samayso wakhti go’an oo ay caadaystaan inay seexdaan habeen walba. U diyaari meel dugsoon oo raaxa leh si ay u nafisaan. Caruurta oo wax loo akhriyo habeenkii markay seexanayaan waxay ilmahaaga ka caawinaysaa in cadhadu ka ba’do oo uu ku nafiso. Haddii ilmahaagu ka boqo madowga, isku day inaad laydhka habeenkii u shido. Waxa kaloo faa’iido ah, raaxana ah inaad ilmahaaga u dhigtid waxyaalaha lagu ciyaaro haddii uu habeenkii soo baraarugo. Haddii aad ka walaacsantahay in ilmahaaga dhibaato culusi ka haysato inuu seexdo, ama aanu si joogto ah u seexan habeenka intiisa badan.

Check Also

ilowga badan, hilmaanka,

Sida Looga Hortegi Karo Illowga Badan

Illowgu waxa uu ka mid yahay xaaladaha caanka ah ee lagu arko qofku marka uu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *