Sababaha Keeno Findoobka, Dawadiisa & Talooyin Muhiim U Ah Qofka Uu Kasoo Baxo

Finanka yaryar ee wejiga ka soo baxa oo caan ku ah magac findoob ayaa ay dhakhaatiirtu sheegeen in sababtooda ugu weyni ay tahay heerka dufanka maqaarka. Marka uu dufanka maqaarka ku jiraa xoqo hormoonka Androgen ee isna maqaarka ku jira ayaa waxaa badanaya dheecaannada ay soo daynayaan qanjidhada dufanka, isku badashadaas dhufankuna waxa uu aakhirka keenayaa in bakteeriyada marka horeba ku nool maqaarku ay dufankaas dheeraadka ah ee maqaarka ka imanaya ka hesho meel ku habboon in ay ku korto, waxa aanay sababaysaa caabuq yar oo aakhirka keena findoobka.

Dawada findoobka:

Faytamiin A waxa uu ka mid yahay faytamiinnada loo adeegsado daweynta findoobka, gaar ahaan marka uu aad ugu faafo jidhka. In kasta oo uu Faytamiinkan A si aad ah wax uga taro daweynta findoobka, laakiin haddana waxaa jira xaalado caafimaad oo aan loo ogolayn isticmaalkiisa, waxaana ka mid ah dumarka uurka leh, oo la aaminsan yahay haddii ay faytamiin A isticmaalaan in ilmaha uurka ku jira ay ku keenayso khalkhal dhinaca abuurka ah.

Talooyin muhiim ah:

  • Iska jir in aad burburiso ama tuujiso finka iyo in aad xoqdo waayo waxaa ku sii badanaya caabuqa.
  • gacmahaaga ka fogee wejiga. Waxa aad ogaataa mar kasta oo aad taabato maqaarka fin doobku ku yaallo in gacantaadu sii kordhinayso cuncunka siina dardar gelinayso bakteeriyada oo mid cusubina dhalanayso.
  • Maalin kasta wejiga ku maydh biyo diirran iyo saabuun, si daloollada maqaarku ay noqdaan kuwo furan.
  • Iska yaree cunista cuntooyinka dufanka leh.
  • Badso cunista khudrada kala duwan ee caydhinka lagu cuno iyo kuwa dabka gala labadaba.
  • Cilmibaadhiso cusub ayaa daahfuray in cabbista caanuhu ay kor u qaaddo soo bixista findoobka. Waxa kale oo ay cilmibaadhistaasi sheegtay  in shukulaatada madowi aanu kordhin findoobka sida ay dadka qaar aaminsan yihiin.
  • Waxaa muhiim ah in gabadhu ay iska hubiso in kiriimada iyo walxaha wejiga lagu qurxiyo (Makeup) ee ay marsanaysaa aanu dufan ku jirin waxa ay ka samaysan yihiin, iyo haddiiba ay marsadeen in ay si fiican isaga tirtiraan.
  • Iska jir in aad hal mar wada isticmaasho kiriimo kala duwan oo kuwa jidhka qallaylka ah loogu talogalay ah, waayo taasi waxa ay qallayl aan loo baahnayn iyo ceebo ku keenaysaa maqaarka.

Akhriso: Hababka Ugu Haboon Ee Finanka Loola Dagaallami Karo

Diyaariye: Kamaal Marjaan

Check Also

ilowga badan, hilmaanka,

Sida Looga Hortegi Karo Illowga Badan

Illowgu waxa uu ka mid yahay xaaladaha caanka ah ee lagu arko qofku marka uu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *