Qodobo Kaa Caawinaya Horumarinta Naftaada Iyo Kasbashada Kalsoonideeda

Qodobadan soo socdaa waxa ay kaa caawin doonaan inaad noqoto qof ku tiirsan naftiisa oo aaminsan waxa ay gacantiisu u goyso:

1.Ku fikir inaad tahay qof isku filan: markasta waxa ugu mudan oo muhiim ah waxa qofku niyadiisa ku hayo kana dhaadhiciyo. Aamin inaad tahay qof dhamaystiran oo leh awoodo badan. Ku xidhnow naftaada oo la sheekayso. Fahan waxyaabaha aad ku wanaagsan tahay, kuwa aad ku yara liidatana isku day inaad xoojiso. Haku odhan naftaada erayada qalbiga dila. Sida waxba kuma fiicnid, tamar ma lihid, waad hoosaysaa, liidataa, qayrkaa way kaa horeeyaan, IWM.

2.Aamin naftaada: Qofka koowaad ee ay tahay inaad ka hesho aaminaad iyo kalsooni waa naftaada. ku kalsoonow qofka aad tahay. Ma jiro qof kuu dhigma ama kula mid ah adduunkan, lamana soo helayo qof meel kasta aad iskaga mid tihiin amma iskaga mid tihiin oo badalkaaga noqon kara, waana sida Rabbigii ina abuuray ugu talo galay. Sidaa darteed waxa kugu ceeb iyo nusqaan ah, inaanad naftaada aaminsanayn oo aanad qiimahaaga aqoon.

3.Bar naftaada sidii aad u noqon lahayd qof isku filan: Waa sunaha nolosha inaad la kulanto dhibaatooyin kala duwan inta aad nooshahay, balse sida aad u waajahayso ee qofkasta oo innaga mid ahi u waajahayo ayaa kala duwan. Haddii aad awal ahayd qof markasta dadka dhankooda u orda oo gargaar weydiista marka ay arrimuhu ku cuslaadaan, waxa fiican oo aan kugu dhiirigelinayaa inaad naftaada ku carbisid inay xalliso oo ay waajahdo dhibaato kasta oo ka hortimaada.

Kuma talinayno oo ma lihin, noqo kelidii noole balse adiga oo Allehii ku abuurtay isku xidhaya oo isaga weydiisanaya gargaar, haddana isku day inaad qof ahaan muujiso adkaysi iyo isku filnaansho. Ma jirto mana dhacdo inay kugu timaaddo dhibaato aan xal lahayn. Keliya waxa kula gudboon inaad indhaha kala furto, kuna fakarto xal sidii aad u heli lahayd.

La saaxiib naftaada oo la sheekayso, ku xidhnaw oo wehel ka dhigo. Waan hubaa inay kuu fududaanayso noloshu oo aad kelidaa wax badan fushan doontid. Ma cidloon doontid oo waad faraxsanaan doontaa iyada oo aanay cidiba kugu hareeraysnayn. Nafta oo aad la saaxiibtaa waxay kugu abuuraysaa kalsooni farabadan oo aad ku qaabisho mawjadaha kala gedisan ee kusoo maraya.

4.Baro xirfad aad kusoo saartid nolol maalmeedkaaga: Inaad xirfad barataa waxay kuu sahlaysaa inaad shaqaysato oo aad wax soo saar samayso, umana baahan doontid inaad qayrkaa gacmaha hoorsatid. Haddii hayntu kuu sahashana abuur ganacsi kuu gaar ah, laga yaabee inay kuu ballaadhato oo aad noqoto ganacsade weyn, ogow buuruhuba waa qururux ururay.

Qoddobadan iyo kuwo kale oo badan oo aynaan halkan ku sheeginba waxay kaa caawinayaan inaad noqotid qof naftiisa horumariyay, oo iyada uun ku tiirsan si xor ah.

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *