Qiso Xanuun Badan (Caasi waalidayn Ma Guulaysto)

Qisadan waxa ay ka hadlaysaa Qofka waalid caasigga ah inuusan Marna Guulaysan, wax horumar ahna uusan gaarin. Qisaduna waxay ku bilabanaysa Sidatan:-

Waxaa Hal meel kuwada Noolaa Hooyo Da,ah , hoyadaas waxay wax ubad ah ka dhashay Hal Wiil, waxay ku soo korisay nolol adag waxayna kala soo martay Dhibaato Fara badan.

Hoyadan Wiilka waxay ka biili jirtay Goob ay la fariisan jirtay Gaari gacan, waxayna ku dadaashay sidii ay wiilkeda uga dhigi lahayd mid ay ku nasato.

Wiilki waa uu waynaaday waxa uuna noqday Shaqaale Bank, Waxa uuna qaadan jiray Mushahar wanagsan, waxa uu gurasaday Gabar, runtii gabadhasi ma jecleen inay wiilka Hooyadis la noolato.

Waxay ka codsatay in ay Hooyadiis ka fogayso oo ay guri gaara dajiyaan habarta iyana ay ku nooladaan Guri u gooni ah.

Runtii waladku ma agaran garo farxada waalidku uu uqado marka ubadkiisu Guursado waana xiliga uu ku il doogsan lahaa aragiisa.

Wiilki waxa uu Lacag u diri jiray hooyadii waxa uu ii siin jiray Lacag aad uyar balse Marwadiisa waxa uu siin jiray oo u ibin Jiray wax walba oo ay dalbato.

Wilkii Maalin ayaa waxaa utimi Hooyadii waxayna ku tiri:-

“Wiilkaygaw hooyo Hada waxaan Noqday Qof Da,ah Gurigana kaligay kuma Noolan karo waxaan u baahnay qof i ilaaliya oo I dhawro adna ubadkaygii baad tahay, adoon waxba isku qaban Karin ayaan ku ilaalin jiray habeenkii ma seexan jirin ilaa aad adigu seexato, adoon dhergina anigu wax ma cuni jirin, hadoon da, noqday miyaad i dayacaysaa, markaan Garab kaaga baahna miyaad i fogaynaysa, wiilkaygaw Hooyo ii naxariiso sidaan kugu naxarisan jiray, ii daryeel sidaan kuu daryeeli jiray, miyaanan Hooyadaa ahayn, maana xaq kugu lahayn, maana kaa mudnayn inaad I daryeesho Hooyo Hooyo Hooyo Hooyo ii naxariiso”.

Subxaanalaah…. Subxaanalaah….. Subxaanalaah….. Hooyo hadaladaa kugula hadashay Maxaad ka filanaysaa in u badkeedu uu ugu jawaabay.

Halkii uu u naxariisan lahaa soo dhawan lahaa xasuusan lahaa siday ugu samirtay dhibki ay ka soo maraty waxa uu ku yiri Wiilkan Caasiga ah Hooyadi hadaladaan aadka u xun:-

*“ Hooyo Waa runtaa waxaan Aad sheegayso Oo dhan, balse waxan been ahayn ani hada buuq badan uma baahni ani iyo xaaskayguna marabno qof sadexaad oo Culays nasaara hooyo Gurigaaga jog halkaas gerida ku sug”.*

Sadex maalmood ayaa ka soo wareegay markuu hadalkaas ku yiri, wiilki caasiga ahaa iyo Marwadiisii waxay u baxeen Safar Waxayna ku dhinteen safarkas labadooduba.

*Hooyo *waaxay kula soo martay dhib aad u badan adon waxba qabsan Karin ayay had iyo jeer ku ilaalin jiraty haday xiligaas kaa tagi lahayd bal kawaran xiliggan ma jiri lahayd.

Hooyadaa Baarri u noqo Xili walba waxaadna xasuusataa markaad yareed say kuu ilaalin jiraty, una ilaali sidaa si kawanagsan.

*Allaw Hooyooyinken Janada Ka Waraabi Aamiin Aamiin Aamiin…….*

W/Q:- Qoraa Said Mahad Mohamed.

Email:- Saidmahad10@gmail.com

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *