Qaniinyada Kaneecada Iyo Sababta Ay Kuu Jeceshahay

Iyadoo la wada ogyahay in quutul daruuriga rasmiga ah ee kaneecadu uu ka yimaado qoyaanka iyo caleemaha dhirta gaar ahaan cowska ayaa haddana waxay kaneecadu u baahantahay inay cabto dhiigga dadka, maadaama uu dhiigga dadka ku jiro borotiino ay u baahan tahay kaneecada dhadig si ay u rinto oo u dhasho, shayga ugu daran ee arrintaa ka kaalmayn karana waxaa lagu sheegaa hormoonada qaybta ka ah dhiigga dadka iyadoo dadka qaarkii kaneecadu ay aad u qaniinto marka la dhinac dhigo dadka intiisa kale.

Daraasad ay sameeyeen culimo caafimaad oo u dhashay dalka Holland kuna saabsanayd cudurka duumada ee ka yimaada kaneecada natiijadeedii waxaa kasoo baxday warbixin caddeyneysa in dadka aanay keenacadu badanaa qaniinin ay maqaarkooda sare ku jirto bakteeriyada qayb ka mid ah oo ay urteeda jeclayn kaneecadu taasina ay tahay sababta ay kaneecadu badanaa u qaniinaynin qofkaas.

sida lagu baahiyay barta Creative Aid, kaneecadu waxay qofka ku mudaa maado aanu islamarkiiba dareemin xanuunkeeda illaa ay ka jiido oo ay ka nuugto dhiigga xilligaa oo uu qofku dareemayo cuncun kadibna laga yaabo inuu dharbaaxo ama xoqitaan ku sameeyo halkaasi.

Waxyaabaha kaneecadu qofka ku doorato waxaa ka mid ah:

  • Genes: Boqolkiiba 85% waxaa mas’uul ka ah genes-keena ama hidda raaceena ama abuursiteena
  • Dharka: waxaa la arkay in kaneecadu ay soo jiidato midabka guduudka iyo madowga, marka dadka labisan dharka midabadaas leh, kaneecada way soo jiitaan.
  • Uric Acid: Waa aashito jidhku soo saaro, dadka ay ku badan tahayna kaneecadu way jeceshahay, urkeeda ayaa soo jiita kaneecada.

Qormadaanna waxaan idin kugu hayaa mid iyo labo ka mid ah sida aad uga gaashaaman karto qaniinyada kaneecada:

Quraaradaha uu cadarku ka dhamaado oo ileyska loo dhaweeyaa waxay ka adag yihiin inay inay kaneecadu ka fogaato agagaarkaa. Sidoo kalena saabuunta cadarku ku jiro oo aad ku maydhato xilliga aad seexanayso ayaa ah tallaabo la isku waafaqsan yahay inay kaneecadu kaaga durkayso oo ay kaaga fogaanayso iyadoo kaneecadu ogaanayso marka ay uriso dhididka qofka kadibna kaa duulayso oo aanay dib kuugu soo noqon doonin.

Check Also

dabeecadaha maroodiga, maroodi

Wax Ka Ogow Nolosha Iyo Dabeecadaha Maroodiga

Maroodigu waxa uu ka mid yahay xayawaannada quruxda lagu tilmaamo, dhaqanno badan oo dunida ka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *