QANEECADA BINI’AADAMKA

qaneecada,qanaaco,Qaneecadu waa inuu qofku ku qanco waxa Alle (SW) uu qaybshay ,mu’minka dhabta ahna waa ka rumaysan in wixii Alle( SW)  uu qoray  aysan cidkale qaadanyn islamarkaasna uu Alle xikmadiisa ugu qaybiyo si cadaalad ku jirto,tusaaale ahaan xaga khalqiga Alle waa kala duway abuuristooda xaga middabka,xaga dhererka,luuqadooda iyo afkooda xikamad buuna Alle ka yeelay sidaa uu Alle noogu sheegay kitaabka munasalka ah.

sidoo kalena xoolaha , ubadka, quruxda maalka Alle ayaaa u qaybiyey adoomihiisa.

Markii ay qurayshi qoonsatay suubane nabi muxamad (sws) in lagu soo dajiyey quraanka isagoo ah wiil agoon ah oo dhexdooda ku nool ayaa waxay dhaheen maxaa hadii nabinimadani runtahay loo siin waayey raga waawayn ee magaca leh ee maka iyo daa’if hareeraheeda jooga  ragas baa mutays naaye, Alle casawajala wuxuu sheegay inuu isagu qaybiyo fadligiisa ee aanu dadku qaybin garana Karin,aqoona ulahayn xikmadeedana lahayn .

Marka adoonka mu’minka waa kan raali ku noqda wuxuu eebe ugu deeqay xagga quruxda,cilmiga,maalka,ubadkkisa, tusaale ubadka Alle ayaa dadka qayb ugu deeqa,hablo kaliya ama  wilaal qaybna isugu dara qaybana uusan siininba wax ubad ah marka Alle ayaa iska leh awooda uu ku qaybinaayo fadliigisa.

Marka ereyga qanaacadu marka aan ka fiirino luqada carabiga waa raali ahaansho wixii Alle ina siiyey oo aadan indhaha la raacin waxa Alle dadka kae siiyey ee gacantooda ku jira.

FADLIGA QANAACADA DADKA

Fadliga ay leedahay qaneecadu waa mid ay diinteenu siisay ahmiyad wayn Allena wuxuu sheegay( in qofkii muslim ah oo layimaada Imaan xoogan iyo camal saalix ah in lasiin doona xayaato wanaagsan)taas oo lagu macneeyo in lasiinayo qofkan muslimka nolol uu ku qanco,Sida Alle inoo sheegay in Adoonka qanacsan uu yahay adoon dhawrsoon .

Hadaba Akhristow iska ilaali waxa looyaqaano damaca iyo hanqaltaaga nafta taasoo ku dhalisa qofka xasad iyo xumaan islamarkaasna  qofka dhaxalsiinaysa mararka qaar inuu gaysto dil ama  inta qofka wuxuu haysto laga soo qaado uu isagu isla jeclaanyo in uu helo, tusaale ahaan hadaynu soo qaadano qiso kitaabta Adabka qaybtood qoraan oo ahayd:- ( sadex nin ayaa isa soo raacay ayagoo wadadii socda ayey waxay heleen kinsi ama jariido xoola ah oo duugaan kadibna waxay dhaheen aan qaybsano si isku mid ah  kadibna ayooga wadadii haya ayey gaajoodeen kadibna mid ayey ku dheheen raashin magaaladii inooga  doon cidna ha u sheegin arinka ka qari yaan layna arag si aan la inoo damcin, markuu tagay ayuu damac galay oo uu yiri si aad adi xoolaha kaliga uqaadato raashinka sun ugu dar ayagu ha cunaan kadibna saas haku dhintaan raashinkuna adi kaligaa hakuu soo haro, raashinkii buu sun kasoo buuxiyey kadibna soo qaaday  intuu maqnaa ayey labadii kalena waxay yiraahdeen ninkaan inaga maqan aan ka takhalusno labeedan ha inoo so hareen xooluhu e  siibayna ku hishiiyeen ninkii markuu yimaadayna ninkii bay dileen ileen waa niman hoaray ugu tashaday e  kadibna waxay dheheen aan nasano raashinkii bay cuneen ayagiina ku dhinteen, waxaa arinta halkaas gaadh siiyeyna waa damac  iyo xasad .

Suubane nabi muxamed (NNKH) wuxuu Axaadiiis badan ku amaanay qanaacada iyo in qofku ku qanco wixii alle siiyey xaalashana ay quutaan  damacana ay iska ilaaliyaan kuna qancaan wax alle siiyey haday yartahay iyo haday badantahayba .

Sida aan lawada soconana  banii’admku waxay hadba u hanqal taagaan waxa ay markaas haystaan maahe waxa ka sareeya  taasina waa dabeecada lagu yaqaan Aadanah a tusaale ahaan hadii aad ku shaqyso $ 200 waxaad raadinaysaa in lagaaga dhigo $ 300.

Ogow Akhristow hadii aad adigu tahay qof muslim ah waxaa dunida kunool boqolaal aan muslim ahayn.hadaa adigu caafimaad haysato waxaa jira malaayiin xanuuno la iladaran, hadii aad adigu miir qabto oo aadan waalnayn waxaa jiraan kumaankun waalwaalan oo xidh xidhan, hadii aad haysato arag iyo maqal waxaa jira billions aan waxna arkin waxna maqlin, hadii aad adigu xoolo haysato waxaa jira kuwo maalin walba baahi udhinta,hadii caruur Alle kuugu deqay waxa jira kuwa aan waxbana dhalin, waxaas oo dhana waxay kusocdaan xikmada Alle SW mana jrto cid fara gashan kartaa, muhiimaduna waa  aad ahaato adoon ku mahad naqa nicadii alle kusiiyey .

sida uu inoo sheegay xabiibkeenii muxamed SCW  inoo sheegay maruu ka hadlay qaneecada dadka wuxuu yidhi ( hadii bini’aadmka lasiin lahaa laba waadi ama tog oo dahab wuxuu raadin lahaa mid sadexaad bini’aadankana afkiisa waxaa buuxiya ciida oo kalya ).

Taas waxay ku tusaysaa in aadanahu aysan marnaba dhamaanayn dooniistiisa iyo rabitaankiisa ilaa ciida lagu rogo .

Waxaa jiray gabay uu tiryey Abwaan ismaciil mire Alle ha u naxariistii maruu kahadlayey qismada iyo xoolaha gabaygii ahaa ragow kibirka waa lagu kufaa ee kaa hala ogaado  isagoo bilowga gabayguna ku bilaabmay arar yar oo ka hadlaysa qanaacada wuxuuna yidhi :-

  • Kuligood Addomaha  Rabow qaybshay kimistiiye
  • Qofkastoo kabtiya ama kalaha ama kur dheer fuula
  • Bad kalluun kujiray kollay ku tagay amase koob shaaha
  • Nin kastaba  wixii loo  katibay waala kullansiin e
  • Nina inaanu soo korodhsanayn kaa la hogaado

FAA’IDADA QANAACADA

  • Qalbiga ga qofka imaan baa ka buuxsama,sidoo kale Nolol wanaagsan buu helaa

Inuu ahaado ruxu qof marwalba umahad naqa Alle fadliga uu ugu deeqay haday tahay caafimaad.ubad, maal,qurux IWM

  • Qaneecadu waxay  sabab utahay barako in laguu barakeeyo wixii Alle kusiiyey oo deeq ah islmarkaasna qanaacadu waxay leedahay raaxo nafsiyan ah .

Hadaba Ina bini ‘Adamow  kudadaal inaaad ahaato ruux marwalba ku qanacsan wixii Alle xikmadiisa kugu deeqay  islamrkaasna ahaanaya ruux umahadnaqa eebe fadliigsa kana fogaanaya damaca iyo xasadnimada adoomaha kale .

Waxaana lagu gaadhaa qaneecada inaad la timaado imaan xoogan iyo raali ahaanshaha Alle SW wixii ku siiyey oo deeq ah.

Inaan Alle kor Ahaaye waydiisano oo ku ducaysano inuu nasiiyo qaneeco,Sidoo kale waxan qaneeco ku heli karnaa inaan ku tadburno kitaabka Alle iyo Axaadiista nabiga SCW

Gabogabo:- Alle ayaa bixiya qaneecada dadka inagana waa inaan ku dadaalno sidii aan u noqon lahayn adoomo ku qanca nimcooyinka tira badan eee Alle casawajala ina siiyey oo ay ugu horayso islaanimada,caafimaadka,dhamystirka lixlaxaad,caqliga aqoonta iyo kuwoo kaloo badan  sida uu eebe quraan ka inoogu sheegay hadii ladamco in latiriyonimcooyinka Alle inaan la tiring Karin ,Alle hanaga yeelo kuwa ku qanca fadliga eebe ugu deeqo Adoomihiisa .

KA FAA’IDAYSI WACAN

Qoraa:- Nimco Mohamoud Jama Ali (Bachelor Degree Of Social Science Department Community Development From East Africa University Groe Campus)

Email:- Sagal1650@gmail.com

Garowe Puntland somalia

“ALLAA WAYN NINKII AAMINA AWOODLEH”

Check Also

dabeecadaha maroodiga, maroodi

Wax Ka Ogow Nolosha Iyo Dabeecadaha Maroodiga

Maroodigu waxa uu ka mid yahay xayawaannada quruxda lagu tilmaamo, dhaqanno badan oo dunida ka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *