Psychology: Waxyaabo Aad U Baahan Tahay Inaad Ogaatid

1. Si kasta aad u jimicsato ama gym u gasho, si kasta aad bistoolad ama bakoorad u qaadatid marnaba ma tihid qof xoogan haddii aadan Bustaha ama go’a intaad iska qaado aadan aroorti Masaajidka u aadi karin Salaada Subax

2. Habka ugu foolxun ee lamaane xiriir ka dhaxeeya u kala haraan waa iyagoo Block isa saara ama waxyaabo ku xumayn & dhega-hadal ah isu soo post-gareeya

3. Dad qaarkii waxay ku jecel yihiin keliya ilaa inta ay ku isticmaali karaan. Daacadnimadooda waxay dhamaaneysaa goortii aad heli weydo ama joogsato faa’iidada ay kugu heysteen. Dadkaa waxaa la yiraahdaa “Dhadhama raac”

4. Haddii qof u heysto in qof caan ah, oo aysan is garanayn, uu jecel yahay waxaa haya xanuun nafsadeed la yiraahdo “Erotomania”

5. Goortii kuwa aan Jecelnahay nagu waxyeelaan hadaladooda, waxaan dareenaa xanuun laban-laab ah. Xanuun hadaladooda dartood iyo xanuun sababtoo ah uguma jawaabi karno sidaa oo kale

6. Qofka caadiga ah wuxuu leeyahay 3 ilaa 5 saaxiibo ay aad isugu wanaagsan yihiin, badanaa mid ka mid ah ayuu si sir ah u neceb yahay

7. Dadku inta badan ma jecla in ay Runta maqlaan sababtoo ah ma rabaan in khiyaaliga iyo dhalanteedka ay ku jiraan la burburiyo!

8. Qiyaanadu waa doorasho iyo ku talagal wax loo sameeyo, ma aha qalad ama wax si kedis ah u dhaca.

9. Haddii idinkoo raba inaad (group photo) sawir koox ku gashaan ay kuu dhiibaan camera-da oo ku yiraahdaan sawirka naga qaad, ha u qaadan inay ka wadaan adigaa noogu foolxun! ee sawir fiican uga qaad

10. Qofka Xaflad iyo Shir aan looga yeerin dalaq iska soo yiraahda ama dad si gaar ah u sheekeysanaya soo dhex gala waxa loo yaqaan is-casume. Weligaa ha noqon is-casume. Meel walba ka muuqo waa lagu muunad beelaa.

W/Q: Farah Cawaash Beeldaaje

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *