Philosophy laguu fududeeyay

Hadaad wadato Mercedes ama Gaari raqiis ah, Wadadu waa isku mid
Hadaa diyaarada ku safarto economy class ama business, halka aad u socoto isma bedelayso
Hadaad xiran tahay saacad Rolex ama Casio, waqtigu waa isku mid
Hadaad wadato Mobile Apple, Samsung ama Tooshle, dadka ku soo wacaya ama aad wacayso waa sidoodi
Hadaa ku seexato sariir qaali ah ama dhulka seexato, Hurdo waa hurdo
Waxba kama qaldana qofka inuu ku riyoodo nolol sare oo raaxo badan
Waxa u baahan in la iska ilaaliyo waa in aysan waxyaabaha baahidu noqon dhuuninimo, damaaci xun.

Maanta dad badan oo dhaqaale weyn sameeyay waxay u dhimanayaan inay helaan caafimaad buuxa & qanacsanaan halka kuwa wax aad u yar heysta ay heystaan farxad kuna nool yihiin nolol fudud.

Ma ogtahay:
1. Mobile aad qaali u ah, 75% functions-kiisu waa kuwa aan wax-tar lahayn,
2. Gaari qaali ah, 75% xawaarihiisu waa mid aan loo baahneyn
3. Guri weyn oo Qasri ah, 75% space-kiisu waa mid aan la deganayn ama la isticmaalin
4. Armaajo buuxda oo Dhar ah, 75% marar nadir (dhif) ah ayaa la xirtaa Hantida la ururiyo, la keydiyo, 75% qofku wuu ka tagaa
5. Qof kasta oo bini’aadan ah, 75% kartidiisu ma isticmaalo

Haddaba, sidee si buuxda ugu isticmaalnaa 25%
1. Cibaadada Alle badi, xilli kasta & meel kasta aad ku sugan tahay,
2. Mashquuli naftaada xitaa haddii aadan heyn waxaad qabato
3. Cab biyo badan xitaa haddii uusan haraad ku hayn
4. Mar baaris caafimaad xitaa haddii aadan xanuunsaneyn
5. U noolow si aan kibir & isla weyni ku jirin xitaa haddii aad awood badan leedahay
6. Ahaw mid qanacsan xitaa haddii aadan taajir ahayn
7. Ahow mid daacad ah goortii aad sabool tahay
8. Ahow mid si fudud u nool goortii aad dhaqaale heysatid
9. Noqo mid Aadaab leh goortii aad Xukun heyso
10. Noqo mid aamusan goortii aad careysan tahay
11. U halgan inaad hesho Jir xoogan oo caafimaad qaba

Qanacsanaanta & Farxada Noloshu kuma yimaadaan wax badan aad uruursato iyo meel gaar ah aad ku noolaato, Hab Nololeed sare ayaad ku yeelan kartaa waxa aad heysato iyo halka aad Joogto

W/Q: Farah Cawaash Beeldaaje

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *