Ogoow Sirta Ay Ka Damacsanyihiin Dumarka Adeegsada Kalmada “I Fur”

kalmada i furAdduunkaani aanu ku nool-nahay Alle wuxuu ugu talla-galay lab iyo dhidig oo lamaane ah, iyadoo lamaanahaasi ay qeyb ka yihiin bini’aadamka iyo jinkaba, oo uu Alle ugu talla-galay in ay caabudaan, sida uu ku xusay Qur’aanka.

Hadaba dumarka ayaa waxay inta badan qaati ka taagan yihiin ragga, iyagoo ku eedeeya inay ka gaabiyaan wacadkii iyo wanaagii u dhaxeeyay, isla-markaana waxay taasi kayntaa in uu burburo qoyskaasi.

Dumarka inta badan ka sheegta ragga qaba, ayaa waxaa qeyb ka ah haweenka Soomaaliyeed oo inta badan ragga Soomaalida ku eedeeya inay yihiin rag ka dhacsan nolosha, isla-markaana burburiya wacadkii iyo balantii u dhaxeysay. Waxaa su’aal isweydiin mudan ah marka ay isqabtaan lamaane isqaba, maxay dumarka u yiraahdaan i fur” waa su’aal aad u culus, isla-markaana rag fara-badan oo khabiiro ah ayaa siyaabo kala duwan uga jawaabay, walow ay inta badan dhinac mareyn jawaabta saxda ah.

Waxaa xaqiiqa ah inay haweeneydu jeceshahay ninkeeda, isla-markaana ay aad u neceb tahay in la-furo, hadaba wax yaabaha ay u tidhaahdo i fur ayaa waxa la-sheegay inay yihiin, haweeneyda oo aan awood laheyn, isla-markaana sababaha ay i fur u leedahay ayaa waxay ku dooneysaa inuu saygeeda “ninkeeda” iska badalo wax yaabaha xun xun ee uu lasoo baxay guurka kadib, isagoo shalay dhihi jiray, waan ku jeclahay, waan ku doonaayaa, wax walba waan ku sameyn karaa, hadaba maxay tahay sababaha keynay marka uu guursado muddo kadib inuu ka gaabiyo wax yaabihii uu shalay u balan qaaday inuu u sameyn doono.

Dumarka ayaa la-sheegay inaysan jecleyn furiinka, balse sababaha ay furiinka u dalbadaan ayaa waxay yihiin canaan iyo handadaad ay raggooda ku canaananaayaan oo ay ku doonaayaan inay iska badalaan dabeecadaha xun xun ee guur kadib lasoo baxaan.

Su’aasha kale ee isweydiinta mudan ayaa waxay tahay, ragga marka hore ay dumarka la-sheekeysanayaan ayaa waxay sheegaan inay u sameyn doonaan wax walba oo ay ka dooneyso, xitaa haddii uu Alle calaf iskugu daro, inay jikada la-gelli doonaan karinta cuntada la wadaagi doonaan, isla markaana  ay caruurta la-xanaaneyn doonaan, hase ahaatee marka uu Alle calaf iskugu daro, muddo kadib ayuu culeyska waxa uu ka yimaadaa dhanka ragga, taa oo kamid noqotay dabeecadaha u gaarka ah ragga Soomaalida ah. Oo marka ay ruuxa dumarka ah gacanta ku dhigaan aan xasuusan balamihii  shukaansiga iyo balanqaadadii uu kusoo xerogaliyay.

Check Also

farxada guurka, qoyska wanaagsan

4 Arrimood Oo Ay Tahay In Ninka Uu Fuliyo Si Uu Qoysku U Waaro

Rag badan ayaa aaminsan in gabadha oo la hantiyaa ay bilow iyo dhammaadba u tahay …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *