NOQO AQOONYAHAN

Qormadan waxaan ku faalayn doonaa sidii aad u noqon lahayd qofku fiican wax akhriska oo aan ka caajisin , kama hadlayo  akhriska iyo muhiimaddiisa oo wax jirra maqaalo badan oo ay ka  qoreen dad badan oo aqoonyahan ahi.

Aadanuhu wuxu horumar ka gaadhaa aqoonta marka  aanu ku koobnaan casharkii barrehiisu u dhigay ee uu yahay mid Raadsada wax walba oo garaadkiisa kobcinaya ha akhriyo ama ha dhegaystaba’e.

Waxaan odhan karaa ” qofba qofka uu ka wax akhris badan yahay wuu ka aqoon badanyahay  ,,

Haddiiba  akhriste aanad ku fiicnayn wax akhriska haw malayn  carqaladan mid kugu kooban kaligaa yasayeeshee waxaad ka warqabtaa qofna inaanu bilaabin  wax akhrinta isaga oo naftiisu jeceshahay oo aanu wax daal iyo dhiba kala soo kulmin . Qalbigana ku hayso inaanay marnaba taasi suuragal ahayn waayo nafteenu waxay jeceshahay iska fadhiga iyo raaxada qofkaasina isaga ayaa ku qasbay oo baray naftiisa  inuu  10 saac iyo wax ka badanba wax akhriyi karo.

Ma tahay qof dareema caajis iyo daal markuu buuga soo qaado isagoon muddo nafle wax akhriyin ?

Imika Samee shantan qodob oo noqo aqoonyahan ku fiican wax akhriska !!!!

1: Niyad: nabigeena (NNKH ) wuxu yidhi [camaladdu waa niyadda ] . Marwalba laabtaada uga buuxi jamasho iyo doonis waxkaste oo aad rabto inaad qabato. Haddiiba shaygii aanad niyad u hayn ha filan inuu kuu hirgalo .

Haka ahaado akhrisku niyaddaada mid aad aad u jeceshahay .

2: ugu horaysii xiisadaad jeceshay: Hadday tahay cashar diyaarin iyo aqoon Raadinba marka aad go’aan  qaadato ha cadibin naftaada ee si talaabo talaabo ah u wad adoo ka bilaabaya   maadadaad xiisayso.

tusaale :  maalinta koobaad isku day inaad 45 daqiiqo akhrido kadib maalinba 15 daqiiqo kusii dar ama in ka badanba

3: xadid wakhtiga: Haddii waxa aad akhriyayso aad u  qaybiso wakhtigaad qorshaysay inaad wax  ku akhrido  waxay kugu abuuraysaa xamaasad iyo xawaare inaad ku dheerayso ah

Tusaale aynu soo qaadano wax la akhriyo ka ugu sharaf badan waxaad doonaysaa inaad qaybto saddex bog oo quraana  sacaad gudaheed  60/3=20 markaad u kala qaybiso bogiiba 20 daqiiqo ayaa ku hagaagayaa sidaa darteed waxaad isku dayaysaa inaad ka gaadhsiiso taas oo kuu horseedaysa  firfircooni iyo dhakhso

4: ka tirtir naftaada wahsiga: Waxa fiican si aanu qiiro u noqon go’aankii aad qaadatay oo kolka aad laba cisho waddid anaad uga hadhin waxa haboon inaad la dagaalanto caajiska si aanu kuugu soo laba kaclayn xanuunkii akhris la ‘aantu

Hubka ugu culus ee kaslaanimada lagaga hortagi karaana waa adoo illaashada shanta salaadood jamacna ku tukada Iwm.

5: Ahaw qof waxkasoo noqdaan: marka   aad akhrido mawduucyo badan oo kala geddisan ma haboona inaad noqoto siddii goof biyaha liqaaya  oo aan galaan loogu tegayn se waa inaad tahay qof aragtidda  uu ogaado mid u dhiganta keeni kara dadkalena u gudbin kara

Wa bilaahi tawfiiq

W/Q: Cabdinuur Maxamed xasan

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *