Maxaa Kordhin Kara Caanaha Hooyada Ilmaha Nuujisa?

 

Sidee ku ogaan karaa in caanaha aan soo saaro ay ku filan yihiin ilmahayga ?

Waa iska caadi in ay hooyo walbaa ka walwasho caano siinta ilmaha mar ay bilawdo naas nuujinta marka kaligaa ma ahan walwalkaan ,hooyoyin badan ayaa ka walwala inta ay dhanyihiin caanaha naaskeeda iyo in uu helo caano ku filan si u daboolo bahida koriinkiisa

Sida oogu fiican ee aad ku ogaan karto inaad soo saarayso caano ku filan ilmahaaga waa ilmaha miisankiisa oo siyaado iyo heerka koriinka caadiga ah, waa iska caadi ilmaha yarka inuu lumiyo maalmaha yar ee ugu horeeya misaankiisa laakiin dib wuxu kordhaa miisankiisa 3-4 maalmood dhalashadiisa kadib waxaa caado ah ilmaha ama dhalaanka marka ay jogaan 14 malmood in ay dib ugu noqdaan misaankii marka ay dhasheen ahaayeen .

Waxaa jira calamado kale oo aad ku karan karto in ilamahaaga yar uu helay caano ku filan sida:

  • Naas nuujinta inaad ka dareento raaxo iyo xanuun la’aan.
  • In ilmaha yar naas nuujintiisu noqoto 6-8 (lix ilaa sideed) jeer maalinkii iyo uu qanco naas nuujinta ka bacdi
  • In aad naasaha ka dareento faaruq ama madhnaansho iyo jileec naas nuujinta ka bacdi.
  • Waxa aad arki kartaa ama maqli kartaa ilmahaaga marka uu laqayo caanaha.
  • Wuxuu ilmuhu naaska u sii daynayaa iskiis.
  • Wuxu ilmuhu kaadshayaa 24kii saac ugu yaraan 7 jeer markuu xaaro xaarkiisu waa jaale ay la socdaan kuus kuus yar.

Dhibku ma ahan caano yaraanshaha laakiin waa intee in la’eg oo caano ah ayuu heli karaa ilmahaagu ?
Naas siinta ilmaha si joogta ah in ku filan waxay muhiim u tahay inay kaa caawiso inaad soo saarto caano joogta ah oo ku filan ilmahaaga , hadii uu yahay ilmahaagu mid hurdo badan waa inaad u toosisaa si maskixiyan ah una siisa naaska waxay taasi sabab u noqonaysaa in uu naaskaagu soo saaro caano badan jirkuna wuxuu la qabsanayaa caanihii looga baahan jiray maalinkii .

Hadii aad ka joojiso naas nuujinta ilmahaaga ood u bilowdo caanaha ilmaha yaryar(formula) sida ankarta waxay sabab u noqonaysaa in caaanaha naaskaagu yaraadaan

Hadii aad badiso naas nuujinta ilmaha canaha naaskaagu way badanayaan
Hadii aad ka shakido caano yaraansho ama aad ka shakido miisaanka ilmahaada la xidhiidh dhakhaatiirta si ay talo kuu siiyaan.

Cuntooyinkee La Aaminsanyahay Inay Kordhiyaan Caanaha Naaska?

Inkastoo ay yartahay cadaymaha lagu hayo baadhitaan cilmiyaysan (scientific research) dad ayaa aaminsan in cuntooyinkan kordhiyaan caanaha naaska waxaayna soo jireen fac ka fac hoyooyin badan oo irmaan waxay iminsanyihiin in cuntooyinkan cawiyeen.

Xuusuusnow in aad cuntooyinkan u cunto si meel dhaxaad ah qayb haka ahaadaan cuntooyin aad cunto maalinkii ha cunin dhirta ama daawo dhireed adoon la tashan dhakhaatiirta.

  • Xulbada: Waxaa mudo dheer loo isticmaalayay in lagu kordhiyo caanaha. Xulbada waxaa ku jira fiitamiino caafimaad badan oo u fiican hooyooyinka ilmaha nuujiya sidoo kale waxaa ku jira dufanka caafimaadka leh ee loo yaqaan omega 3 kaasoo muhiim u ah kobaca maskaxda ilmaha. Xulbada waxaa kaloo ku jira birta iyo macdanta calcium.
  • Fennel: Waa geed dhaqameed kordhiya caanaha naaska waxaa kale oo uu hoyooyinka ka cawiyaa ka hortaga gaaska iyo calool xanuunka ilmaha.. Waxaa u egyahay xawaash dhuudhuubka.
  • Caleenta cagaaran: Khudrada caleenta cagaaran sida koostada waa ilaha oogu fiican macdanta sida birta, kaalshiyamta, foolatka (folate), sidoo kale fiitamiin A waxaa kaloo la aaminsanyahay in ay kor u qaadaan caanaha naaska hooyada irman marka hooyada irmaan waxaa lagula taliyaa in ay cunto maalinkii 1-2 mar.
  • Sisinta: Waa il qani ku ah macdanta kaalshiyaamta (calcium) waana macdan muhiim u ah hooyada irman ama lamaan.
  • Misirta: Khaasatan misirta casaanka ah ama guduudan ma kordhiso oo kaliya caanaha naaska ee sidoo kale waa isha brotiinka waxay leedahay oo kale fiber badan iyo iron.
  • Sidoo kale waxaa jira contooyin kale oo kordhiy caanaha naaska sida: Sareenka, Xawaash dhuudhuubka, Lawska, Boorashka.

Saalaxida Ma Kordhisaa Caanaha Hooyada?

Naasaha oo la salaaxo waxay keenaan in caano badan ay soo galaan, naaso salaaxa ka soo bilaw naasaha korkooda oo u salaax dhinaca ibta, waliba inta cunuga uu nuugayo in la salaaxo ayay ka faa’ido badan tahay in aad salaxdid marka kale, haddii xaaskaaga kuu salaaxi karo iyadane waxaa la sheegaa in ay ka faa’ido badan tahay, waxyaabaha kale oo cajiibka ah oo ilaahay caruurta yar oo ku ilhaamiyo waxaa ka mid ah in ilmaha qaar ay naaska hooyada salaaxdaan iyaga marka ay nuugayaan, waana arrin uu caafimaadka fasiri karin.

Cuntooyinka Yareeyo Caanaha Naaska:

Waxaa jiro cunnooyinka qaar ka tirsan oo naasaha caanaha yareeyo waxaana ka mid ah: tuunta, basasha iyo nacnaaca oo ah caleen caraf leh oo shaaha lagu darsado, waxaa kaloo jiri karo cunnooyin kale laakiin hooyooyinka way fahmi karaan in cunugooda dhibsanayo dhadhanka caanaha sidaas awgeed waa inay ka fogaataa cunnooyinkaas.

Talooyin Dheeraad Ah:

  • Si Joogto ah u Nuuji: Midda ugu muhiimsan oo hooyooyinka u baahan in ay fahmaan waa in kullamaa cunugaaga nuujisid kullamaa tayada iyo tirada caanaha naaskaaga ay samaynayaan ay bataan, haweenka qaar ayaa aaminsan in ilmaha oo joogto loo nuujiyo in caanaha ay ku guraan, waana khaladka ugu badan ee u baahan in hooyooyinka laga saxo, khaladka labaad ayaa ah in hooyada ay hal naas cunuga siiso markiiba, laakiin sida saxda waa in labada naas la isku mariyaa halkii fadhi, taasi waxay keenaysaa in caano badan labada naasba ay soo galaan.
    Maxaa yeelay ilaahay wuxuu ugu talagalay in soo deynta caanaha ay ku xiran tahay baahida inta ay la egtahay, haddii tusaale ahaan hooyadu ay dhasho mataano, naasaha waxaa loo galiyaa caano ku filan, haddii ay dhasho cunug aanan safiican u qaadanin naaska, in caano ku filan loo geliyo.
  • Ku Dedaal inaad nasato: hurdo la’aanta waxay keentaa caano yari, nasiinada, cunista cunno kugu filan, in niyada ay kuu dagan tahay, nasiino iyo firaaqo in aad heshid intaba waxay kordhiyaan caanaha naaska, waana sababta hooyooyinka shaqeeyo ama ilmaha kale koriyo ay kaga caano yaraan karaa hooyooyinka kale.
  • Ka fogow stress-ka, niyad jabka iyo isku-buuqa: niyad kaca iyo diiqada inta waxay hoos u dhigaan hormoonka kontaroolo soo deynta caanaha, waa muhiim hooyada nuujinaysa in iyada iyo ninkeeda ay iskaga kaashadaan howlaha guriga iyo sidii buuqa guriga ka jira loo yarayn lahaa, culeeskane loo wada qeybsan lahaa, waa in waalidku tixgaliyaa oo uu fahmaa in nolosha guriga ay isbadalayso ayna u baahan tahay dulqaad si uu culeyska uga fududeeyo xaaskiisa oo uusan culees dheeraad ah ku noqon.
    Waa in guriga martida laga yareeyo usbuucyada ugu horreeyo inta cunuga iyo hooyadiisa ay isfahmayaan, naaskane uu kala qabasanayo.
  • Is nafaqeey: Haddii aad doonayso in cunugaaga wax aan naas ahayn in aad siiso ku dadaal in aad is nafaqayso oo aad gaajada iska ilaaliso, hooyada nuujiso waa in ay cunto cunno isu-dheelli tiran, waa in ay badsataa cunno khudrad iyo fruit leh, waana in ay ka fogaato calool fadhiga.
  • Cab biyo badan: cabitaanka oo la badsado khaas ahaan biyaha caadiga ah waxay kordhiyaan caanaha hooyada, waxaa kaloo fiican in aad badsato cunnooyinka biyaha leh sida qaraha, tufaaxa, cinabka, ananaaska iyo wixii la mid ah. ku dadaal biyaha caadiga ah in aad joogtayso.

Xigasho: babycenter.com & somalidoc.com

Check Also

quruxda maqaarka, caafimaadka maqaarka

10 Cunto Oo Si Weyn U Xoojiya Caafimaadka Iyo Quruxda Maqaarka

Maqaarka oo ah lakabka kore ee jirka waa qayb xasaasi ah, sida la mid ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *