Macmacaan Casriyaysan

Kulanti wacan, waxaan halkaan idin kula wadaagaynaa qeyb cusub oo ka mid barnaamijkii aad wada jeclaydeen ee Cooking with Hafsa. Hafza inta badan xoogga saarta cuntooyinka bulshada usoo gudbiso cuntooyinka caafimaadka leh laakiin marmar waa la iska samaystaa macmacaan.

Barnaamijkaan ayay Hafso Hassan ummada Soomaaliyeed had iyo jeer ugu faaidaysaa dhanka cunto karinta iyo qurxinta jirka iyadoo usoo gudbisaa fikrado wax ku ool ah.

Qeybtaan ayaa ku saabsan sida loo diyaariyo macmacaanka soomaalida oo weliba si qurxoon oo casri ah loo samaynayo. Macmacaankaan oo ay fududahay diyaarintiisu ayay Hafza samaysaa marka ay marti degdeg ah u imaanayso.

Sidoo kale macmacaankaan ayaad ugu farxin kartaa asxaabtaada, qaraabadaada iyo deriskaaga.

Daawasho wanaagsan:

Check Also

Hilib Shiilan Oo Aad U Macaan

Assalaamu calekum, walaalaha qaaliga ah soo dhowaada meel kastoo aad dunida ka joogtaan, waa mar …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *