Ku Maydhashada Biyaha Kulul Waxaa Laga Qaadaa Cilladahan

In kasta oo guud ahaanba caafimaadku uu yahay wax yaabaha ugu muhiimsan ee qofka bani’aadamka ah noloshii warwar geliya, haddana caafimaadka maqaarka iyo meelaha sida gaarka u muuqda dadka ayaa ah meelaha aynu sida gaarka ah caafimaadkooda uga warwarno.

Muhiimadda innagu beeran ee ah in aynu ilaalinno caafimaadka iyo quruxda muuqaalkeenna jidheed ayaana keenta in aynu si joogto ah jidhkeenna u maydhno si aynu u ilaalinno nadaafaddiisa oo dabcan caafimaadkiina ku xidhan yahay, iyada oo xilliyada jawigu qabow yahayna ay dadku aalaaba ku maydhaan biyo diirran.

Daraasad natiijadeeda ay baahisay shabakadda wararka ee MBC  ayaa lagu xaqiijiyey in ku maydhashada biyaha kululi ay dhibaato caafimaad oo aan fiicnayn ku keento caafimaadka maqaarka. Sababta ay cilmibaadhayaasha caafimaadku sheegeenna waa in biyaha kulul ay jidhka ka qallajiyaan dufanka dabiiciga ah ee jidhka ku abuuran, isla markaana ay ay kor u qaadaan xawaaraha wareegga dhiigga, taas oo aakhirka sababta caabuq ku dhaca maqaarka iyo cun-cun, sidaa awgeed waxa ay khubaradu ku talinayaan in biyuhu noqdaan kuwa caadi ah ama kulaylkoodu aanu ka badnayn ka aynu u naqaanno far-diiriska.

Waxa kale oo ay khubaradu sheegeen in muddada ugu fiican ee ay tahay in qofku uu biyaha ku jiraa in ay noqoto 3 illaa 5 daqiiqo si uu isaga ilaaliyo in biyaha diirrimaadka ahi ay dufanka dabiiciga ah ka tirtiraan jidhka, sidoo kale waxa ay ku taliyeen in qofku aanu maalin kasta maydhan, sida ugu fiicanina ay tahay in toddobaadkii uu laba jeer maydho si uu jidhkiisa ugu ilaaliyo duxdaas muhiimka ah, sidoo kale waxa ay arrintani muhiim u tahay timaha oo ay khubaradu sheegeen in aanay u fiicnayn in shaamboo lagu maydho toddobaadkii laba jeer wax ka badan.

Cilmibaadhis kale oo dhowaan soo baxday ayaa tilmaamaysa in saabbuunta jidhka qudheeduna ay khatar ku tahay caafimaadka maqaarka, sidaa awgeed maydhista oo lagu badiyaa ay suurtogal tahay in ay disho dhammaan bakteeriyada maqaarka oo ay ku jirto mid faa’ido u leh jidhka oo ka ilaalisa finanka iyo dhibaatooyinka kale ee ku dhici kara.

Sidoo kale waxaa jira khubaro sheegaya in maaddooyinka kiimikaad ee saabbuunta jidhka ku jira qaarkood ay dhibaato ku yihiin caafimaadka maqaarka.

W/D: Qoraa Kamaal Marjaan

Check Also

ilowga badan, hilmaanka,

Sida Looga Hortegi Karo Illowga Badan

Illowgu waxa uu ka mid yahay xaaladaha caanka ah ee lagu arko qofku marka uu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *