Ka Faa’idaysiga Nimcooyinka Alle

Inkasta oo aynaan af, iyo qoraal toona ku koobi Karin waxyaabaha ALLE inagu manaystey hadana waxaynu odhan karnaa, nimcadu waa deeqda Alle s.w.c uu u fidiyo adoomihiisa waana wax kasta oo naftu ku raaxaysato ama u baahantahay sida, iimaanka iyo islaamnimada, xubnaha jidhka, aqoonta, hantida, ubadka, IWM

Dhamaan nimcooyinkaasi waxay u baahanyihiin in looga faa’idaysto si ku haboon lana ogaado in ay xisaab adagi kaaga iman doonto, hadii aanad dareen xeel fog u yeelan sidad nimcooyinkaas u siin lahayd mudnaantooda, sida rasuulkuba N.N.N.H u yidhi shan ka faa,idayso intaanay shan kugu iman.

Hadabo mawduucan waxan kusoo qaadan doonaa 7 arrimood oo ay waajib tahay inaynu sameyno si aynu isigu dabakhno noolaansheheena iyo nimcooyinka aynu haysano.

  1. Rumayntaada iyo mahadinta: waa in aad saxdo caqiidadaada islaamnimo si aad farxad ugu hesho waxqabadkaaga iyo hiigsigaaga una tarmiso waxad haysato adiga oo adeegsanaya mahadinta ALLE.
  2. Caafimaadkaaga: Dareen u yeelo miisaanka weyn ee caafimaad qabka, hana ilaawin daciifnimda bukaanka iyo dhibkiisa,taasina waxay kaaga baahantahay inad ku dadaasho ilaalinta caafimaadka sida, fayo dhawrka iyo nadaafada,ka fogaanta waxyaabaha xun-xun, iyo iska ilaalinta hurdada salaadaha gaar ahaan, subax iyo casar oo la cadeeyey in ay caafimaadka si weyn u saameeyaan,waxaanay ka dhigantahay inad hurdada si qaldan uga faa,idaysatay.
  3. Xubnaha jidhka: xubnaha jidhkaagu waxay qaabilsanyihiin shaqooyin muhiima xubin kasta oo kaa maqana waxad maqnaanteeda tirin la,aan garwaaqsanaysaa wixii ay ka ahayd noloshaada markay ka baxdo booskeeda ama xanuun haleelo, hadabo haday kuu dhanyihiin lixdaada laxaad iyo qaybaha jidhkaaga ogow inay wanaag kuu tahay inad ka uga faa,idaysato si u qalanta, tusaale ahaan,in aad isha ku eegto wixii wanagsan, dhegta aad ku maqasho qur,aanka iyo hadalka suuban, lugaha aad ugu socoto meeshii ALLE raali ka yahay xubintaada tarankana aad xaaraanta ka ilaaliso, carabkaagana laga nabad galo.
  4. Wakhtiga: jaanis hadaanu jirin waxba ma qabsan kartid, jaanis aan caafimaad la soconina jaanis maaha,caafimaad aan lagu cibaadaysana wax ma taro,waa taa sababta ay qasab kuugu tahay inad abuurto jaanis, abuuritaanka jaaniskana ugama jeedo inad meel ka keento saacado dheeraada laakiin waxan ujeedaa inad maareyso wakhtigaaga oo nidaamiso adiga oo isku qaybinaya maalinta iyo habeenkeeda iyo waliba waxa aad qaban karto maalin iyo habeen kasta, balse waxa loo baahanyahay in aynu fahamno in nimcooyinka ALLE inagu manaystay isku xidhanyihiin sida shabaga inaguna aynu dhamaantood baahi u qabno.
  5. Dulqaad. Dulqaadku waa shayga lagaga baxo dhib kasta laguna gaadho maqaam sare, inkasta oo dulqaadku inagu yaryahay hadana waa waxa ugu qadhaadh hor dhaca uguna macaan natiijada, balse waxa lagaaga baahanyahay in aad dulqaad u yeelato xaaladaha adag iyo barnaamiyada kaa cakiran si aad u hesho furaha raaxada una dhadhamiso macaanka samirka.
  6. Ha degdegin: ha u malayn in jas-jas iyo fiiro la,aan lagaga faa,idaysto nimcooyinka ALLE waxaadse maanka ku haysaa in wax kastaaba leeyihiin wakhtigooda iyo ka baaraan degooda ‘shaydaanbaa degdega’
  7. Raad-reeb: inta aad aduunka joogto nimcooyinka ALLE ku siiyay haku koobin naftaada balse waa in ummadu ay kula wadaagto hibadaada,hantidaada,iyo hormarkaaga,bulshadana aad uga tagtaa astaan waxtarkaaga iyo wanaagaaga lagu xasuusto.

 

Waxan kusoo gabagabaynaynaa’wax kasta waad awoodaa,hadaad nimcooyinka ALLE u marto dariiqii ku banaanaa

Qalinkii: Ciise Maxamuud {ciise waddani}

Check Also

dhiiri galin guusha

Cashar Muhiim Ah

1. Nebi Muuse (CS) iyo tolkii, markii ay Fircoon iyo ciidamadiisu baacsanayeen, xilli ay nafta …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *