Iman Oo Qurux Ugu Faantay Rihanna iyo Naomi

iman-rihanna-beauty-competation-2Rihanna 26 jir, Naomi Campbell 44 jir, iyo Iman 59 jir ah ayaa dhawaan markii ugu horeysay waxa ay si wadajir ah u galeen sawir ay ugu magac dareen quruxda Madowga.

Iman waa gabadh asalkeedu Soomaali yahay, kana tirsan dumarka Model-ka ku jira, dhowr jeerna ku guuleystay xidigta quruxda, da’deedu waa 59 jir, waxa ayna dhawaan sawirkaan la gashay fanaanada caanka ah ee Mareykanka u dhalatey ee Rihanna iyo Naomi Campbell oo iyaduna ah haweeneey model-ka ku jirtay sanado badan una dhalatey dalka ingiriiska. Sawiradan oo la raaciyay maqaal ka warbixinaya sedexdaan xidig ayaa lagu daabacey wargeyska W MAGAZINE, waxaana lagu sheegay in hadafku ahaa isku keenista sedexdaan xidig ee madow, laguna tiriyo inay kaalimaha hore kaga jiraan dumarka dunida ugu qurxan gaar ahaana midabka madow.

Hadaba dad badan oo maqaalka iyo sawirada wargeysku soo bandhigay fikirkooda ka dhiibtey ayaa intooda badani waxey isku raaceen in Iman ay tahay xidigta quruxda sedexda qof ee sawirka iskula jira. Walow Iman ay 59 jir tahay wax badana ay ka weyn tahay labadan xidig ee kale, Rihanna 26 jir, Naomi-na 44 jir, hadana taasi kama reebin inay weli u muuqato gabadh da’yar oo ka qurux badan Rihhana iyo Naomi.iman-rihanna-beauty-competation

Check Also

sida ilkaha loo cadeeyo,

Sida Ilkaha Loo Cadeeyo Iyo Waxyaabaha Ugu Fiican Ee La Isticmaalo

Dhoolla caddeyntu waa qeyb shakhsiyadaada ka mid ah balse haddii ilkahaagu ay jaalle ama huruud …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *