Horta Adigu Yaad Tahey? W/Q: Hibo Ciise

noocyada shakhsiyada shaqsiyada adigu yaad taheyIntaad caqliyeysatey waxaad arkeysaa uun habeenka iyo maalinta oo is badbedalaya laga yaaba inaaney wax badan kuusoo kordhin, waxaad in badan u socdaashaa meelo badan ha noqdaan kuwa dheef ku leh iyo kuwo kaleba, waxaad la kulantaa boqolaal waji kuwo aad hore u taqiiney iyo midhadh kugu cusuba qolaba sibay noloshu u waajahdaa iyaguna si kala duwan ayey uga fal celiyaan gabalku markuu dhacana waa kuu daal iyo tabcaan badan ood habeenkii sariirtaada kula soo kordhacdid, mooji inaad sariir ku seexatid, haddii la doono furaashkaaga yar baad kula ciirtaa.

Waxse aynaan badi ogsooneyn waxa qaar inaga mid ahi nolosha heer uga gaadheen halka in kalena ay dib udhac iyo meehanaw ku jiraan.

Anigoo halkaa ka duulaya waxaan jeclaystay inaan idinla wadaago qormadan oo ku tusineysa cida aad tahey, mar aan akhriyey buug uu qorey qoraaga weyn ee Ibraahim Fiqhi ee Reer Masar (AHUN) oo halku dhigiisu ahaa Farxad Ku Noolow ayaan ka dhex helay qodobo aan ogahey inay wax kuu tari doonaan sida ay anigaba iigu soo kordhiyeen wax badan.

Kasoo gudub, bal aynu eegno qofnimadeenu sida ay tahey iyo sida ay inoo saameynayso

  1. Qof aan habeysnayn (dibu dhac badan): midaa aan idhaahdo dadkeena Soomalida aad iyo aad ayey ugu badantahey, oo laga yaaba ineynaan ka dib dhicin kaliya kulanada aan muhiimka aheyn balse aynu ka gaabino kuwa muhiimka ah iyo kuwa shaqada lafteeda, subixii waxa uu helayaa kun cudur daar oo habsaamiyey mar wuxu odhanayaa Huradadaan ku habsaamey, maalin kale wadadaa xidhneyd ama cidhiidhi ahayd, maalin kale xanuun sidaasuu ku wadayaa ilaa uu gaadho heer uu soo kici waayaba, lakiin taas waxa layidhaa waxey ku xidhan tahey maamulkiisa shaqada oo hadduu u seeto dheereeyo wuu iska soo jiitami uun. Haddaba shakhsiyada noocaas ahi marka ay isku daydo iney ilaaliso balamaheedu waxa ay markasta maskaxdu u sheegaysaa in ay iska habsan badan tahay oo xataa haddey diyaargarwdo wakhtigii balanta horteed laga yaaba in jawaabtaa maskaxdu saameyso una sheegto inaaney marnaba wakhtigii loogu talo galey gaadheyn.

Haddaba diinta islaamku iyadoo dhiiri galineysa ilaalinta wakhtiga iyo nidaamsanaantiisa waxey inoo dhigtay laylisyo ina baraya taas oo maalinle ah, haa oo qofka salaada ka taga uun lama ciqaabayo e qofka wakhtiga salaadaha sidooda u ilaaliya waa laga abaalinayaa, maalinta jimcaha qofka yimaada saacada u horeysa wuxu leeyahay ajar weyn kan saacada labaad yimaada ajarka weyn lakiin kii hore ka yar ilaa ay aad u yaraato qofka u danbeeya ajarkiisu.

  1. Qof dhibaato u joog ah: shaksiyadani waa tu markasta masiibo hor taagan tahey, haddiiba aad weydiiso siduu yahey waxaad arkaysaa isagoo ay maamulihii is qabsadeen, caruurtii ka xanuusaneyso, xaaskiisii ay isku murugsan yihiin dabadeedna dawakh iyo waali uun ku danbeynaya.
  2. Qof shil u joog ah: shaksiyada noocan ah asxaabteedu waa kuwo shil uun u jooga salaam buu ka dhacey, wuu kufay oo lug baa jabtey, gaadhibaa la dhacey ama meel la galey iyo wax lamida uun.
  3. Qof xanuun la darisa: markasta waa bukaan oo maxaa haya “ Xaar bakeyliyo baqbaqle” waa u taah iyo cabasho xanuun, xataa haddey hurdo hayso waa uu xanuusanayaa.
  4. Shakhsiyad isku daadsan: qolyahani waa qolyo is dhexyaala uun guri aan nidaamsaneyn, xafiis wareersan, haddii xataa lays yidhaa u gargaara durbadiiba waa u caynkii.
  5. Shaksiyad gacan madhan uun: lacag la,aan, wax la,aan haddana mushaharku kuma yara ee bilaa qorshaa dilaya, wuxu helaba waa uu baabiinayaa hadhana cabashada iyo aduunyo naceybkiisa ayaa dhagaha ku goynaya.
  6. Qof isla weyn: shaksiyada isla weyn ee aaminsan in aduunkuba iyada ku dhisan yahey oo haddii shaqada laga waayo aanay laba Cali wada hadleyn.
  7. Qof saluug badan: shaksiyada noocan ah waxey indho badan u leedahay ceebaha, Xumaha, dhaliilaha iyo wax kasta oo dadka is nacsiiya.
  8. Shaksiyad yabaalsan: kani waa ka u maleynaya in aduunkuba uu wada xun yahey, mushkilad oo dhana korkiisa la saarey ilaa uu gaadho heer uu rajeysto geeri.
  9. Shakhsiyad caajis ah: wax walba waa ka caajis waanu ka wahsanayaa, wuxu u arkayaa fartuu dhaqaajiyey inay tahey heerkii ugu badnaa ee dadaalkiisa.
  10. Shakhsiyad guuleysata: shaksiyadana waa ta aaminsan samaha iyo rajada wanaagsan dooratana wakhtiga iyo goobta ku haboon hawl walba, ku kalsoon dadka ag jooga ku faraxsan hawsha ay hayso, ku niyad san dhibka ka hor yimaada.

Hadaba ku dadaal tii kuu dana inaad gaadhid, lakiin waxaan hubaa Alla ka cabsi, qalbi daacada iyo hawl karnimadu iney furaha guulaha Aadmigu gaadho, naftayda iyo taadana waan la jeclahay iney guul gaadho waana sababta keentay inaan qoraalkan kula wadaago.

W/Q: Hibo Ciise

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *