HAL-QABSIGII IYO XIKMADIHII DADKII HORE!!!! QAYBTII 3AAD/GUURE

Marka hore aan kugu salaamo salaanta qaaliga ah ee islaamka (Asslaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu) intaas ka dib allah ha inooka dhigo ramadaanka mid khayr leh ilahy ayaan inoo waydiinayaa in uu dhammaan umadiisa u sooman ka aqbalo kana abaal mariyo, intaas ka dib Qormadan waxaan kugula wadaagayaa qaar ka mid ah hal-qabsigii iyo xikmadihii dadkii hore, waxaan rumaysnahay in ay jiraan dad badan oo xikmad ehel la ah, waxaan xooga u saaray xikmadaha dadkii hore wa in aan dadka xasuustan xikmadahaas kana faa’iidaystaan, maahmaah fog baana tiri (dad waa kii hore hadalna waa intuu yirri.).

1- Maalin kasta waa fursad aad noloshaada wax uga badali kartid.

2- Orod,socoo,gurguuro, ama xamaaro laakiin isku day inaad gaartid bartilmaameedkaaga nolosha.- C/raxmaan Guure

3- Haddii aadan ahayn qoraa anfaca dadka, noqo akhriste anfaca naftiisa.

4- Waxaa fiican inan wax u cuno si aan u noolaano laakiin aynaan u noolaan si aan wax u cuno- Mooliir.

5- Caqliga caafimaadka qabaa jir caafimaad qaba ayuu ku jiraa- Chorge Barnaadisu.

6- Akhrisku waxa uu caqliga uga dhigan yahay sida jimicsigu uu jirka uga dhigan yahay.

7- Haddii ay cadaalado ka dhamaato dhulka, macno ma samaynayso joogitaanka dadka ee dhulka korkiisa.

8- Qofkii wanaag beera waxa uu istaahilaa mahadnaq wayn.

9- Qofna waxbixin kuma noqdo faqiir.

10- Dadku ma ilaawan kuwa caawiyey waliba marka uu waqtigu adagyahay- Catherine
Pulsifer

11- Inaad Waxbixisid ayaa ka farxad badan in aad wax qaadashada.

12- Inta aan ka caawiyo kuwa kale in ay guulaystaan waa inta aan anigu guulaysto- Ray Kroc.

13- Farxadu waa nooc ka mid ah dhiiri galinta- Holbrook Jakson.

14- Waxaa jira wadooyin badan oo horay loogu socon karo laakiin waxaa jira hal wado oo aad ku nagaan kartid.

15- Cafisku waa sida qorax soo baxday roob da’ay ka dib.

16- Caqabadaha nolosha ayaa qofka ka dhiga mid wanaagsan.

17- Dadka sida dhabta ah isu jecel si sahlan kuma kala haraan. Haddii ay jirto Boqol sababood ay ku kala tagi karaan waxay helaan Hal sabab ay ku wada joogi karaan.

18- Anigu hibo gaar ah ma’ lihi, laakiin waxa aan doonayo raadintiisa ayaa aanan ka daalin.- Albert Einstein

19- Saaxiibka wanaagsani waa hanti.

20- Qanacu waa kayd aan dhammaan.

Wabilaahi towfiiq
Mahadsanidiin

W/Q: Cabdiraxmaan Maxamed Warsame (Guure)
Email:abdelrahmangure@gmail.com

Check Also

halkudhegyo, hadalo xikmad leh

Halkudhegyo Laga Faaidayo Casharro Muhiim Ah Iyo Waayo-aragnimo

Duruufaha adduun ee maalinlaha ah iyo waayoaragnimada qofku korodhsanayaa waa casharo muhiim u ah nolosha …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *