Gabadha Wallaca Ah Iyo Sinjibiisha

Gabadhuhu markay yeeshaan uurka waxaa dhacda inay qaarkood maraan marxalad adag, taas oo uu u keeno uurku, waxaana la dhahaa walac. Sidaas darteed waxaa dhacda in gabadha ay ku dhacdo nafaqo daro, markay cuntooyinkay cuni jirtay badankoodu ka xidhmaan, miisaankoodu hoos udhaco, kuna kalifto in markaa la dhigo dhakhtarka.

Qaarkoodna waxaa ufuranta nasiib wanaag cuntada, markaa halkaas waxaa laga fahmi karaa in gabdhuhu ay si kala duwan ku noqdaan walaca la xidhiidha uurka. Waxaa fiican markaa in gabadha ku xanuunsada uurka ee ay ku dhacdo nafaqa daradu inay sameyso haday awoodo talaabooyin ay kaga hor imanayso dhibaatooyinkaas, kuwaas oo aan haduu Illaahay idmo halkan ku sheegi doono, waxaana muhiim ah inay gabadhu markasta ogaato siday ula dhaqmi lahayd jidhkeeda iyo nafteeda, waayo qofkasta isaga ayaa u ogaal badan nafsadiisa waxay ogashahay iyo waxa ayna ogolayn.

Hadaan ku horeyno Sinjibiisha, waxaa la sheegay inay gabadha walaca ah caawiso hadeey siyaabo kala duwan oo aan halkan ku soo sheegi doono u isticmasho.

Jaamacad ku taala wadanka maraykanka ( USA ) oo la dhaho ” University of South Florida” sameysana baadhitaano, ayaa dhawaan baadhitaan ku sameysay dumar dhan 26 oo uur leh, kuwaas oo markay yeeshaan uur, ku walaca oo uu ku bilawdo yaqyaqsi iyo mantag/ hunqaaco. Waxay Jaamacadaas sheegtay in dumarkii 80% ka mid ah ay ka daysay yaqyaqsigii iyo mantagii hayay markay cabeen Sinjibiisha. Waxaadna u isticmaali kartaa Sinjibiisha inaad ku darsato cuntada, qaxwaha (coffee), shaaha iwm ah, waana inaad soo iibsato mida cusub ee aan lagu ridin daasadaha iyadoo shiidan siduu sheegay baadhitaanku.

Sidoo kale waxaa jira cuntooyin kaa caawinaya yaqyaqsiga:

Markaad soo toosto ama aad aragto inuu yaqyaqsi ku hayo, waxaad cuntaa buskud, laws.

Habeenkii markaad seexanayso waxaad saarataa miiska bakeeri caano ah, waxaadna cabtaa markaad soo toosto.

Dhanka nafaqadaada si aysan kaaga xumaan waxaad sameysaa

Cab sharaabyada / casiirada kala duwan ee laga sameeyo sida liinta, canbaha mooska, cananaaska, tufaaxa iwm.

Fiitamiinada D, calcium iyo caanaha iyana waxay muhiim u yihiin adiga iyo ilmahaaga.

Haday kaa xidhanto cuntooyinkaad cuni jirtay, waxaad aadaa suuqa si aad usoo iibsato cunto aad is leedahay waad xiisaynaysaa.

Insha Allaah waan badin doonaa maqaalada ka hadlaya uurka ee la socda.

Wabillaahi tawfiiq

WQ:Amal C Sheekh
Xigasho: khadijahome.com

Check Also

ilowga badan, hilmaanka,

Sida Looga Hortegi Karo Illowga Badan

Illowgu waxa uu ka mid yahay xaaladaha caanka ah ee lagu arko qofku marka uu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *