Xanuunnada Lagula Tacaalo Sinjibiisha Iyo Malabka La Isku Daray

sinjibiisha iyo malabka,

Ilaahay ayaa mahad oo idil u sugnaatay oo dunida ku beeray geedo daawo xambaarsan. Dhirta dabiiciga ah waa habka ugu fiican ee lagu daweyn karo loogana hortegi karo xanuunno badan. sinjibiisha iyo malabka waxay leeyihiin faa’iidooyinka tiro badan oo aan la soo koobi Karin.

Sinjibiisha waxay ka mid tahay dhirta qarniyada badan adduunka laga yaqaannay, bulshooyin badanina u isticmaali jireen dawo dhaqameed, cilmiga casriga ahna uu qiray inay tahay daawo la hubo oo tayo badan. Malabku waxa uu ka mid yahay cunnooyinka dabiiciga ah ee ugu waxtarka badan caafimaadka qofka, sababtuna waa xaddiga aadka u badan ee fitamiinnada, macdanaha kala duwan iyo asiidhada Amino ah ee ku jira malabka iyo sida oo kale maaddooyinka awoodda badan ee liddiga ku ah bakteeriyada, dulinka iyo mariidka.

iskudarka Sinjibiisha iyo malabka wuxuu hagaajiyaa qulqulka dhiigga, wuxuu awood siyaa difaaca jirka, wuxuu daaweeyaa cilladaha hawo-mareenka wuxuuna ka hortagaa cudurka kansarka.

Sida ugu fiican ee loo isticmaali karo isku-darkaanina, waa in la isku qaso cabitaanka sinjibiil qoyan iyo hal qaaddo oo malab ah, kadibna si joogto ah loo cabbo, sidoo kale shaah sinjibiil leh iyo malab ayaad isku darsan kartaa.

Isku-darkani waxaa ku jiro walxo liddi ku ah caabuqa iyo maadooyinka sunsaarista taas oo caawinaysa in jirku uu si dabiici ah u bogsado.

Daawaynta cudurka neefta:

Isku-darka sinjibiil, malab iyo filfil wuxuu awood u leeyahay inuu daaweeyo ama hoos u dhigo waxyeellada cudurka neefta. Isku-darkaan waa caabuq dile xoog leh, wuxuuna caawiyaa qulqulka oksijiintu uu gaaro sambabada.

Hoos u dhigidda cilladaha hawo-mareenka:

Isku-darka sinjibiisha iyo malabka wuxuu si deg deg ah u daaweeyaa qufaca, dhaxanta iyo cune xanuunka

Daawaynta lalabada iyo matagga:

Sinjibiisha wuxuu alle ku abuuray awood lalabo dejin iyo matag ka hortag, isku-darka malabka iyo sanjabiisha waxaa lagu daaweeyaa lalabada iyo matagga la xiriira daaweynta kiimiko ee cudurka kansarka (Chemotherapy).

Ka hortagga cudurka kansarka:

Sida ay muujinayaan daraasaduhu, isku-darkaan, waxa ku jira walxo ka hortag u ah cudurka kansarka. Daraasado dhowr ah waxa ay shaaca ka qaadeen in sanjabiishu ay si weyn u curyaamiso koritaanka unugyada Kansar ee midhicirada. Malabka waxaa ku jira isku-dhiska Flavonoids oo leh awood uu kaga hortagi karo noocyo kansarka ka mid ah.

Caafimaadka dheefshiidka:

Waxaa sinjibiisha loo adeegsadaa calool xanuunka, calool majiirka iyo dheefshiid xumada, waxayna ka hortagaa laguna daweeyaa calool istaagga. Dhinaca kale, Malabka waa nadiifiye aad u tayo badan, wuxuu dawo iyo hortagba u yahay boogaha caloosha iyo bakteeriyada mindhicirrada.

Caafimaadka wadnaha:

Sinjibiishu waxay siyaadisaa qulqulka dhiigga, waxay yareysaa heerka dufanka dhiigga ku jira kaas oo khatar ku ah wadnaha, xididada dhiigga iyo guud ahaan caafimaadka qofka. Malabku wuxuu ka hortagaa in xididada wadnuhu ay xirmaan. Isku-darka sanjabiisha iyo malabku waxay hoos u dhigaan cadaadiska dhiigga, waxayna ka hortagaan xididada engagga (atherosclerosis), wadne qabadka iyo faaligga.

Yareynta xanuunka caadada:

Shaaha sinjibiisha leh, waxay yaraysaa xanuunka caadada, waxaana lagu daaweeyaa caado yarida iyo daahideeda. Sida ay daraaduhu muujiyeen, sanjabiisha iyo malabku waxay ka hortagaan astaamaha caadada xanuunka badan.

Madax xanuunka:

Sanjabiisha iyo malabka la isku daro waxaa lagu daweeyaa madax xanuunka iyo madax faradka (migraines).

Xoojinta difaaca jirka:

Sinjibiishu waxay kor u qaadaa difaaca jirka iyadoo firfircooni gelisa unuygyada difaaca jirka ka qayb qaata. Sida aan wada ognahay malabka iyo sanjabiishu waxay u wanaagsan yihiin caafimaadka guud. Waxay caawiyaan soo saaridda unugyada cad ee ku jira dhiigga, waxayna xoojiyaan difaaca jirka.

Akhriso: Cuntooyinka Xoojiya Difaaca Jidhka Aadamaha

Check Also

ilowga badan, hilmaanka,

Sida Looga Hortegi Karo Illowga Badan

Illowgu waxa uu ka mid yahay xaaladaha caanka ah ee lagu arko qofku marka uu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *