7 Qodob Oo Kuu Sahlaya Barashada Luuqada English Ka

Hormarka iyo hiigsiga dheer ee bini’aadamku ku hawlanyahay waxay Dariiqa u xaartay in  dalabka iyo raadinta barashada luuqadaha kala duwan uu cirka isku shareero . Dad badani waxay ogaadeen in ay muhiim tahay ka bixitaanka  xayndaabka ku hadalida hal luuqad si ay ula jaanqaadaan dunidaan horumartay.

Luuqada Ingiriisku labadii qarni ee lasoo dhaafay waxay ahayd hogaanka dhamaan luuqadaha bulshooyinka dunidu isku fahmaan taasi oo albaabada u furtay in bulshooyinka kala duwan ee dunidu ay si aan kala har lahayn u muujiyaan xiisahoodu ku aadan barashada luuqadaas, dabcan soomaaliduna waxay qayb ka tahay bulsho weyntaas faraha badan ee muujiyay xiisahoodu ku aadan barashada luuqada English ka

Su’aasha is weyndiinta mudan baa ah maxay tahay sababta keenaysa in ay lagama maar maan tahay inaad baratid luuqadaan qalaad ee ingiriiska. Iyadoo ay jiraan asbaabo fara badan oo ay muhiim u tahay barashada luuqada English ka bal aan carrabka ku adkeeyo kuwooda ugu mihiimsan

  1. a) Luuqada ingriisku waxay ka mid tahay luuqadaha loogu isticmaalka badanyahay aduunka, in ka badan 2 bilyan oo qof ayaa ku hadala luuqadan,
  2. b) Luuqada ingiriisku waxay kaloo ka mid tahay shanta luuqadood ee lagu wada xiriiro una diiwaan gashan beesha caalamka,
  3. c) Luuqada ingiriisku waxay noqotay luuqad ganacsi, dunidaan maanta noqotay halka tuulo ee tiknoolajiga iyo isgaarsiinta casriga ah lagu xiriiro, luuqada ingiriisku waa furaha koowaad ee iskiin fahamsiin karta  adiga iyo dad aydin isku jinsi ahayn .
  4. d) 50% xogta ku kaydsan barta internetka waxay ku qoran tahay luuqada ingriiska taas oo ka dhigan hadii aad taqaanid luuqadan Waxaa awood u yeelan inaad fahantid badi waxa lagu qoro barta internetka.

Mar hadii aynu isla fahanay muhiimada ay leedahay barashada luuqada English ka dabcan waxaa iyana jawaab u baahanaysa su’aasha ka dhalanaysa oo ah sidee ugu sahlan ee aynu ku baran karnaa luuqadaan. Culumada luuqaduhu wax badan bay talooyin iyo afkaar inaga siiyeen sidii qof uu ku baran lahaa luuqad aan tii uu u dhashay ahayn, kala xulid waqti dheer qaadatay kadib qodobaadaan dhowrka ah baan is oran karaa way caawin karaan qofkii doonaya inuu luuqad cusub barto.

Badi akhriska iyo dhagaysiga.

Dadyowga ku takhasusay barashada luuqadaha waxay isla meel dhigeen dhagaysiga iyo akhrintu inay ka mid tahay hababka ugu sahlan ugana tayada badan ee lagu barankaro af-qalaad. Waxaa hubaal ah inaad is waydiinaysid sidee baan u akhriyaa ama u dhagaystaa wax aanan waxba ka fahmayn? Hagaag! Maskaxda bini aadamku waxay leedahay qayb la dhaho subconscious mind (maskaxda dahsoon) qaybtaan waa qaybta ugu gun dheer oo ugu firfircoon maskaxda bani aadamka waxii galena si fudud ugama baxaan. Hadaba waxii aad akhridid ama dhagaysatid waxay Si aadan dareemayn ugu duubmayaan qaybta dahsoon ee maskaxda taas oo keenaysa waqti ka bacdi inaad luuqadii baratid oo ku hadashid adoonba ogayn.Hadaba isku taxaluji inaad akhriska iyo dhagaysiga luuqadaan badisid.

Baro jumlado isku xiran

Khaladaadka ugu badan ee ay sameeyaan dadka raba inay bartaan luuqada ingriiska ayaa ah in ay mar walba isku dayaan inay kordhiyaan tirada erayada ingriiska ay yaqaaniin ayaga oo eray eray u baranaya.

Hadaba waxaa la ogaaday eray qudha oo aad baratid inuusan kaa caawinayn barashada luuqada hase ahaatee marka aad jumlad isku xiran aad baratid waxay kaa cawinaysaa inaad hadal dhamaystiran oo la fahmi karo aad dhahdid, waxaa kale oo aad habkaan ku  baran sida la isugu xiro jumlad ingiriis ah. Tusaale; erayga hungry (Gaajo) hadaad manta soo baratay oo maskaxda ku qabsatid waxaa kaaga faaiido badan adoo barta jumlada I’m feeling hungry (waxaan dareemayaa gaajo) jaaniska aad ku ilaawi kartid erayga hungry aad buu u badan yahay halka jaaniska aad ku ilaawi kartid jumlada waxaan dareemayaa gaajo ay yartahay.

Aad ha isugu taxaluujin barasha grammarka

Muran kama jiro in grammar ku qayb muhiima ka yahay luuqad kasta, barashadiisuna ay muhiim tahay. Hase ahaatee waxaa arkaysaa dad badan oo aaminsan furaha barashada luuqada ingriisku inay tahay grammarka. Baro naxwaha lakiin sharuud ha uga dhigin hana ku xirin luuqadaada oo idil.

Ha ka baqin in aad khalad samaysid

Maahmaah soomaaliyeed baa oranaysa “waxaan dhib loo marin dheeftooda lama helo” inaad luuqad baratid wax sahlan oo dhowr habeen gudahood aad ku dhamayn kartid maahan, way adagtahay, mar waad khaldaysaa, mar baad waayaysaa eray aad hada maskaxda ku haysay, mar baad ka xishoonin oo aad is odhan amay dadku kugu qoslaan, mar baad is odhan amuu khalad yahay waxaa rabtid inaa dhahdid. Hadaba haday kaa go’antahay barashada luuqadan ha ka baqanin, kor u dheh waxaad rabtid inaa dhahdo, waydiiso dadka yaqaana luuqadan inay ku caawiyaan.

Jeclow oo waqti badan gali barashada luuqada English ka

Halakan waxaa isa saran labo qodob oo muhiima; midka kowaad waa jacayl; waxaa la xaqiijiyay luuqada oo aad jeclaatid jacayl dhaba in ay kugu hogaaminayso inaad si dhakhsaa u baratid. Jacaylkaas aad jeceshahay baa kugu kalifaya inaa xiisaysid,  waqtina galisid ku hadalka iyo barashada luuqada. Kan labaad , luuqada waxaad si fiican oo fudud u baranaysaa markaa waqti siisid, ugu yaraan labo saacadood u qoondee barashada luuqada maalin kasta adigoo xaadiraya fasal ama barta internetka online ahaan uga dhiganaya. Cashar ingriis ku qoran oo aad akhridid ha ku xisaabin labadaan saacadood, kuwaas hakuu ahaadeen kaabayaal.

Ku fikir ingriis mar walba

Maskaxdaada mar walba waa in ay ku jirto inaad luuqada ku hadashid. Mar walba jeclow inaad isticmaashid ingriis halkaa ka isticmaali lahayd af-soomaali. Tusaale ahaan hadaa rabtid inaa dhahdid; fadlan biyo igu caawi? Isku day inaa ingriis ku dhahdid, jumlada maskaxdaada ku dhiso, hana ka cabsan inaa dhahdid xitaa hadii aad isleedahay way khaldantahay. Kula sheekayso naftaada luuqada. Maskaxdaada ka curi jumlado ingriis ah oo markaa buug ku qoro hadhowna isticmaal. Habkaan waxuu ka mid yahay hababka ugu fiican oo aad luuqada ingriisku ku barankartid.

Gun iyo Gunaanad

Qodobada aan kor ku soo xulnay waa qayb kamida habaka ugu sahlan ee la aaminsanyahay in luuqada ingriisku lagu baran karo, hase ahaatee intaas waxaa raaca go’aan adag oo aad qaadatid, ha noqon laab lakace ee qaado go’aan biyo kama dhibcaana una tafo xaydo sidii aad ugu soo biiri lahayd maalaayiinka qof ee luuqadaan isticmaasha.

Akhriso: In Qofku Uu Laba Luuqadood Ku Hadlo Waxay Maskaxda U Leedahay Faa’iidooyinkan!

Akhriso: Da’du Saamayn Ma Ku Yeelan Kartaa Barashada Afka Qalaad?

Guul iyo Gobonimo

Qalinkii: Hamdi Abdikani Shire

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *