Hababka Kor Loogu Qaado Xusuusta Akhriska

1. Xog ma ka haysaa?

Buugga aad si fiican uga faa’idaysan kartaa, waa buugga aad faham iyo xog hore ka haysato mawduuca uu ka hadlayo.

Waa haddii aanu ahayn buug loogu talagalay waxbarasho (Manhaj) iyo buug loogu talagalay dadka aan mawduucaas waxba ka fahamsanayn, ama buug sheeko ah. Tusaale ahaan haddii aad akhriyeyso buug ka warramaya dagaalkii labaad ee adduunka, waxaa fiican in aad marka hore xog iyo faham aasaasiya ka haysato dagaalkaas.

2. Ha dhayalsan hordhaca

Hordhaca buuggu waxa uu faham fiican kaa siinayaa mawduuca uu ka warramayo, iyo qaabka uu u dhacayo qoraalku. Waxa uu ku siinayaa go’aan ah in aad buugga aad si qotadheer u akhrido, in aad isha uun mariso, ama iskaba deyso.

3. Waqti gaar ah si

Ka fogow wax kasta oo jeedin kara maskaxdaada, sida codka talefishanka, talefanka in aad hadba eegto, ama akhrido farriimaha kugu soo dhaca, iwm.

Waqtiga aad akhriska u jirto, ku dadaal in uu noqdo mid akhriska oo keliya aad ku mashquulsantahay, xitaa haddii aad waqtiga akhriska ka dhigayso mid aad u yar.

4. La dood buugga:

Tallaabooyinka hoose waxa ay kaa caawinayaan in aad la falgasho, si xeeldheerna u fahamto waxa aad akhriyeyso, waxa aanay kugu dhiirrigelinayaan akhriska.

– Su’aalo iska weydii waxa aad akhriyeyso,

– Ku dul hako macluumaadka iyo dhacdooyinka muhiimka ah ee buugga aad kula kulanto, kuna dadaal in aad u samayso humaag ay maskaxdu sawirato. Tusaale ahaan shakhsiyad laga warramayo fahamka aad ka qaadatay sawiro isaga oo qof ah.

– Qayb kasta ama cutub kasta marka aad dhammayso, inta aanad ka xiga u gudbin, iska weydii su’aalo aad ku ogaanayso illaa heerka aad fahamtay.

5. Diiwaangeli xusuustaada:

Buugga dhexdiisa ku qortayaa iyo buug u gaar ah ku dhigtaayaba, waa muhiim in aad xusuus kala hadho buugga.

Marar badan akhrisku waxa uu cariyaa maskaxda, sidaas awgeed adiga oo ku dhex jira akhriska ayaa laga yaabaa in ay kugu soo dhacaan fikrado cusub, ama in aad aad ka hesho doodda uu buuggu soo bandhigayo, ama fikirka buugga ayaabad dood ka qabtaa, arrimahaas oo dhami waxa ay ku fiican yihiin in aad diiwaangeliso, kaddibna aad dib ka sii baadho.

6. Cod dheer ku akhri

Marka aad buugga ku akhriyeyso goob ay suurtagal kuu tahay in aad codkaaga kor u qaaddo, waxaa fiican in aad sidaas yeesho. In kor wax loo akhriyaa waxa ay caawisaa in carrabku ku tababarka wax akhriska, gaar ahaan dadka carrabkooda uu akhrisku ku adag yahay.

Codka aad is maqashiisaa waxa uu maskaxda ka caawiyaa in ay si fiican u kala saarto una xafido xogaha aad akhriyeyso, iyo in marka dambe dib u xasuusan karto, maadaama oo ay maskaxdu sawiranayso kelmadihii iyo xitaa bogga ay ku yaalleen.

7. Cid kale bar

In wixii aad akhriday aad u sii gudbiso / barto qof kale ama uga sheekaysaa, waxa ay sii xoojisaa xusuusta iyo fahamka waxa aad akhriday.

8. Si fiican u dooro

Dooro buugga kugu habboon, kaas ayaa aad ku raaxaysan kartaa akhriskiisa. Ogowna oo buugga akhriskiisa aad ku raaxaysato xusuustiisu waa ay xoogaysataa.

Doorashada waxaa ka mid ah in buugga inta aanad bilaabin aad ogtahay sababta aad u akhriyeyso: Ma waxa ay kaa tahay Maaweeli iyo waqti isku dhaafin, ma in aad ka hesho xog iyo aqoon la xidhiidha shaqadaada, ma hawl aad doonayso in aad gasho ama waxbarashadaada, mise waxaaba ay kaa tahay faduul oo arrin aanad xog hore ka haynin ayaad rabtaa in aad hadda ka barato buugga.

Akhriso: Haddii Ay Kugu Adagtahay Xusuusashada Waxa Aad Akhrido Ama Barato, SAMEE ARRIMAHAAN XUSUUSTA XOOJIYA!

9. Xaddigu muhiim maaha

Tayada iyo fahamka akhriska ayaa muhiim ah, sidaas awgeed ha ka warwarin xaddiga aad akhriday. Waa run in ay fiicantahay in aad noqoto qof akhriska ku carrab fudud, laakiin ogow in aanay cidi tartan kugula jirin, muhiimadduna aanay ahayn tirada buugta aad dhammaysay.

W/Q: Kamaal Marjaan

Check Also

jiilasha aadamaha, dabeecadaha,

Qayb 2: Jiilashu Waa Sida Jeesas Aan Iska Warqabin

Jiil kastaa waa jees gooni ah oo habdhaqan iyo dabeecad lama wadaagaan jiilka kale. Jiil …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *