7 Faaido Oo Ku Jeclaysiinaya Koostada (Spinach)

koostada1Koostadu (spinach) waxa ay leedahay nafaqo badan oo aad ubaahantahay maalin kasta, waxa ayna ufiicantahay caafimaadka. Waxaa laga yaabaa inaadan jecleyn laakiin waa il muhiim ah oo laga helo iron, folic acid, vitamin A, C, D, B6, B12, macdanta calcium, Magnesium, fiber, protein.

Hadaba daryeelmagazine.com waxaa uu akhristayaashiisa qiimaha badan la wadaagayaa 7 faaidoo oo laga helo koostada.

Waxay lagaalantaa kansarka: Sida daraasado cafiimaad oo kala duwan muujiyeen koostadu waxaa ku jira maadooyinka  flavonoids iyo antioxidants oo  la dagaalama noocyo badan oo kansarka ka mid ah sida kan naasaha, midka ku dhaca qanjirka  ‘prostate’ ee ku yaal kaadi-haysta ragga iyo weliba kansarka ku dhaca ugxanta.

Waxay hagaajisaa caafimaadka indhaha: koostadu waxay sare u qaadaa caafimaadka indhaha sidoo kale waxay ka hortagtaa gabowga.

Waxay xoojisaa murqaha: cilmi baaris uu sameeyay machadka Karolinska ee dalka Sweden ayaa lagu ogaaday in hadii si joogto loo isticmaalo koostada ay kobciso  awooda murqaha.

Waxay hoos u dhigtaa kansarka maqaarka: sida ay sheegeen cilmi baarayaasha ka tirsan machadka lagu magacaabo  Queensland Institute of Medical Research, khudaarta cagaaran sida koostada ayaa hoos u dhiga khatarta kansarka ku dhaca maqaarka jirka.

Waxay maaraysaa kaadi macaanka: Koostada waxaa ku jira maado  antioxidant ah oo loo yaqaan alpha-lipoic acid taasoo daraasado badan muujiyeen inay hoos u dhigto heerarka glucose-ta.

Waxay yareysaa cadaadis dhiiga ee sarreeya: Dhakhaatiirtu waxay kula taliyaan dadka qaba dhiig karka inay cunaan koostada sababtoo waxaa ku badan macdanta potassium oo yareysa  sodiumka jirka. Madanta  potassium oo jirka ku yaraata waxay kordhin kartaa khatarta dhiig karka.

Cuntooyinka kale ee laga helo macdanta potassium waxaa ka mid ah baradhada, yaanyada iyo liinta macaan.

Waxay u wanaagsantahay caafimaadka maqaarka jirka: Awoodda antioxidants-ka ku jira awgood vitamins C, E iyo A waxa ay aad u anfacayaan maqaarkaaga. Koostada waxaa ku jira antioxidants la dagaallama dhammaan noocyada kala duwan ee waxyeellada maqaarka ku dhaca. Markaad cunto koosto waxaad nadiifineysaa maqaarkaaga adigoo kasoo bilaabaya gudaha.

Koostada waad karsan kartaa sidoo kalana cabitaan ahaan ayaad u shiidan kartaa hadii aanad jeclayn dhadhankeeda waxaad ku darsan kartaa moos iyo malab.

Check Also

shaaha liinta leh, shaaha liinta lagu daro, lemon tea

Sirta Caafimaad Iyo Shaaha Liinta Leh

Shaahu wuu noocyo badan yahay faaidadiisana waxay ku xiran tahay hadba nooca caleenta la isticmaalay. …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *