Dhareerka Caruurta Ee Siyaadada Ah

Waa Maxay Dhareerka Caruurta?

Calyada waxay qabataa howlo lagama maarmaan ah. Waxay muhiim u tahay liqidda cuntada, Waxay caawisaa dheefshiida waxayna nadiifisaa afka waxay ka qayb qaataa korniinka.. Caadiyan caruurtu inta ay ka gaarayaan 4 sano ma koontarooli karaan dhareerka afkooda, waana arrin dabiici ah. Caruurtu way kala dhareer badnaan karaan.

Sababaha dabiiciga ah ee keena dhareerka siyaadada ah:

  • Soo bixidda ilkaha
  • Cunugga oo aan si fiican u koontarooli karin wax liqidda

Miyay jiraan xanuuno keeni kara dhareerka siyaadada ah?

Waxaa jira xanuuno sababi kara dhareerka siyaadada waxaa muhiim u in waalidku sii gaar ugu fiirsado cilladaha la socda dhareerka siyaadada ah. Cilladahaas waxaa ka mid ah:

  • Bishimaha oo dildilaaca
  • Afka oo guduuta
  • Carrabka oo nabro yeesha
  • Dhuunta oo xanuunta
  • Caqliga cunugga oo ka hooseeya kuwa isaga le’eg.
  • Dib u dhac dhinaca korniinka ah

Astaamaha lagu ogaan karo in dhareerka cunugga uu dabiici yahay.

  • Hadalka cunugga waa mid dabiici ah
  • Si dabiici ah ayuu wax u maqli karaa.
  • Foojignaantiisu waa mid dabiici ah oo wuu ka warqabi karaa waxa ku hareeraysan.
  • Cunugu ma qabo quman iyo cabur
  • Ilkihiisu way caafimaad qabaan.

Dhareerka siyaadada ee caruurta waxaa uu garaa daamanka taasina waxay u keeni kartaa cuncun iyo firiirac. Si hadaba looga hortago xasaasiyada waxaad u bahaan tahay dhaybar suuf ah oo nuuga dhareerka ama shukumaan  waxaad u dhigaygaa dhabanka cunugga hoostiisa marka uu hurdo. Si tartiib ah uga tirtir  dhareerka daamanka adigoo isticmaalaya biyo qandac ah iyo shukumaan, kadibna qallaji (ha xoqin) ka hor inta uusan seexan.

Check Also

ilowga badan, hilmaanka,

Sida Looga Hortegi Karo Illowga Badan

Illowgu waxa uu ka mid yahay xaaladaha caanka ah ee lagu arko qofku marka uu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *