Dhambaal Macaan Badan

dhambaal macaan badan

1. Mararka qaar waxaa wanaagsan in qofku iska aamuso inti uu dadka u sheegi lahaa dareenkiisa sababtoo ah way ku sii dhaawaceysaa keliya goortii aad ogaato inay ku maqli karaan laakiin aysan ku fahmi karin

2. Waxaan ka xiran karnaa indhaha waxyaabaha aynaan rabin in aan aragno laakiin kama xiran karno qalbigeena waxyaabaha aynaan rabin in aan dareeno. Aad bay daruuri u tahay inaan xushmayno dareenka dadka kale.

3. Kala fogaanshuhu ma baabi’iyo xiriirka. Ma aha inaad aragto qof jaceyl idinka dhaxeeyo maalin kasta. Muhiim ma aha joogitaanka qoloftaada ee waa waxa Qalbigaaga ku jira

4. Dadka inta badan ilmeeya ma aha dad jilicsan. Oohintu waa sida Qalbigaagu u hadlo goortii bushimahaaga aysan sharixi karin xanuunka aad dareemayso

5. Waxaa jira hadalo u waxyeela Qalbiga si ka daran Seef lagu dhuftay, waxaa jira hadalo qofka ku noqda waran kaga taagan wadnaha noloshiisa oo dhan. Ka taxadar hadalada aad dadka kula hadleyso

6. Jeclow waxa Qalbigaagu rabo, ma aha waxa Indhahaagu arkaan. Ha ka welwelin waxa dadka kale yiraahdaan ama kuu arkaan. Kani waa Jaceylkaadi, ma aha kooda

7. Jeclow ama ka tag Qalbi ku dhaawacay, balse marnaba adigu ha dhaawicin Qalbi ku jecel. Run waa loo ekaysiin karaa dhoola-cadeyn iyo qosol been ah, laakiin marnaba lagama been sheegi karo ilinta iyo dareenka dhabta ah

8. Xiriiro badan ayaa burbura, sababtu ugu weyn ma aha Jaceyka oo meesha ka maqan, Jaceylku had iyo jeer waa joogaa, ma tago. Qof ayaa keligii aad wax u jeclaa, halka qofka kale isaga jiray ciyaar iyo qiyaali

9. Ha u oggolaan xiriir hore oo noloshaada ah inuu burburiyo Farxada mustaqbalkaaga. Nabarka ama xagtintu waa inay ku xasuusiyaan wixi aad ka soo gudubtay, ma aha halka aad ku socoto

10. Dadka qaarkii marnaba ma lunto quruxdooda si kasta oo ay u weynaadaan, da’na ugu darsanto, sababtoo ah quruxdoodu marnaba ma ahayn wejiga, waxay ahayd Qalbiga

Diyaariye: Farah Cawaash

Check Also

dabeecadaha maroodiga, maroodi

Wax Ka Ogow Nolosha Iyo Dabeecadaha Maroodiga

Maroodigu waxa uu ka mid yahay xayawaannada quruxda lagu tilmaamo, dhaqanno badan oo dunida ka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *