Daryeelka Nafta

Jirkaagu, si kastuu ceeb & cillad u leeyahay hadana waa barakaysan yahay. Waa Raasumaalka ugu muhiimsan aad heysato. Wuxuu hoy u yahay dhamaan unugyada aasaasiga ah ee Nolosha… wuxuu kuu suurageliyaa inaad fakirto, wax dareento… dhaqdhaqaaq sameyso, iwm. Waana goobta keliya ee aad sida rasmiga ah ugu nooshahay.Haddaba, si aad u daryeesho jirkaaga joogtee waxyaabahan:
1. Badi weysada. Tuko Salaada waqtigeeda.
2. Qoraxda intay kuu soo baxdo yaan waaga xiga kuu baryin adigoo Quraanka aqrin. Ogsoonow Ruuxda waxay u baahan tahay in Quraan Aqris & cibaado lagu quudiyo.
3. Hel hurdo kugu filan habeen kasta.
4. Cunto cunto isu dheelitiran, cab biyo badan.
5. Ka fogow mukhaadaraad iyo daroogo nooc kasta ay tahay.
6. Dhageyso waxa jirkaaga kuu sheego – Xanuun, daal, iwm kana taxadar.
7. Tartiibso … Muuji deganaan. Iska ilaali deg-deg.
8. Ku dadaal nadaafada jirkaaga.
9. Aqri wax kastoo ku xiisageliya, cilmi & caqli kuu kordhin kara.
10. Iska ilaali dambi mid weyn & mid yar. Waa waxa ugu weyn ee nafta baabi’iya.
11. Ahow qofka aad tahay. Jooji inaad qof kale is bar-bardhigto. Ku kalsoonow naftaada. Ha ku noqon xaasid, ha u qaadin neceyb qofna.
12. Maya – Waa jumlad dhameystiran. Bar afkaaga si geesnimo leh inaad Maya u oran karto wixi naftaada aysan rabin ama dan ugu jirin. Xusuusnow: Haa badan & Haye fudud halaag bay nafta u horseedaan.

Haddaba, Nafaqee jirkaaga, Samee jimicsi joogta. Ogow:Jimicsigu waa Boqor. Nafaqadu waa Boqorad. Isku dar labadaa waxaad helaysaa Boqortooyo.

Ugu dambeyntii, iska yaree isticmaalka daawada badan ama baro sida saxda ah ee daawada loo isticmaalo, tusaale iyadoo caloosha ku taagan tahay, hal habeen ha isku isticmaalin kaniiniga caloosha socodsiiya iyo kaniiniga hurdada! haddii kale…..

W/Q: Farah Cawaash Beeldaaje

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *