Daldaloolada Wajiga (Open Pores)

Daldaloolada wajiga waxay qofka ku beeraan walaac dhanka quruxda ah, Haddi daldaloodu ay xirmaan waxuu qofku isku arkaa burooyin iyo  finan waa weyn oo dheecaan leh gaar ahaan qofka jirkiisu yahay nooca saliida leh.

Saliid, bakteeriyo iyo wasakh ayaa gala oo xiri kara daldaloolada, burooyinku (blackheads) waxay ka dhigaan daldaloolada kuwo si fiican loo arki karo oo waa weyn.

Waxyaabaha sii xumeeya daldaloolada waxaa ka mid ah qorraxda badan, da’ada qofka oo sii weynaata, stress-ka, daryeel xumada maqaarka.

Inkastoo ay jiraan dawooyin suuqa yaal oo lagula tacaali karo dhibaatadaan, hadana waxaan kusoo gudbinaynaa waxyaabo raqiis ah oo fudud, isla markaanaa dabiici ah oo kaa yareyn kara muuqashalka daldalooda.

Baraf:

Barafku waa dawo guri u fiican yarenta daldalooda. Sidoo kale,  waxa uudardar geliyaa wareegga dhiigga waxana uu kobciyaa caafimaadka maqaarka.

  1. Biyo baraf leh ayaad wajiga ku mayran kartaa maalin kasta.

Ukun:

Ukunta waxaa aad loogu isticmaalaa in lagu yareeyo daldaloolada waa weyn ee sanka, wajiga iyo garka. Waxay caawisaa soo celinta midabka asalka ah ee maqaarka wayna adkeysa, waxay kaloo ay aad u wanaagsan tahay jirka saliida leh.  Baraha madmadow ee wajigana waa loo isticmaala ukunta.

  1. Waxaad u baahan tahay ukunta qeybta cad, wajiga saaro, kadibna warqad ku dhegso, sug ilaa ay ka qallalayso, iska fuji. Sidaan samee 2 goor toddobaad kasta.
  2. Taa beddelkeeda waxaa isku darsan kartaa 2 xabbo oo ukunta qeybta cad ah iyo biyaha liin dhanaanta. Wajiga si fiican u marso oo u daa mudoo 10 daqiiqo ah. Marka ay qallasho iska raaci biyo qabow.

Sonkor:

Sonkortu waxay ka mid tahay waxyaabaha u fiican yareeya daldalooda, Waxay wajiga ka qaadaa saliida badan iyo wasakhda.

  1. Isku qas 2 qaado oo sonkor ah 1 qaado oo saliid saytuun ah iyo dhowr dhibcood oo biyaha liin dhanaata ah. Si tartiib ah ugu xoq mudo 20 ilaa 30 il biriqsi ah kadibna iskaga mayr biyo qabow. Toddobaadkii 1 goor ayaad sidaan samayn kartaa.
  2. Sidoo kale waxaad isku darsan kartaa liin dhanaan malab iyo xooga sonkor ah. Wajiga ku daliig oo u dhaaf mudo 10 daqiiqo ah kadibna iska mayr.

Kicisada burka (baking soda)

Saliida badan, wasakhda iyo jeermiska ayay ka nadiifiisaa maqaarka, waxay jirka u samaysaa waxaa loo yaqaan “pH balance”, waxay yareysaa finanka iyo nabraha maadama ay la dagaallanto bakteeriyada iyo hurka.

  1. Isku qaso 2 qaado oo kicisada burka ah iyo biyo diirran.
  2. Si tartiib ah oogu xoq jirka
  3. Ugu dambeyn biyo qabow iskaga mayr.

Casiirka liin dhanaanta:

Liin dhanaanta waxaa ku jira aashito yareysa muuqaalka daldaloolada. Waxay hagaajisaa muuqaalka dubka, waxayn ka qaadaa madowga nabrahu ay wajiga ku reebaan.

  1. Waxaad isku darsataa 1 qaado malab dabiici ah iyo casiirka liin dhanaanta. Wajiga marso, Sug 10 ilaa 15 daqiiqo kahor intaadan iska mayrin. Sidaan samee maalin kasta ugu yaraan mudo 1 bil ah.
  2. Taa beddelkeeda, waxaad isku qasan kartaa 2 qaado oo casiirka liin dhanaanta ah iyo casiirka yaanyada. Wajiga marso oo u daa 10 ilaa 15 daqiiqo. Ku celceli maalin kasta ama 3 goor toddobaad kasta mudo hal bil ah sida aad u hesho natiijo aad ku qanacdo.

Waxaad isku uumin kartaa biyo kulul, uumiga wajiga waxuu caawiyaa inuu furo daldaloolada isla markaana uu baabi’iyo nabraha iyo burooyinka. Waxaa iyaduna muhiim ah inaad si fiican iska dhaqdo turukada ama make up habeen kasta ka hor intaadan seexan.

Check Also

quruxda maqaarka, caafimaadka maqaarka

10 Cunto Oo Si Weyn U Xoojiya Caafimaadka Iyo Quruxda Maqaarka

Maqaarka oo ah lakabka kore ee jirka waa qayb xasaasi ah, sida la mid ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *