Daryeelka Wajiga Ee Subaxdii (KOBCI QURUXDAADA)

  1. Subixi marka so kacdo ka bilaaw inaad cadeyso ilkahaaga waa tan ugu muhiimsan inaad sameyso.

2. Wajigaga inaad nadiif ka dhigto adigoo isticmaalaya face wash ama cleanser tani wsa muhiim hadii ad rabto waji qurxoon waa inad ku dadaasha inuu wajigaga nadiif ahaado. Haku seexan turukada ama make up ka.

3. Subixi ku biloow biyo inaad cabto adigoo waxyar oo liin dhanaan ah ku dhibcinaaya ama malab jirkaaga wax badan ayey ka hortageysa malinta ugu yaraan cab hal liter biyo ah wax badan ayey ka difaacayan sida  finanka iwm.

 

4.  Haka tagin quraacda maxaa yeelay saacado badan ayaad huruday jirkaaga wuu baahanyahay waxaa muhiim ah quraac caafimaad leh inaad cunto. Si aad u gudato howl maalmeedkaaga jirku waxaa u baahan yahay tamar sidaa awgeed quraacdu waa lagama maarmaan.

Akhriso: Muhiimadda quraacda

5. Jimicsi waa muhiim, isku day inaad malinti 30min oo jimicsi ah sameyso ama yoga inad ciyaarto. Daraasado la sameeyay waxaa lagu arkay in haweenka subaxdii jimicsada ay habeenkii ka hurdo fiican yihiin kuwa kale.

Hadii aad  qurux u taqanno kaliya inad cream marsato hadaba waad khaldantahay raac talooyin wax badan ayaad ka faaideysaa insha Allah.

Check Also

sida ilkaha loo cadeeyo,

Sida Ilkaha Loo Cadeeyo Iyo Waxyaabaha Ugu Fiican Ee La Isticmaalo

Dhoolla caddeyntu waa qeyb shakhsiyadaada ka mid ah balse haddii ilkahaagu ay jaalle ama huruud …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *