Faa’idada Timirta Iyo Ahmiyada Ay U Leedahay….

Timir, date, sweet, date fruit, faa'idada timirtaFaa’idada Timirta:

Tijaabo iyo cilmi baadhis lagu sameeyay timirta waxaa lagu ogaaday in timirta laga helo faaiido iyo waxtar iyo dheef badan oo aan la koobi karin. Waxaad hoos ka akhrisataan waxtarka badan ee timirtu leedahay. Waxaa la odhan karaa timirtu waxay daawo u tahay wax kasta. Waana cuntadii Rasuulku (scw) ugu jeclaa.

Waxaa ka mid ah iyadoo dhinta ama yaraysa kalastaroolka dhiigga ku jira sabatoo ah waxaa timirta laga helaa maaddo la dhaho Pectin oo halbowlaha dhiigga ka ilaalisa inuu isku dhego ama xidhmo kadibna uu joogsado wareegga dhiiggu.

Sidoo kale, timirta waxaa ku jira maaddo kale oo la dhaho fluorine (fluoride) taasoo ka hortagta suuska ilkaha
Timirtu waxay jidhka (jirka) ka difaacdaa ama ka dhawrtaa sunta waayo timirta waxaa laga helaa saddex maaddo oo caafimaadka u roon kuwaasoo kala ah sodium iyo potassium iyo weliba vitamin C.

Timirta waxaa ku jira saddex maaddo oo kala ah iron iyo copper iyo vitamin B. Kuwaasina waxay daawo u yihiin aniimiyada ama dhiig yaraanta (anemia).

Timirta waxaa kale ku jira labo maaddo oo kala ah calcium iyo phosphorous iyo vitamin A. Kuwaasina waxay daawo u yihiin cudurka carruurta ku dhaca ee loo yaqaan (rickets) kaasoo lafahooda ka dhiga jiljileec iyo tamar darri ka dhalatay vitamin D la’aan.
Timirta waxaa ku jira maadada magaceedu yahay potassium taasoo daawo u ah oon diidnimada ama rabitaan la’aanta cuntada iyo weliba marka qofku fakerkiisa meel isugu keeni kari waayo (lack of concentration).

Timirta waxaa ku jira maadada la dhaho magnesium taasoo daawo u ah daciifnimada iyo tabar-darrida iyo boodboodka ama garaaaca wadnaha.
Waxaa kalee timirta ku jira maaddo loo yaqaan boron taasoo daawo u ah cudurka tufta ama lafo xanuunka (rheumatism) iyo cudurka kaansarka ee maskaxda gala.

Timirtu waxay baajisaa oo ka hortagtaa cudurka kaansarka ee ku dhaca mindhicirka ama xiidmaha.
Waxay kalee timirtu ka hortagtaa cudurka bawaasiirta isla markaana waxay yaraysaa in xammeetida dhagxanyo ku samaysmaan. Sidoo kale waxay fududaysaa marxaladaha uuraysiga ama uur bixinta iyo dhalinta iyo muddada umuluhu ku jiraan umulbixinta. Sidaasna waxaa u sabab ah timirta waxaa ku jira maaddo miraha laga helo oo dheef-shiidka cuntada sahal ka dhigta.

Timirta waxaa ku jirta maaddo la dhaho boron taasoo waxtar wayn u leh ragga ay ku dhacdo awood darri iyo hawlgabnimo ku saabsan raganimada iyo galmada.

Timirtu waxay daawo u tahay jidhka engaga iyo indho habeenada ama qofka aan waxba arki karin waqtiga habeenimada.
Waxaa kalee timirta laga helaa vitamin B2 taasoo daawo u ah dheef-mareenka ama (digestive system).
Waxaa intaas sii dheer, timirtu waxay daawo u tahay timaha daata iyo indho-daalka iyo cirrid-dhiiga ka dhasha fiitamiin C la’aan iyo weliba xiiqda iyo lafo jileeca.

Timirta waxaa laga samayn karaa daawooyin iyo fiitaamiino iyo kiniini dila jeermiska iyo baakteeriyada cudurada keenta kuwaasoo lagu daawayn karo cudurada kor ku xusan..

Faaiidooyinka kor lagu sheegay ayay timirtu leedahay ee markaa yaan loo daymo la’aan.

Check Also

cabitaano dabiici ah, subaxdii, aroortii

Cabitaanno Ku Wanaagsan In Qofka Uu Cabbo Aroortii Oo Uu Maalintiisa Ku Bilaabo

Dadka u diran caafimaadkoodu waxa ay marar badan ka fikiraan cabbitaanka caafimaad ahaan ugu fiican …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *