Cafiska Waa Qeyb kamid ah Caafimaadka Nolosha Aadanaha

Cafisku waa shey qaali ah waa wax loo baahan yahay in laysa saamaxo oo lays cafiyo waayo cafiska waa qeyb kamid ah nolosha baniaadanka.

Cafiskana wuxuu lug ku lee yahay jaceylka waayo qof aan waligii wax saamixin ama cafin wax ma jeclaado.haddaad saamaxdo dadka waxay ahaanayaan kuwo ku leh oo mar walba kugu tashada.

Soomaaalida waxay tiraadaa JACEYLKU WUXUU KU NOOLAADAA BIXIN IYO CAFIS NAFTUNA WAXAY KU NOOLAATAA HELID IYO ILOWSHO sidaa ay tahay waxaa yar dadka maantay wax cafiya waa dadka maantay iskuma kalsoona mana aaminsano ereyga cafis waxa uu yahay.

Cafiska ama saamaxa waa qeyb kamid ah naxariista waaayo in lays cafiyaa xitaa dhanka diinta waa ay ka banan tahay, hadaba raaac qodobadaan soo socda sida aad u baratid cafiska waxa uu yahay iyo si aad u saamaxdo saaxiibtaa ama saaxiibkaa qalad kaa galay.

1. Cafiska wuxuu dhaqaa ama meyraa qalbi bani,aadan wuxuuna cusbooneysiiyaa jaceylka.

2. Cafiska waa midka horseeda nabada, jaceyl iyo wuxuu isku furaa qalbiyada labo qof.

3. Cafisku wuxuu nuur ka shidaa qalbiyada kala fogaaday mudo wuxuuna sifeeyaa wixii hore oo dhan waa dhadhanka qalbiga iyo jadiidinta qalbiyada.

4. Qof cafiska badan wuu ka naxariis badan yahay dadka kale wuuna ka karaamo badan yahay,

5. Cafiska qofka wuxuu la eg kaan karaa inta uu la eg yahay jaceylkiisa.

Hadaba cafiska sida aad aragtaan waa shey shay qaali ah loona baahan yahay in laga dhex helaa bulshada dhexdeeda iyo guud ahaan lamaanaha isjecel ee khilaafka hareeyey.

Wallow ay waahan sida ba.an usoo kor dhaayeen dadka is qabqabsada oo qilaafkooda baday.
Cafiska waa qeyb ka midda samirka waxaana yaraanaya dadka samirka badan hadii uu samirka badan lahaay oo qilaafka yaraan lahaa cafiska waa yaraan lahaa.

Talo ahaan aniga qoraalkaan waxaan ku cadeynayaa in cafiska uu leeyahay sharuudo loo baahan yahay in la maro mooyee aysan aheyn waan ku cafiyey ama waan ku saamaxay.

1. Ha ku cel celin in aad cafisay saaxiibtaa ama saaxiibkaa qalad kaa galay waayo wuxuu noqonayaa mid faan ah oo istustus ah.

2. Ha xasuusinin wixii aad ka cafisay ha sheeg sheegin in aad tahay mid wax cafiyey

3. Ha kula kaftamin in aad wax ka cafisay oo iska dhig qof aan waliigii uu san qalad ka galin saaxiibtaa ama saaxiibkaa.

W/Q: C/qaadir Maxamed Sheekh Sabriye

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *