Barbaarinta Carruurta WQ: Dr Ahmed Isse Mohamud (xiin)

barbaarinta carruurta ubadka qoyskaBarbaarinta carruurta.

Waa maxay barbaarin?

Barbaarintu waa in shay si tartiib tartiib ah loo kordhiyo (badiyo) illaa la gaarsiiyo dhammaystirnaan ( heerka ugu sarreeya). Haddaan ka eegno dhanka barbaarinta ubadka waa in ilmaha saddex meelood oo go’aaminaya hab_dhaqankiisa si isu dheelli tiran looga koriyo illaa meesha ugu sarraysa ee suura gala la gaarsiinayo; 1. Waa in laga koriyaa ilmaha jirka 2. Garaadka iyo 3. Nafsada ( waxyaalaha uu aaminsanyahay oo uu gudaha ka dareemayo).

Waxay dadka qaar ku qeexaan barbaarintu inay tahay:- isku dhafidda qofka iyo deegaankiisa. Qaarna waxay ku tilmaamaan :- ruuxa oo lagu biiriyo dhammaan waxyaabaha dhammays tiri kara noloshiisa, qurxin kara jirkiisa, korna u qaadi kara shakhsiyadiisa iyo hab_dhaqankiisa.

Haddaba barbaarintu waa habka ay bulshadu isugu gudbiso hiddaha, dhaqanka iyo ilbaxnimada.

Waatahaye waa maxay miisaanka loo baahanyahay in la saaro barbaarinta lagu guulaysan karo?

Aniga aragtidayda waa inay yeelataa tilmaamahan soo socda..

  1. Waa inay tahay mid guud oo bulsho weynta ka dhaxaysa, gurboodka da’da yarna ku dhiiri galinaysa inay noqdaan bulshaawiyiin dadka kale soo dhaweeya kuna dhafmi kara.
  2. Waa inay tahay mid kulansanaysa dhammaan dhinacyada nolosha ee aan hal dhinac u janjeerin.
  3. Waa inay tahay mid isu miisaaman, is ogol oo aan is burinayn.
  4. Waa inay tahay mid furfuran oo la jaanqaadi karta duruufaha iman kara iyo gooraha kala duwan.
  5. Waa inay tahay mid sii jiri karta, waafaqsan diinta iyo dhaqanka bulshada.
  6. Waa inay tahay mid ilmuhu fahmi karo kuna qanci karo.
  7. Waa inay tahay wax suura gala in lagu dhaqmo.

Haddaba waa sidee sida ugu habboon ee lagu barbaarin karo ilmaha loona gaarsiin karo heer sarreeya si uu u rumeeyo rajooyinkii laga lahaa?

Si fudud haddaan kaaga jawaabo waa in ilmaha la siiyaan madax_bannaani (xorriyad) xigmadaysan, sidee?!.

Waa in ilmaha loo oggolaadaa inuu wax doorto waxna diido… aan soo qaato tusaale aad ila fahmayso; geela waad u aroorin kartaa ceelka hayeeshee kuma khasbi kartid inuu biyaha cabbo. sidaas oo kale ilmahaaga dhan waa u jahayn kartaa balse khasab kagama dhigi kartid inuu noqdo sida aad la rabto! marka soo kama fiicnaan lahayn inaad isaga ku caawiso sida uu doonayo haddaysan dhaqanka iyo diinta ka hor imaanayn? uummmmmmm

Waayahaye haddii ilmihii aan xorriyad siiney waa maxay kaalinta waalidku ku yeelanayo barbaarinta ilmaha?

Inta aanan wax kaa oran kaalintaada aabbe/hooyo waxaan jeclaystay inaan kula wadaago dhawr qodob oo muhiim u ah barbaarinta caruurta.

  1. Waa inaad ilaalisaa badbaadada ilmaha jirkiisa, naftiisa iyo caqligiisa. Ha u qaadin gacantaada khalad kasta oo uu galo, garaaciddu marna ma keento wanaag. Ilmaha oo la garaaco waxay keentaa inuu baqo, baqdintuna waxay keenaysaa inuu been sheego si uu u badbaado, beentuna waxay keeni kartaa in ilmuhu shakhsiyadiisa dhabta ah aadan baran oo markuu kula joogo kuu muujiyo muuqaal ku raali galiyana oo ishaada uun iska ilaaliyo.
  2. Ilmahaaga ku kori jacayl, mar kasta dhiirri gali, ammaan markuu wanaag sameeyo, u hambalyee, abaal marinna sii.
  3. Haddii uu ilmahaagu khaldamo isku day inaad ogaato waxa ku kallifay, dareensii inaadan ku faraxsanayn waxa uu sameeyey, haddii uusan intaa kaga joogsan waani oo uga dig halista adoo u sharraxaya dhibta uga imaan karta haddii uu sidaa kusii socdo, intaa ka dib haddii uu wax kaa qaadan waayo ku ciqaab inaad ka joojiso waxyaabihii aad siin jirtay; tusaale ahaan taleefoonka ka qaad ama telafashinka ka xaree ama abaal marin aad siin jirtay ka jooji hayeeshee markasta waa inaad u eegtaa khaladka uu markaas galay oo kaliya…. Laakiin khaladaad hore ha usoo qaadan, ha garaacin, canaantana haku badin.
  4. Ilmahaaga waxaad ku barbaarisaa inuu dhaho (MAYA MA DOONAYO WAXAAS) marka aad usoo jeedinayso talooyinka, taas macnaheedu maaha inuu ku caasiyey haddii uu diido waxa aad adigu doonayso. Ilmuhu hadduu waalidkii waxaas MAYA oran karo, cid kalana kuma khasbi karto wuxuusan doonayn laakiin haddii waalidku kusoo koriyey wax kasta inuu HAA iska dhaho wuxuu noqonayaa
  5. Ilmahaaga wax sii markuu ku weydiisto, ogow haddaa u diido wuxuu ku helayaa wuxuu u baahnaa waddo aan sax ahayn markaasna taladu gacantaada waa ka baxaysaa. Ilmaha oo aan la siin waxa uu doonayo ama lagu suququriyo waxay keentaa inuu barto dhaqamo xun sida xatooyo iyo wax is daba maryeyn.
  6. Ilmahaaga la saaxiib lana qaado waqti aad ku sheekaysataan si aad u ogaato baahiyihiisa, caqabadaha haysta, waxyaaba uu ku fiicanyahay iyo kuwa uu ku liito….. dareensii inaad jeceshahay kana fakartid.
  7. Haku tilmaamin ilmahaaga qof liita ama dammiin ah haddii uusan waxbarashada ku fiicnayn laakiin weydii halka laga haysto oo ka caawi inuu is badalo, ha uga sheekayn sheekooyin niyad jabinaya sida halyey guul darraystay ama qof aan dadaalin oo guulaystay… markasta u sheeg inay guusha gaaraan dadka dadaala caqligoodana ka faa’iidaysta.

Haddii aan usoo laabto kaalinta waalidka waxaan kusoo koobayaa inuu yahay caawiye laakiin aanu masuul ka ahayn guusha ilmihiisa. Ilmaha u sheeg xuquuqda uu kugu leeyahay iyo waajibka isaga saaran. Waxaa intaa u dheer waalidka inuu markasta oo uu ilmuhu waajibkiisa guto uu u hambalyeeyo, dhanka kale markasta oo uu ilmuhu ka gaabiyo gudashada waajibaadkiisa waa inuu waalidku dhiiri galiyaa xasuusiyaana hawsha u taalla.

 

Barbaarinta dadku waa shaqo adag una baahan wakhti badan iyo dulqaad, sidaa darteed waa inuusan waalidku yaraysan.

Dadku waa noolaha qura ee haddii noloshiisu burburto dib u dhisi kara, haddaba imminkaba bilow inaad badasho habka aad ula dhaqanto ilmahaaga.

Dhanka diinta haddaan ka eegno barbaarinta islaamku waa mid ku dhisan naxariis, wax isa siin, jacayl iyo is qadarin. Nabigeenna suubbane Muxammad (NNKH) waligiis ilmo ma garaacin haweyneyna gacan uma qaadin, miyeysan mudneyn haddaba inaad ku dayato? Haa dabcan….

Gunaanad

Ilmuhu marka uu dhasho wuxuu ku dhashaa fidrada rabbaaniga ah ee saxan wuxuu waalidka uga baahanyahay oo kaliya inuu jiheeyo oo waddooyinka kala tuso sidaa darteed ilmahaaga waxaad kula dadaashaa inaad ka koriso saddex meelood oo kala ah; JIRKA adoo siinaya cunto isu dheelli tiran una oggolaanaya inuu ciyaaro, waa inaad ka korisaa CAQLIGA adoo waxbaraya kuna dhiiri galinaya inuu ka shaqaysiiyo maskaxdiisu si uu u xalliyo caqabadaha soo food saari kara, waa inaad u koriso RUUXI ahaan adoo dhisaya dareenkiisa oo ka abaal marinaya waxyaabaha wanaagsan ee uu sameeyo.

WQ: Dr Ahmed Isse Mohamud (xiin)

Check Also

sidee caruurta ugu barbaarin kartaa akhriska

Sidee Caruurta Loogu Barbaarin karaa Akhriska?

Iyadoo  bulshyiinka soomalida lagu xanto umadaha aan qiimayn akhriska iyo qoraalka, laguna tilmaamo ‘bulsho hadasha’, ayaa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *