Astaamaha Lagu Garto Aabaha Wanaagsan

aabaha lagu yaqaan wanaagsan Ku dadaal in qeybo badan oo ka mid ah  qoraalkan aad ku sifoowdo Insha Allaah,Waxa hubaal ah in markaas aad tahay aabe wanaagsan

1) Waxaa lagu yaqan inuu yahay qof Ilaahay kabaqa, Rasuulkiisana raaca.

2) Wuxuu aad uga warqabaa baahida reerkiisa: xagga diinta, maalka, ama mooraalka.

3) Xaaskiisu way ku faraxdaa marka uu guriga soo galo.

4) Waa kan dhisa culuumta iyo caqliga reerkiisa, isla markaasna saxa caadooyinkooda.

5) Ma ahan mid dila xaaskiisa, ma caayo, mana xaqiro.

6) Makeeno gurigiisa shay aan Ilaah raalli ka ahayn, mana geeyo reerkiisa goob Alle uusan jeclayn.

7) Waa kan had iyo goor daaweeya qalbiga xaaskiisa.

8) Marka uu maamulayo arrimaha reerkiisa, ma ahan BAKHIIL iyo XAASID.

9) Ma aha qof neceb qaraabada xaaskiisa (sabab sharci ah la’aanteed).

10) Kama hagrado xaaskiisa waxa nafteeda u roon oo aadduunyo ah (awoodiisa)

11) Waa kan xusuusta rabbigii abuurtay markuu maamulayo reerkiisa.

12) Wuxuu had iyo jeer ka dalbaa cafis xaaskiisa, maadaama uusan dhammayn Karin xaqeeda.

13) Waa kan ugu yeera xaaskiisa naynaasaha tan ugu wanaagsan.

14) Maalka reerkiisu u baahi qabo waakan aan ku bixin meelo kale oo aan fiicnayn.

15) Waxaa lagu yaqaan in xaaskiisu ku xiran tahay, gabdhaha AKHLAAQDA iyo DIINTA ku sifoobay.

16) Gurigiisa waxaa laga yaqaan jacaylka islaamka iyo ehelkiisa.

17) Kuma yiraahdo xaaskiisa “Waad fool-xuntahay & Waan ku-necbahay”.

18) Sidoo kale ma habaaro xaaskiisa.

19) Markay jirran-tahay iyo markay culus-tahay wuu u-khidmeeyaa xaaskiisa.

20) Waakan ka abaal mariya ugana mahad naqa xaaskiisa dadaalkeeda.

21) Wuxuu baraa carruurtiisa xaqa hooyadood iyo in ay u shaqeeyaan.

22) Wuxuu u caddeeyaa xaaskiisa in gurigu iyada ku taagan yahay.

23) Waa kan tusa xaaskiisa in isaga waalidkiis iyo iyada keedu isku mid u yihiin.

24) Makeeno gurigiisa MARTI xun.

25) Wuxuu dhisaa diinta xaaskiisa iyo ubadkiisa.

26) Ficil xun iyo hadal xun kuma horsameeyo reerkiisa.

27) Waxaa lagu arkaa reerkiisa goobaha khayrka sida: MASAAJIDKA & MALCAAMADA.

28) Ciyaalkiisu lama aha saaxiibbo kuwa dhaqanka iyo diinta gurracan.

29) Kama shaqeeyo meel xaaraan ah, gurigiisana lagama cuno..cunto xaaraan ah.

30) Mageeyo reerkiisa goobaha lagu-so- jeedo iyadoo Ilaah lacaasinayo.

31) Gurigiisa lagama xirto dharka qarriban.

32) Reerkiisu madhibo dariska mana sheegaan beenta.

33) Wuxuu ka-fakaraa danaha Muslinka iyo Soomaalida.

34) Qawl-kiisa iyo ficilkiisu waa isku mid.

35) Ma aha qof ku takhasusay qurxinta QABYAALADDA.

36) Xaaskiisu ugama baqdo sidii dhurwaaga oo kale.

37) Ma aha qof caro badan oo dabeecad xun.

38) Waa nin badanaaba gurigiisa laga helo.

39) Waa kan aan ka-fakarin calooshiisa, dharkiisa iyo hurdadiisa oo kaliya.

40) Dadka ma xanto, ma jaajuuso sidoo kale iskuma diro.

41) Waakan xaaskiisu u sheegan karto waxa baahideedu tahay, dhakhsana uga hesho.

Check Also

dhareerka caruurta

Dhareerka Caruurta Ee Siyaadada Ah

Waa Maxay Dhareerka Caruurta? Calyada waxay qabataa howlo lagama maarmaan ah. Waxay muhiim u tahay …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *