10 Astaamood Oo Lagu Garto Macalinka Wanaagsan Ee Soo Saara Arday Mustaqbal Leh

Ku dhowaad toban gu’ oo aad tamaashiirta sidataa, sida aan qabo, waayo-aragnimo way kuugu filan tahay. Ubaxa aad cilmiga ku habto, hor jooggooda waa lagu jimidh yaraadaa

Sida lagu doodo. Tacliintu sare uma kacdo mana siraadato ilaa guddi aqoonyahanno ahi manhaj tayaysan salka u dhigaan, ka dibna barayaal u tababarani ardayda ku haloosiyaan. Hadda ganacsi ahaan ayaa loola dhaqmaa, dhulkeenna waxaan carruurteenna loo soo waaridaa manhajyo qalaad sida England, Kenya, India iyo kuwo kale oon aan ku habboonayn dadkan, goobtan iyo goortan, waa se arrin in laga tashado u baahan iyadana uma socdo ee jaarkeeda ayaan u jeedaa maanta.

Loo baraha (waalidka) doorkiisu waa ka war hayn halka ay wax marayaan iyo in kale oon sidaa u sii wayneyn.

Bartuhu (ardaygu) waa in uu maalaa maskaxda macalinka ee godlatay, jeerkaasna ka dhawraa qaniinyada (sida sheekada iyo qosolka fasalka dhexdiisa) si aanu uga gaagixin, balse yar gujiyaa si uu u dararo, isagoo kaashanaya aamusni iyo ixtiraam.

Baruhu waa wastaad dhisaya ummad ama jiil korriin jodheed iyo koboc maskaxeed u socdo. Nebbi Maxamed ayuu ahaa macalinkii ugu weynaa ee dunida soo mara sida xataa gaalku qirayo. Soddon jis oo Qur’aan ah ayuu ku shubay quluub uu shirki dishooday. Hab-dhaqan dhammaystiran ayuu baray ummada islaamka.

5ta October baa loo asteeyay inay noqoto maalinta macallimiinta adduunka. Cidda u astaysay, sababta iyo goorta adaa raadsan! Wuxuun baan jeclaystay inaan halkan ku soo gudbiyo tobaneeyo astaamood oo baraha wanaagsan leeyahay/leedahay.

  1.  Waa mid takhasus u leh laan-aqooneedda uu dhigayo.
  2. Wuxu u tababaran yahay sida loo gubiyo aqoonta.
  3. Waa mid dabeecad wanaagsan oo furfuran.
  4. Waa mid ardayda dhexdooda u caddaalad fala.
  5. Firficoonidu isagay ka bilaabantaa.
  6. Maaha keligii taliye ay ad-adkaanta ugu baxdo, ardayduna qallafsanaanta ka barato.
  7. Wuxuu leeyahay awood uu ku hanto dareenka iyo qalbiyada ardayda.
  8. Wuxu dhaxanta ka duuliyaa ardayda marka ay caajis dareemaan.
  9. Waa mid ka fogaada erayo faan iyo isla wayni ka muuqato.
  10. Ku dhac ayaa u leeyahay su’aashaa ma garanayo, waan soo baadhi doona idina sidoo kale.
  11. Waa cinjir laablaabmi kara, la dhaqmi kara oo wax fahamsiin kara arday kala awood faham iyo adkeysi duwan, kala dabeecad iyo dulqaan fiican, kala han iyo hayn gadisan.
  12. Wuxu la socdaa xaalada iyo dareenada nafsadeed ee dhalinta wiilal iyo gabdhaba leh.

W/Q Maxamed Cabdi Cali-Hayaan

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *