7 Qaab Oo Loo Baabi’in Karo Madowga Kilkilaha

Madowga fuula maqaarka kilkilaha inta badan ma ahan cudur ama xaalad caafimaad darro. Sababaha keena waxaa ka mid ah, xiirida timaha kilkilaha kasoo baxa,  kareemada timaha baabi’iya oo si joogto ah loo isticmaalo, kilkilaha oo aan helin hawo ku filan, unugyada haraga dhintay iyo isticmaalka catarada/baraafuunada ay ku badantahay maadada loo yaqaan alcohol.

Si fudud ayaad uga takhalusi kartaa madowga kilkilaha adigoo isticmaalaya waxyaabahaan dabiiciga ah ee aanan lahayn wax dhibaato ah ee uu daryeelmagazine.com halkaan ku soo gudbinayo.

Baradho:baradho madowga kilkilaha

Baradhadu waxay ka mid tahay waxyaabaha dabiiciga ah ee la isku cadeeyo mana lahan cuncunka maqaarka ee ay keenaan kareemada kiimikada ah ee la isku cadeeyo.

  • ku masax kilkilaha jeex baradho ah oo khafiif ah

Qajaarka:qajaarka 1

Sida baradhada, qajaarkuna waxaa uu ka mid yahay waxyaabaha dabiiciga ah ee la isku cadeeyo, wuxuuna dhalaaliyaa maqaarka

  • Waxaad isku dartaa biyaha qajaarka, huruud budo ah iyo liin dhanaan, kadibna mari meesha madowgu saameeyay. U daa  30 daqiiqo kadibna biyo iskaga mayr.
  • Sidaan samee maalin kasta ilaa aad ka dareemayso isbadal fiican oo ku raali geliya.

Liin dhanaan:liin dhanaan

Liin dhanaantu waxay dishaa bakteeriyada waana sababta loogu isticmaalo in lagu daweeyo dhibaatooyinka maqaarka la xiriira oo uu ka mid yahay madowga kilkilaha.

  • Si aad iskaga qaado unugyada haraga dhintay, kilkilaahaagana aad uga dhigto kuwo dhaldhalaaya,  ku xoq liin dhanaan dhowr daqiiqo.
  • Xeelad kale: waxaad isku qasataa huruud budo ah, malab, yogurt iyo liin dhanaan kadibna marso kilkilaha, sug 10 daqiiqo kadibna iska mayr,
  • Sidaan samee 3 ilaa 4 jeer asbuucii

Akhriso: Faaidooyinka liin dhanaanta iyo sida jirka loogu qurxiyo

 

Kicisada burka:Baking-soda

Kicisada burka (baking soda) waxay ka mid tahay waxyaabaha lagu daaweeyo madowga kilkilaha,

  • Isku qas kicisada burka iyo biyo
  • Ku xoq kilkilaha
  • Iska mayr oo qallaji kilkilaha
  • Sidaan samee dhowr mar asbuucii.

Saliid qumbe :Coconut-Oil

Saliida qumbaha waxa ku jira Vitamin E oo caawiya dhalaalinta kilkilaha, sidoo kale waxay carfisaa kilkilaha

  • Ku duug kilkilaha saliida qumbaha
  • U daa 10 ilaa 15 daqiiqo
  • Saabuun iyo biyo qandac ah iskaga mayr
  • Sidaan samee 2 ilaa 3 goor asbuucii inta aad iska dareemayso natiijo aad ku qanacdid.

Caanaha: caano

Fiitamiinada iyo dufanka caanaha waxay yareeyaan madowga kilkilaha sidoo kale way jilciyaan maqaarka.

  • Isku qas 2 qaado oo caano subag leh (full fat milk) 1 qaado oo bur ah iyo 1 qaado oo yogurt ah.
  • Marso kilkilaha adigoo u daynaya mudo 15 daqiiqo ah kadibna iskaga mayraya biyo qabow.
  • Sidaan ku celceli dhowr mar asbuucii.

Khalka (Vinegar):khalka

Khalku waxa uu dhalaaliyaa maqaarka waxaana uu dilaa jeermiska iyo bakteeriyada sababa urka kilkilaha

  • Isku qas bur iyo khalka
  • Biyo qandac ah ku qubayso kadibna marso alaabtaan
  • U daa 15 daqiiqo kadibna iskaga mayr biyo qandac ah
  • Sidaan samee dhowr jeer asbuucii

Check Also

sida ilkaha loo cadeeyo,

Sida Ilkaha Loo Cadeeyo Iyo Waxyaabaha Ugu Fiican Ee La Isticmaalo

Dhoolla caddeyntu waa qeyb shakhsiyadaada ka mid ah balse haddii ilkahaagu ay jaalle ama huruud …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *