Xeelado Qofka Ka Caawiya Inuu Dhaqso U Gam’o Hurdo Dheerna Uu Seexdo!

Isku day in aad lug keliya ku taagnaato muddo 30 daqiiqo ah:

waa run in aad la yaabi doonta, to shaqadan, laakiin waa hab suuro gelin kara in aad hurdo xasiloon oo dhaqso ah seexato. Marka aad lug keliya ku istaagto dareenkaaga oo dhami waxa uu u jeesanayaa inuu ilaaliyo isu dheelli tirnaanta jidhkaaga, si aanad u dhicin, maskaxda qudheeduna wax kale oo kasta dhan ayaa ay iska dhigaysaa waxaanay u soo jeesanaysaa inay ka fikirto sidii aad uga badbaadi lahayd dhicis, taasi waxa ay keenaysaa in caqligu uu helo waqti firaaqo iyo nasasho ah, sidaa awgeed isla marka aad sariirta seexato waxa ay u dhawdahay inaad dhaqso u lulooto.

Hurdada ka hor caano cab:

Khubaro ku xeeldheer caafimaadka ayaa caddeeyey in Kalshiyaamtu ay nafis u keento culays badanna ka dul qaaddaa neerfayaasha, waxa ay qofka ka caawisaa in uu u seexdo si sidiisii caadiga ahayd ka dhaqso badan boqolkiiba 50, sidoo kale waxa ay Kalshiyaamtu qofka ka caawisaa in uu galo hurdo aad u dheer, si haddaba uu qofku u helo hurdadan waxa lagula taliyaa in hurdada saacad horteed uu cabbo koob diirran oo caano ah.

Neefta isku celi:

Marka aad sariirta jiifsato, si xoog ah neef u qaado, kadibna neefsiga jooji muddo aan ka yarayn 10 daqiiqo, dhawr jeer sidan ku celceli, waayo daraasado la sameeyey ayaa daah-furay in hawsha noocan ahi ay yarayso mashquulka maskaxda, waxa aanay gashaa marxalad u eeg suurid oo ah ta uu qofku galo waxyar uun ka hor hurdada, qofka oo sidan yeela waxa u fududaanaysaa inuu si sahlan u seexdo.

Midabka Buluugga furan ah ogow:

Rinjiga gidaarka marsan oo laga dhigo buluug furan (Samada oo kale) iyo furaashka oo laga dhigo buluug waxa ay kaa caawinayaan inaad dhaqso u hesho hurdo waafi ah. Waxa jira daraasado caddaynaya in midabka buluugga ahi jidhka ka caawiyo in uu nafiso, taas oo keenaysa in uu qofku dhaqso u gam’o.

Duugista Cagaha:

Bogga (Baabacada) faraha cagaha oo aad cadaadiso muddo 30 daqiiqo ahi, waxa ay kaa caawinaysaa in aad dhaqso u lulooto, sababtuna waa in bogga (Baabacada) faraha luguhu ay si toos ah ugu xidhan yihiin maskaxda qofka, cadaadis iyo duugis loo sameeyaana waxa ay qofka ku hagaan hurdo xasiloon.

Urta Cadarka:

Daraasad ay sameeyeen kooxo khubaro ah ayaa muujisay in udugga oo uu qofku isticmaalo hurdada horteed ay gacan weyn ka geysato in uu qofku dhaqso u gam’o hurdo dheerna uu seexdo.

Kamaal Marjaan

Check Also

ilowga badan, hilmaanka,

Sida Looga Hortegi Karo Illowga Badan

Illowgu waxa uu ka mid yahay xaaladaha caanka ah ee lagu arko qofku marka uu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *