6 Dukumeenti Oo Lagama Maarmaan U Ah Ganacsi Kasta

Ganacsigu maanta waxa uu u kobcayaa si xawaare ah oo heer sare ah. Sidaas darted waxaad u baahan tahay inaad bixisid oo aad samaysid siyaasadaha saxda ah iyo waraaqaha(documents) si aad u hubiso in qof kasta oo ku lug leh ganacsiga uu ogyahay waxa laga filaayo oo laga doonaayo. siyaasadaha saxda ah iyo dokumeentiyada waxa ay ilaalinayaan oo kuu xifdinayaan ganacsigaaga.

1: Heshiisyo (contracts)
Waa fikrad fiican in la sameeyo heshiis marka aad la gelayso heshiis qof kale. Xaaladaha qaarkood, email ayaad ku smayn kartaan shuruudaha heshiiska wayna ku filan tahay.

Waxaana haboon in si fiican loo sameeyo oo laga fekero qodobada uu ka koobanyahay heshiisku waxaana inta badan la rabaa in ay ku qanacsanyihiin labada dhinac.

2: Siyaasadda soo celinta (refund policy)
Marka aad bixinayso badeeco/alaab ama adeeg, waxaad badanaa u baahantahay siyaasadda soo celinta. Samaynta siyaasad soocelineed oo ah mid cadaalada oo dadku isku halleeyaan waayo waa qayb aad iyo aad muhiim u ah gaaritaanka guusha.

3: Siyaasadda gaar ahaaneed (privacy policy)

Ma leedahay Siyaasadda gaar ahaaneed? Siyaasadda gaar ahaaneed waa muhiim haddii aad qorshaynaysid inaad xog kasoo aruuriso soo booqayaasha website-ka ganacsigaaga iyo macaamiishaada. Waxaad kaloo fiirin kartaa ganacsiyada kale website-yadooda si ay kaaga caawiyaan inaad samaysato Siyaasadda gaar ahaaneed iyo qaababka loo sameeyo.

4: Heshiistka aan xirmayn (Non-Disclosure Agreement)

Heshiistka aan xirmayn waa dokumeenti uu ganacsigaagu u baahanyahay haddii aad qorshaynaysid inaad la shaqaysid kuwa kale, kuwaasoo awood u leh inay helaan xogtaada iyo badeecooyinkaaga kuwaasoo aad rabtid inaan lagaa arag.

5: Qorshaha ganacsiga (business plan)

Hubi inaad ogtahay meeshaad dhigaysid dukumeentigaan. Qorshaha ganacsi ee saxda ahi maku siinaayo jiho oo keliya, laakiin waa mid ka mid ah dukumeentiyada uu u baahanyahay ganacsigaagu haddii aad rabtid inaad qof ka dhaadhiciso inuu kuu maalgeliyo ganacsigaaga.

Dukumeentiga ah qorshaha ganacsiga waa dukumeenti aad iyo aad mihiim kuugu ah, waana inaad fahansantahay waxyaalaha ku jira qorshaha ganacsiga iyo sida loo qabto.

6: Siyaasadaha kala duwan ee la xiriira shaqada iyo shaqaalaha (Various HR-Related Policies)

Ma leedahay dhamaan siyaasadaha lagama maarmaanka ah ee la xiriira shaqada iyo shaqaalaha kuwaas oo aad ku sharaxaysid waxa aad ka filaysid shaqaalaha? Waxaana ka mid ah siyaasadahaan:

1: Siyaasadda tacadiyada jinsiyeed

2: Siyaasadda warbaahinta bulshada

3: Siyaasadda xiriirada warbaahinta

4: Siyaasadda ka hortagga dembiyada

5: Siyaasadda faa’iidooyinka iyo magdhowga

6: Siyaasadda akhlaaqda

Check Also

suuqgeynta

Xeeladaha Suuqgeynta Ee Ay Ganacsatadu Isticmaasho

Qofka bani’aadamka ah dhaqankiisa iyo go’aankiisaba waxaa si aanu dareemayn saamayn ugu yeesha, hadba deegaanka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *