5 Sifo Oo Lagu Garto Qofka Liibaana

5 sifo oo lagu garto qofka liibaanaLiibaantu shan sifo ayay ku jirtaa? Adigu ma leedahay shantaas?

1)       Daacadnimo:  In qofku ahaado mid u faydan oo soo qaabilay daacada Alle SWT, waa qof u tafa xaydan Daacada Alle iyo cabaadasiisa oo marnaba aan ka daalayn naftiisuna jeceshahay wuxuu u jecelyahay daacada Alle sida qofka aadka u haraaday u jecelyahay biyaha qabow ama si ka sii badanba, hadii la eedaamo waysadiisu waa diyaar hadii la soomayo waa ku sii farxayaa soonta oo u sii diyaar garoobayaa hadii la xajjayo oo uu karo wuu sii goosanayaa Tigidhka goor horeba, hadii sadaqad la bixinayo wuu bixinayaa oo ku bakhayli mayo, hadii ay noqo waalid u samo fal cid uga dheeraynaysaa ma jirto, isku soo duuduuboo daacada ayuu u faydan yahay una adkaystay kuna sabarayaa Alle ha inaga dhigo noocaas.

2)       Waxtare:  Waxtarkiisu wuu muuqdaa, waa sifada labaad adoonka fiicani waa wax tare wuxuu u faa’iideeyaa umadiisa dhinac kasta oo wanaagsan, hadii uu yahay sheikh umadiisa ayuu khayrka ku wacdiyaa haduu yahay maal qabeen maalkiisa walaaladii ayuu wax ka taraa haduu yahay macalin ardaydiisa ayuu si fiican wax u taraa xaga cilmiga, hadii uu yahay shaqaale shaqada umada ayuu si daacada uga shaqeeyaa, hadii uu yahay masuul umadiisa ayuu si fiican uga soo baxaa masuuliyada ay u dhiibteen, hadii uu yahay qoraa umadu waxay faa’iido ka heshaa qoraalkiisa iyo xikmad, shaqo kasta oo uu qabanayo waxaa  ka muuqata waxtar umadu mahadiso oo lagu jeclaado.

3)      Sharkiisaa laga nabad galaa: qofka fiican wuu iska ilaaliyaa sharka iyo inuu umada shar ku sameeyo  waxaa ka nabad galay umada, wuxuu ku mashquulaa ceebtiisa oo ceebta dadka kale uma muuuqato, waa qof u faydan mar kasta inuu awdo wixii dhaliilihiisa ah oo dadkana astura wixii dhaliilahooda ah, nasiib darada maanta taagan waxaa weeye qofkastaa wuxuu leeyahay waxaan ahay qoraa magac wayn leh laakin marnaba qofkaas qoraaga ahi umadii ma nabad gelinayo oo sharkiisii laga badbaadi mayo, bal u fiirso walaalayaal website-yadeena maxay ka shaqeeyaan maanta reer  hebel iyo reer hebel siyaasi hebel oo siyaasi hebel u  jawaabay beel hebla oo beel hebla cayday subxaan alaah qofka muslimka ahi waa qofka muslimiintu ka nabad galeen afkiisa iyo  carrabkiisa aynu noqono kuwa sharkooda laga nabad galo oo ceebtooda ku mashquula een ceebaha dadka kale ku mashquulin.

4)       Qaanic: Qofka oon hungurayn waxa dadka kale leeyihiin: sifada  afraad ee qofka fiican uu leeyahay waa inuu ka quustaa dadka waxa gacantooda ku jira uuna jeclaystaa oo doonaa wixii gacanta Alle ku jira, taas macneheedu waxaa weeye inuu ka dheeraado qofka fiicani musuqmaasuq laaluush qaadasho ,boob dhac iyo wixii la mida, waa inuu dadka u daayaa hantidooda xoolohooda iyo sharaftooda ,isaga Illaahay ayaa rizaaqay iyagana ilaahay ayaa rizaaqaya, maaha inaad ka xaasido wax ilaaahay walaalkaa siiyey waa inaad tidhaahaa markaad walaalkaa ku aragto wax wanaagsan ama cilmi u dheeryahay ha noqoto ama maal  uu ku dheeryahay ha noqoto waa inaad tidhaahaa: maasha Alaah laa quwata Illaa bilaah.walaalow ka quuso waxa dadku gacanta ku hayaan oo tuugso waxa Alle gacantiisa ku hayo.

5)      Geerida u diyaar ah:  waa sifada shanaad ee uu leeyahay qofka muuminka ahi geerida ayuu u diyaar yahay mar kasta waxba dhulka kama yaalaan wuxuu mar kasta ku ducaysanayaa toobad iyo khaatumo wanaagsan oo dariiqeeda uu hayo, wuxuu muuminku ka werwersan yahay waxa kaga sii horeeya qabriga iyo qiyaamaha wuxuu ku ducaysanayaa mar kasta in Illaah u fududeeyo xisaabta, wuxuu rajaynayaa inu noqdo kuwa marka naftu ka baxayso malaa’igtu ku odhanayso ha murugoonina soo baxa idinkoo Illaah idinka raali yahay.

Walaalayaal aan isku dayno inaan bal nafteena ku hawl gelino shantan sifo ee fiican Illahayna waxaan ka baryaynaa inuu ina asturo aakhiro iyo aduunkaba.

Xuseen Jaamac Guudcadde
Source: weedhsan

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *