4 Waxyaabood Oo Kaa Hortaagan Inaad Farxad Ku Noolaato

Maanta waxaan Rabaan in aan kuu soo ban dhigo afar caado oo aan ka fikiraayay baryahan ba iyo sida ay u dhawacaan nafteena oo ay inoo ga ilaaliyaan in aynu noqono qaar faraxsan. Dhowrkan caado ee aan rabo inaad si uun uga dufaacdo naftaada. Markaad aragto laga yaabaa inaad ku qososho balse aanad u arkin wax aan dib kuu jidan Karin hase ahaatee waxaan rabaa inaad in yar uun ka fikirto, haba noqoto sodan sakane.

(1) Inaad sugto wakhtig oo wanagsanaada.

Wakhtigu maskax ma laha uu isku hagaajiyo, qofka maskada leh inuu wakhtiga ku hagaajiyo waa adiga. Hadii aad sugtid in uu wakhtiga adagi ku dhaafo adigoon waxba qaban macnaheegu waxaa weeyaan wakhtiga soo socdaana waxa uu ahaanayaa oo waliba laga yaabaa in uu ka sii dhib badnaado ka imiga taagan.
Laga yaabee inaad wax donaysid inaad samayso balse aad iskugu sheekayso aqoontiisa ma lihid, farsamadeeda ma lihid, hadii aanad hadda bilaabin inaad aqoonta yeelato iyo farsamada waligaa iyo allahaa waxaad rabto madaxaaga ayuun bay sidaa ugu jiraysa.
Markaa Ha sugin in waayaha adagi uu aayar ku dhaafo adigoon waxba samayn, ee intaad hurdada ka kacdo sidii qof karti leh ugu dhex bood.
Xasuusnoow: “Uma qalantid wakhtiga danbee macaan hadaadan, ka hore ee qadhaadh u dhabar adaygin”

(2) Inaad u fiirsato dadka kale noloshooda iyo meeshay wax u marayaa:

Ha iloobin inaad filimka noloshaada aad ka wanajiso kuu ahaa shalay toole intaad Dadka ku mashquulayso. Baadi doon waxa uu ilaahay haybad kuu siiyay. Filimkaagu hadii aanad jeclaysan siduu ku bilaabma badal hadda, oo naftaada gacanta ku qabo. Xilka tunka u rido wax walba oo aad u baahan tahay inaad ku gaadho meesha aad tagayo ilaahay wuu ku siiyay. Waxaad sugtaaba ma jiro.

(3) Inaad Baqdinta gabood ka dhigato:

Sida dhabta ah waxaan  halkan ku qoraayo oo dhan waad ogtahay waanad garanaysaa, waad garanaysaa in hadii aanad waxaad doonayso aanad u shaqaay aadan dhafayn meeshaad tagantahay. Balse maxaa kaa hor taagan inad ku dhaqaaqdo? Waa BAQDIN!! Laga yaabaa inaad I waydiiso MAXAAN KA BAQAYAA??? Adigoo iska dhigaaya libaax.

Waxaad ka baqaysaa wax walba hadii aad binu aadan aad tahay sidaydoo kale ah. Waxaad ka baqaaysaa, waxay dadku ku odhan doonan, waxaad ka baqaysaa sida ay dadku kuu soo eegi doonan markaad kuftid eed afka dhulka ku dhufato. Waxaad ka baqaysaa markaad wax aad si qayral xadiya u doonaysay laguudiido… waxaad ka baqaysaa in qofka aad si aad ah u doonaysaa. HA I RAADSAN KU YIDHAA. hadii aanad waydiisan waxaad rabto waxaa hubaal ah in 100% aanad heli Karin, waayo iskumaad dayinba.

Xusuusnow: Ha ka baqin inaad su’aasha waydiiso. Korna u hadal si laguu maqlo.

(4) Inaad ku dhagsanaato qof ku dhibataynaaya:

Wakhtiga qaar waxa ugu fiican eed naftaada iyo dadka aad wada socotaan aad u samayn kartaa waxaa weeyaan inaad ka dhaqaaqdo dibna aanad gadaal u soo fiirin. Sababtoo ah dadka qaar wax walba ood samaysaa kuma filna. Naftooda waxba uma ogola adigana waxba kuuma ogola, dadkaaso kale waa sun markay kuu kala cadaato in saxibkaa amaba saxiibadaa ay sun isku tahay adigana kugu tahay. Wadada kaliyaataa waa ta albaabka wayn ka baxda.

Jamal Hassan

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *