4 Astaamood Oo Lagu Yaqaan Waalidka Wanaagsan

Waxay ogyihiin waqtiyada ay ubadkooda la qaadanayaan nolosha:

Waalidka wanaagsan waxa uu ka fikiraa goorta uu ubadkooda la qaadanaayo waqtiga, si kasta oo uu waqtigu u dhaafaba, waxaanay ka warwaraan mar kasta oo ubadkoodu sii koraan sida uu waqtiga ula sii qaadan lahaa, iyaga oo cuntada meel kula cuna, isla markaana daryeela marka ay qaan gaadhaan baahiyaadkooda nololeed.

Ma fududa in ubadka lala qaato waqti ku filan, balse waxay u baahan yihiin in waqti fiican oo farxadeed lala wadaago ubadka si ay maskax ahaan iyo caafimaad ahaanba u dheeli tirmaan.

Waxay danahooda ka hormariyaan ka ubadkooda:

Ubadku marka ay yar yar yihiin waxay u baahan yihiin daryeel aad u fara badan, waxana jira waalidiin badan oo shaqooyin iyo adduun kaga mashquula, balse waxay u baahan yihiin in ay waxyaabaha qaar uga tanaasulaan carruurtooda si ay noloshooda u horumariyaan, una ilaaliyaan akhlaaqdooda.

Ubadka ayaa u baahan in waalidiintood ay ku ilaaliyaan tacliinta si ay u qabatimaan dedaalka, balse haddii laga mashquulo waxa ku timaad iyagoo nolosha ka dhaca, waalidka wanaagsana waxa uu carruurtiida tusaa jidka wanaagsan, isaga oo ugu dedaala in uu horrumariyo tacliintooda iyo qaab-dhismeedka noloshooda.

Waxay yaqaanaan sida ubadkooda ay u taageeri lahaayeen dhinacyada tacliinta:

Waxyaabaha ugu badan ee waalidiinta wanaagsan ka fikiraan waa siday ubadkooda dhinacyada tacliinta uga horrumarin lahaayeen si uu naftiisa iyo toodaba u anfaco, iyaga oo ku farxa marka uu kaalmaha hore ka galo waxbarashada, kuna guulaysto halganka waxbarasho.

Waalidka tacliinta amma danayna in ubadkooda ay ka taageeraan waxbarashada waxay kaantaroolaan amma dib uga eegaan laylisyada loo soo diray in ay guriga kaga shaqeeyaan, waxaanay weydiiyaan agabyada iyo waxyaabaha ay u baahan yihiin si ay ugu fudutaato tacliintooda, iyaga oo saaxiibtino xeel-dheer la yeesha ubadkooda.

Waxay ubadkooda tusaan dulqaad aad u badan, iyagoo laftooduna isu dulqaata:

Waalidiinta wanaagsan waxay ubadkooda u muujiyaan dulqaad marka ay ku guul-darraystaan halganka nololeed, iyaga oo ku dhiirigeliya in ay guushu ku jirto gacmahooda, kumana badiyaan canaanta, sidoo kale markay khalad galaan waxay tusaan khaladka uu ku dhacay dhibta uu leeyahay, iyaga oo si cilmi-nasfi ah iyo dhinaca togan ah ka tusa, taas oo ubadka kalsooni u muujissa.

Dhanka kale, inta ay ubadka dhex joogaan waxay isu muujiyaan kalgacal, waanay isu dulqaataan marka uu khalad iyo dhibaato ka dhex abuuranto.

Check Also

5 Qodob Oo Waalidku Uu Ku Horumarin Karto Waxbarashada Caruurta

Sida caadiga ah waxa ugu badan ee uu waalidku ku fikiro xilliga uu ilmihiisu ku …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *