3 Talo oo Kaa Caawinaysa In Aad Ka Guul Gaarto Go’aan Kasta Oo Aad Qaadato

Ugu horrayn wax waliba oo aan doonayno in aan ka guul gaarno waxa ay maraan 4 marxaladood.

1. In aad aaminto misana ku kalsoonaato waxa aad doonayso in aad qabato,  hadaba si’ aad u aaminto go’aamada aad qaadanayso waxaad u baahan tahay in aad siiso wakhti aad ku ogaato waxa ay yihiin iyo waxa kugu kalifaya in aad ka mira dhaliso.

2. In aad galiso dadaalkaaga ugu badan misana aad joogtayso, waayo waxa aad wakhtigaaga ugu badan galiso ayaad natiijadoodu heshaa.

3. In aad ku qanacdo natiija kasta oo kaaga soo baxdo iskudaygaaga koowaad, maxaayeelay natiijada oo aad ku qanacdaa waxa ay quudisaa amaba sii adkaysaa go’aankaagii hore, waxa ayna suurta galisaa in aad dadaalkaaga laba jibaarto iskuday-gaaga labaad.

Hadaba dhibta jirtaa waxa ay tahay qaarkeen waxa aan go’aan qaadanaa anaga oo aan aaminsanayn waxa aan doonayno in aan samayno, intaa waxaa sii dheer kuma bixino dadaalkeena ugu badan mana joogtayno, ugu dambayntiina hadii natiijadu aysan noqon sidaan wax u doonayn isla markiiba waxaan isku qancinaa fikradaha qaldan oo ah

” waan ogaa in aan ka guul gaari karin, waan ku degdegay , ma ahayn go’an wanaagsan ” iyo wixii lamidka ah.

Kadibna fikradahaa qaldan waxa ay sumeeyaan caqligii isbedel doonka ahaa, intaa kadib waxaa dhacda marba marka ku xigta dadaalkaagii wuu ka sii yaraadaa iskudaygaagii hore.

Kadibna marwaliba oo aad go’ aan qaadataba natiijadu way ka sii xumaataa natiijadii kuu soo baxday iskudaygaagii koowaad,
waayo go’aan aadan aaminsanayn in aad ka mira dhalin karto misana aadan galin dadaalkaagii ugu badanaa oo aadan joogtayn, siday suurtagal ku noqonaysaa natiijadu in ay ku farxad galiso oo aad ku qanacdo !?!?.

Waxaa muhiim ah go’aamadaadu in aysan ku dhisnaan qof hebelba waa sameeyay ee ana aan sameeyo,

Hadaad doonayso in aad wax barato ha ku dooran dadkuba way dhigtaan balse ku dooro in aad aaminsan tahay in ay noolashaada wax ka baddeli doonto islamarkaana waa in aad aamintaa in aad ka guul gaari karto.

Hadaad shaqo doonanayso ha u doonan qof hebelba waa ka shaqeeyaa balse u doono waa shaqo aan aaminsanahay in aan ka mira dhalin karo,misana noolashayda wax ka badali karta.

Hadaad ganacsi samaynayo ha u samayn qof hebelba waa ku jiraa balse hanoqdo ganacsi aad aaminsan tahay in aad ka mira dhalin karto misana aad aaminsan tahay in uu noolashaada wax ka badeli doono.

Hadaad doonayso in aad guursato ha u guusan dadkuba way guursadeen balse lammaanaha aad doonayso in aad noolasha la wadaagto ku dooro in uu yahay amaba tahay lammaane noolashaada inta ka dhiman aad ku aamini karto misana aad aaminsan tahay noolashaada in ay wax ka badali doonto.

-Dhalinta Maanta

Check Also

dhiiri galin guusha

Cashar Muhiim Ah

1. Nebi Muuse (CS) iyo tolkii, markii ay Fircoon iyo ciidamadiisu baacsanayeen, xilli ay nafta …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *