Xidhiidhada Dadka!!

Caana-qubtu Isuma soo dhowaato, maadaama oo qodxaha sida maxaadhka ah ee dusha sare ka taagani is gaadhayaan kaddibna midiba ta kale ku dhaawacayso. Sidaas awgeed xilliga barafka iyo qaboobaha darani jiraan aad ayaa ay isugu soo dhowaato si ay isu dugsato, laakiin waxa ay ku qasbanaataa in ay u adkaysato dhaawaca iyo xanuunka qodxaha midiba jidhka midda kale ku mudayso. Marka ay waxoogaa diirani ah hesho ayaa ay kala durugtaa si ay xanuunka uga raysato, haddana marka uu qabowgu jidhkeeda gaadho ayey mar kale isku soo durugtaa.

Mar kasta oo ay isku sii dheggenaato waxaa sii badanaya dhaawaca, mar kasta oo ay sii kala durugtana qabowga ayaa khatar gelinaya nolosheeda.

Xidhiidha aadamuhu waa sidaas oo kale. Kama madhna qodxo iyo xumaan qof kasta ku xeeran, laakiin iskaashi iyo walaalnimo iman mayso haddii aynaan isugu adkaysan qodxahaas iyo dhaawacaas ina kala gaadhaya.

Waxaa jira hal-ku-dheg carbeed oo yidhaahda: ‘Ruuxi saaxiib bilaa ceeba raadiyaa noloshiisa gooni joognimo ayaa uu ku dhammaystaa, Ruuxii xaas / say bilaa nusqaan ah raadiyaana guunnimo ayuu ku god galaa.’

  • HADDII AAD DOONAYSO NOLOL FARXADEED;
  1. Wax kasta fasiraad ha u raadin, wax kasta ha sii baadhin / qodqodin, waayo kuwii hortaa dheemanta baadhayba dhuxul bay uga dhaadhaceen, malabka ciddii asalkiisa doontayna in uu matag shinniyeed yahay bay ogaadeen.

Ogow haddii Alle wax qof kasta laabtiisa ku jira bannaanka soo dhigi lahaa, dadku seef wax aan ahayn iskumay salaameen.

Turj: Kamaal Marjaan

Check Also

jiilasha aadamaha, dabeecadaha,

Qayb 2: Jiilashu Waa Sida Jeesas Aan Iska Warqabin

Jiil kastaa waa jees gooni ah oo habdhaqan iyo dabeecad lama wadaagaan jiilka kale. Jiil …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *